Maalmahanews.com
Madaxweyne-ku-xigeenka oo Gabiley kaga Qaybgalay soo Dhawaynta Siyaasiyiin Culus iyo Taageerayaal ku Biiray KULMIYE
October 31, 2016 - Written by admin

Gabiley (Maalmahanews)- Madaxwayne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxwayanha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa magaalada Gebilay ee xarunta Gobolka Gebilay kaga qayb galay xaflad balaadhan oo loo qabtay taageerayaal tiro badan oo ka soo digarogtay Xisbiyada UCID iyo WADDANI oo ku soo biiray xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE.
Taageerayaashan miisaanka leh oo ay hogaaminayeen 11 xubnood oo isugu jira maayaro iyo xildhibaanno ka mid ahaa golayaashii hore ee deegaanka Gebilay iyo masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiyada mucaaradka oo ay ka mid yihiin; Guddomiyihii xisbiga UCID ee Gobolka Gebilay, siyaasiyiin tiro badan oo ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI iyo taageerayaal badan oo wehelinayey, waxa xafladda loo sameeyey ka qaybgalay Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland, Guddomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Warshadaha, Wasiirka xidhiidhka golayaasha ,Wasiir ku-xigeenka Cayaaraha, Badhasaabka Gobolka Gebilay, Duqa Degmada iyo Xildhibaano.
Madxwayne-ku-xigerenka Somaliland oo xaflada soo xidhay ayaa kudbad ka jeediyay madaashaasi waxaanu yidhi “Waan idinku soo dhawaynayaa Xisbiga KULMIYE ,waxan idiin sheegayaa in Xisbigii Mucaaridka ahaa ee WADDANI uu fashilmay waxaanu ku fashilmay Shirwayniihii Golihiisa dhexe ee uu qabtay oo ahayd mid cadaalad daro ah oo qof xaqiisii la duudsiyay waxaanau sameeyeen sharci jabin, KULMIYE waxa hogaaminaya laba nin oo mujaahidiina Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku suntan yahay halgankii dalka, aniguna waxan ku suntanahay dimuqraadiyada Somaliland, Xisbigii aan siyaasad ka soo galay ayuunbaan ku jiraa ilaa imika, nimanka Xisbigayaga ka yaacay ee afduubka nagu eedaynaayayna waxaan leeyahay afduubkii aad sheegayseen idinnkaa WADDANI la tagay oo

shirkisii golaha dhexe afduubay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici Madxawayne Ku-xigeenka Somaliland.

1

6

2

7

5

COMMENTS
Latest News