Dr Scad oo u waramay majaladda African Arguments wuxuu dunida ku canaantay inay ceeb ku tahay inay aqoonsan waayaan qaddiyada iyo madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland.
“26 Sanadood ayaa kasoo wareegtay markii aanu go’aansanay inaan u ka baxno midowgii,wali lanama aqoonsan laakiin wax badan ayaa is badalay .Somaliland-ta 2017-tu aadbay uga duwan tahay Somaliland-tii 1991,wadankayagii ayaanu dhisana,shaqaalihii ayaanu dhisanay doorashoo oo hal qof iyo hal cod ah ayaanu qabsanay,degenaansho ayaanu gaadhnay,wax badan waanu ka qabanay arrimaha Bulshada,waxaanan leenahay 30 Jaamacadood oo aanan hore u lahayn iyo kun dugsi dhexe”ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire waxaana uu intaasi raaciyey Dr Sacad “Siyaasadd ahaan Somaliland aadbay u wanaagsan tahay,Horaantii Sagaashamaadkii marka aanu nimaadno Ingiriiska,waxaan la kulmi jirnay Saraakiil hoose,laakiin hadda waxaan la kulanaa heer Wasiir.Waxaan qabnaa inay dunida ceeb ku tahay inay aqoonsan waayaan Somaliland,waxa la dafirsan yahay xuquuqdayadii Qaranimo,dhinac waa ka arrin Bini’aadamnimo,ma jiro dunida dal odhanaya Somaliland ma jeclin,sababtoo ah dhibaato uma gaysano,si kale hadii loo yidhaahdo Aqoonsi buuxa oo ay Somaliland heshaa wuxuu ka caawinayaa Bulshada caalamka sidii ay ula tacaali lahaayeen caqaadaha jira sida argagixisada iyo Budhcad-badeeda.