Maalmahanews.com
Heerka Feejignaanta Ammaanka Ee Britain Oo Sare Loo Qaaday
May 24, 2017 - Written by Maxamed Sulayman
Hargeysa(Maalimaha)May.24,2017- Dowlada Britain ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ay ka qeyb qaadan doonaan ilaalinta goobaha muhiimka ah ee dalkaasi kaddib weerarkii Manchester.

Arrintani oo ah mid dhif iyo naadir ayaa waxaa ku dhawaaqday ra’iisul wasaarah dalka ingiriiska Theresa May oo sidoo kale sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta ee Britain kaddib markii qiimeyn rasmi ah lagu sameeyay khatarta dalka ka soo wajaheyso argagixisada, taasi oo ka dhigan in weeraro horleh ay dalka ka dhici karaan.

May waxay intaa ku dartay suurta galnimada ah in ninka weerarka geystay ay ku wehliyaan shaqsiyaad kale.

Weerarkan oo ka dhacay magaalada Manchester ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 22 qof, waxaana sidookale ku dhaawacmay dad ka badan 50 qof.

Sida ay shegeen booliska, weerarkani ayaa waxaa geystay Salmaan Abedi oo 22 sano jir ahaa.

BBC-du waxay fahansan tahay inuu ku dhashay Manchester asal ahaana uu ka soo jeeda Liibiya.

Abedi, iyo seddax carruur oo la dhalatay ayaa waxay marar kala duwan degeen xaafado ku yaalla Manchester oo mid ka mid ah boolisku ay baareen.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa la shaaciyay magacyadooda. 16 ka mid ah waxaa la sheegay inay ahaayeen carruur

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday.

Boosteejada tareennada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Booliska ayaa wali hawlgal ka wada magaalada Manchester

 

COMMENTS
Latest News