Maalmahanews.com
DAG DAG:- WASIIRKA DIINTA IYO AW-QAAFTA SOMALILAND OO BULSHADDA BAAQ U JEEDIYAY + WAXAA UU KU SAABSAN YAHAY
May 26, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Maalimahanews :- Wasiirka Diinta Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa guud ahaan bulshadda reer Somaliland u soo jeediyay baaq uu ugu baaqayo in ay u diyaar garoobaan bisha barakaysan ee ramadaan.

Wasiir khaliil ayaa waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay isa-saamaxaan oo khayrka iyo samaha laysku baraarujo.

Dhinaca kale Wasiirka Diinta ayaa shacabka Somaliland ka codsaday in ciddii aragta bisha barakaysan ee ramadaan ay la soo socod siiyaan wasaaradda diinta .

Gaba-gabadii ayaa waxaa uu sheekhu ummadda eebe ugu baryay in uu ku simo bishan barakaysan siiyana khayreeda dhamaanba shacabka reer Somaliland inta xanuusanaysana caafimaad taama eebe siiyo.

COMMENTS
Latest News