Maalmahanews.com
Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal ka soo Jeeda Beelaha Dan-wadaago
May 25, 2017 - Written by Maxamed Sulayman

Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal ka soo Jeeda Beelaha Dan-wadaago
———————————————————————-
Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey taageerayaal laxaad leh oo ka soo jeeda beelweynta Dan-wadaago (Gabooye) oo ka tirsan beelaha reer Somaliland.
Xaflad lagu soo dhaweeyey taageerayaasha ka soo jeeda beelaha Dan-wadaago oo lagu qabtay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa waxa ka qaybgalay hoggaanka KULMIYE oo uu hormuud ahaa Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeennada labaad iyo saddexaad – Md. Axmed Cabdi Dheere iyo Xuseen Aadan Cadde, saraakiil badan oo xisbiga ka tirsan, garabyada Haweenka, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal, boqolaal taageerayaal la soo dhaweeyey ah iyo marti-sharafa kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey taageerayaashan, laguna bogaadinayey go’aanka ay KULMIYE ku taageereen.

Image may contain: 11 people
Image may contain: 8 people, people standing, wedding, suit and indoor
Image may contain: 12 people, people standing, crowd and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting

COMMENTS
Latest News