Maalmahanews.com
Saldhiga Ciidan ee Imaaraadka, Faaidooyinka iyo jalaafooyinka ku lamaan
October 30, 2016 - Written by admin

Horudhac.

Dawladda Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay heshiis is afgarad horudhac ah (Memorandum of Understanding) ka gaadheen Saldhig Milatari oo Dawladda Imaaraadku rabto inay ka samayso Somaliland, saldhigan oo la isku afgartay in laga dhisi doono meel u dhaw magaalo xeebeedka Dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay ee Berbera (Somaliland Financial Center), sida Wasiir ka tirsan Xukuumaddu saxaafada ka sheegay. Saldhigan Difaac ujeedooyinka laga leeyahay, Saamaynta togan iyo taban ee uu Somaliland ku leeyahay, Kaalinta Somaliland ku leedahay Amuuraha Siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo waxyaabaha la midka ahi waa kuwo la is weydiin karo oo ay muhiim tahay in Dawladu ay ka jawaabto, Ummaddana ay ka dhaadhiciso.

Sidoo kale waxa muhiim ah in si dhaw loo eego tartanka Imaaraadka Carabta iyo Turkiga u dhexeeya ee Geeska Afrika si gaar ahna Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, sidoo kale Qatar iyo Imaaraadka amuuraha hoose ee ka dhexeeya, Cilaaqaadka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo saamaynta ay ku keeni karto, Masar iyo Sucuudiga iyo kaalinta ay ku yeelan karaan Saldhigan, Dagaalka Yemen, Dagaalka Qabow ee marmarna kululaada ee ka dhexeeya Sucuudiga iyo Iiraan iyo Amuuro kale oo badan.

 

Somaliland waa dal yar oo ku yaala Mandaqad istiraatiji ah marka aad eegto halka ay ka dhacdo oo ah marinka isku xidha Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, Marinkan oo ah mid ay muhiim tahay inay Somaliland ka faaidaysato isla markaana ay yeelato qorshe ay ku waajahayso Amuuraha ka socda mandaqada maadaama ay mar walba jiraan dabaylo siyaasadeed oo ruxaya mandaqada ay Somaliland ku nooshahay, kuwaasi oo saamayn taban iyo mid togan ba ku yeelan kara Somaliland si gaar ahna dhinacyada Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga iwm.

Is afgaradka Imaaraadka iyo Somaliland iyo Iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Dawladda Imaaraadka Carabtu maaha dawlad door weyn ku lahayd in muddo ah Siyaasadda Bariga Dhexe, Dagaalada ka socda meelo badan oo Bariga dhexe ah waxayna bedelka Siyaasadda ay ahayd Dal xooga saara Kobcinta Dhaqaalaha, Horumarinta iyo wanaajinta Ganacsiga ay la wadaagto Dunida kale si gaar ahna Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika. Waxana ay ku guulaysteen in magaalada Dubai ay noqoto Xarun Ganacsi oo caalami ah (international trade hub) iyo welibana magaalada ugu qaalisan Bariga dhexe (the most expensive city in the Middle East) xilli dadka magaalada ku nool ay tiro ahaan ka yar yihiin 3 Million oo qof, iyadoo kobac dhaqaale oo 6.1% ah samaysa sanadkii. Waxyaabaha ay waxaas oo dhan ku kasbatay na ay tahay soo jiidashada Maalgashiga caalamiga ah oo sanadkii kordha 7%.

Iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka ayaa soo bilowday sanadkii 2009kii wakhtigaasi oo Imaaraadku arkay fursada taala Somaliland iyo welibana xidhiidhka aan wacnayn ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dalalka carbeed ee la soo bilowday Go’aankii ay Somaliland kula soo noqotay Madax banaanideeda sanadkii 1991kii, iyadoo dedaalo badan oo diblomaasiyadeed oo dawladaha Carbeed oo Masar iyo Sucuudigu ay horkacayaan oo lagu wiiqayey qaranimada Somaliland dhawr goor ba fashilmeen. Fahamka Imaaraadka oo aan lug badan ku lahayn Siyaasadu wuxuu abuuray in Mashaariic dhanka Biyaha ah ay ka bilaabaan inay Somaliland ku kasbadaan xilli biyo yaraan badani ay ka jirto Somaliland, inkastoo dhulku iska biyo badan yahay balse amuuro isu biirsaday Somaliland ay sababtay in Biyo yaraan iyo abaaro badani isaga dambeeyaan Somaliland. Mashaariicda Biyaha ee halkaa ka soo bilowday ka dib, Hawlgalkii caalamiga ahaa ee la dagaalanka Budhcad Badeeda oo ahaa mid dalal badani ka qayb qaateen wuxuu noqday mid isku soo dhaweeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waxana uu abuuray in Dawladda Imaaraadku dhawr goor ba ku soo casuumto Somaliland shirar waaweyn oo Amuuraha Budhcad badeeda ku saabsan. Halkaana waxa ka dhashay xidhiidh dhanka Amaanka ah oo Hayadaha Amniga ee labada dal abuureen.

Ka sakow shirarka Budhcad badeeda loogu talo galay iyo qorshayaasha ka dambeeyey ba ee, Imaaraadku Wuxuu Somaliland u arkay dal muhiim u ah marka ay noqoto kaalintiisa uu rabo inuu qayb kaga noqdo Siyaasadaha ka dhex oogan Bariga dhexe iyo Geeska Afrika labadaba. Waxana taasi ay abuurtay iskaashi cusub oo labada dal dhex mara, Madax Somaliland ka socda oo in badan lagu casuumay Imaaraadka, Mashaariic cusub oo Imaaraadku siiyey Somaliland iyo ugu dambayntii in Imaaraadka Carabtu uu Mashaariic Maalgelineed u fidiyo Somaliland. Si gaar ahna Wershada Hilibka ee magaalada Berbera laga dhisayo iyo welibana Dekeda Berbera oo Shirkada DP World iyo Xukuumaddu ay heshiis maalgelineed ka gaadheen.

Imaaraadka iyo Qatar.

Sidaynu xaga sare ba ku soo sheegnay, Imaaraadku waa Dal (Business oriented) ah oo aan inta badan Siyaasadda lug badan ku lahayn, balse Dhawaan ayey dib uga fikireen mustaqbalkooda. Qatar oo ah dal yar oo Imaaraadku ka weyn yahay Dad ahaan dhul ahaan iyo Dhaqaale ahaanba ayaa lacag ku kala wada Hawlo waaweyn oo Siyaasi ah, sida taageerada Ikhwaanul muslimiinkii Masar ilaa ay ku guulaysteen inay talada Masar gacanta u gasho Wadaadada Ikhwaanka, Soomaaliya oo ay Siyaasad ahaan faro gelin adag ku sameeyeen xilligii Dooroshooyinkii Madaxtinimada ee sanadkii 2012kii isla markaana ay ku guulaysteen in cidii ay doonayeen ay caleemo saaraan iyo meelo kaleba.

Imaaraadku wuxuu wakhtigaas go’aansaday inuu Awoodiisa Siyaasadeed dhiso si uu u waajaho tartan adag oo uu la galo Qatar oo siyaasad ahaan bara dhaafisay intii uu ku mashquulsanaa Ganacsiga caalamiga ah iyo marti gelinta Maalgashiga ugu badan ee Bariga Dhexe yimaada. Waana halka keentay in Imaaraadku uu taageero Amuuro badan oo Qatar ka soo horjeeday, halkaana Loolan uu ka dhex bilaabmo. Tani waxay keentay in Ikhwaankii Masar qabsaday uu Imaaraadku dhaqaale ahaan burburiyo tiina ay sababtay in meesha ay ka baxaan muddo kooban ka dib. Taa waxa u sahashay Maalgelinta Dhaqaale ee Imaaraadka u taala Masar maadaama Imaaraadku yahay dalka  koowaad ee xaga maalgelinta marka aynu Masar eegayno.

Imaaraadka iyo Qatar labaduba maaha Dawlado Dhinaca Difaaca aad uga dhisan ama awood badan leh balse maadaama ay Dhinaca Dhaqaalaha ka kobceen waxay isu arkeen dalal Awood siyaasi ah yeelan kara oo ay ku waajihi karaan dunida carbeed ee kale balse halka lagu kala tagay ayaa ah Imaaraadka oo gacan fiican ka helay Sucuudiga oo ah Dalka ugu weyn Bariga dhexe markay Siyaasad noqoto iyo markay Dhaqaale noqoto labadaba iyo Dalalka Reer Galbeedka ee Maraykanku ugu horeeyo, Xilli Qatar ay dhaleecaymo caalami ah kala kulantay taageerada ay siiso Ururada Xagjirka ah ee ka hawl gala qaybo badan oo Bariga Dhexe ah.

Imaaraadka iyo Turkiga.

Mid kale oo ka mid ah waxyaabaha Imaaraadku u dananaynayo iskaashi Ganacsi iyo Difaac oo uu la samaysto Somaliland ayaa ah in uu loolan kula jiro Turkiga. Laga bilaabo sanadkii 2011kii Dalka Turkigu wuxuu maalgelin balaadhan ku sameeyey Dalka Soomaaliya isagoo la wareegay Madaarka iyo Dekeda Muqdisho, sidoo kalena Dhaqaale badan ka helay dalkaasi Soomaaliya. Marka laga yimaado saamaynta Dhaqaale na, sidoo kale wuxuu Turkigu ku yeeshay Gudaha Soomaaliya saamayn Siyaasadeed isagoo gacanta ku dhigay wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana uu si badheedh ah dhinac ula saftay, dhinaca kalena uu hada bilaabay inuu balaadhiyo Awoodiisa Difaac isagoo Saldhigyadii ugu horeeyey ee Milatari ee uu dalka Dibadiisa ka furto ka samaystay Qatar iyo Soomaaliya.

Amuurahani waxay soo dedejiyeen in Imaaraadku Qorshe uu in muddo ahba ka baaraan degayey ula soo qadimo Madaxweyne Siilaanyo dhawaan xilli uu ku sugnaa Dalka Imaaraadka Carabta, inkastoo Damacu hore ba u jiray oo wakhtigii dagaalada Yemen bilaabmay xitaa ay soo qadimeen Qorshe Xukuumadda Somaliland diiday oo ahaa in Ciidan ka tirsan kuwa Somaliland laga qayb geliyo qorshaha dagaalka Yemen. Imaaraadku wakhtigan wuxuu qorshaynayaa inuu gacan ku yeesho siyaasadda Soomaaliya xilli wakhti Doorosho ay soomaaliya ku jirto oo wuxuu hada qabanayaa shir Madaxda Dawlad Goboleedyada Soomaaliya ku yeeshaan Imaaraadka oo amuuro badan oo Dooroshooyinka soomaaliya ugu horeeyaan lagu falanqaynayo, Musharixiinta laftoodana qaar baaba Imaaraadku lug ku leeyahay haday noqoto taageerada dhinaca Maaliyadda iwm.

Loolanka Iiraan iyo Sucuudiga iyo saamaynta uu saldhigani keeni karo.

Dawladaha Iiraan iyo Sucuudiga waxa ka dhexeeya loolan culus oo dhanka Awooda ah balse ay labada dhinac ba adeegsadaan fikradaha diiniga ah ee ay kala wataan. Taasi oo saamayn taban ku leh Siyaasadda Geeska Afrika oo Sucuudigu uu ku awood badan yahay. Somaliland wax xidhiidh ah oo toos ah lama laha Sucuudiga, dhinaca kale na waaba dalkii ugu horeeyey ee isku dayey inuu cunaqabatayn Dhaqaale ku soo rogo Somaliland sagaashamaadkii xilligaasi oo Sucuudigu Xayiraad saartay Xoolaha oo Dhaqaale ahaan Somaliland ugu jirta halka Sucuudiga uu Batroolku ugu jiro. Iyadoo sidaa uu yahay xidhiidhka tooska ahi hadana waxa jira xidhiidh aan toos ahayn (informal relations) u dhexeeya dad Somaliland jooga iyo Dawladda Sucuudiga, xidhiidhkaas oo mararka qaar gaadhay ba mid siyaasadeed ayaa haatan ah mid aan awood badan lahayn marka hoos loogu daadego.

Dagaalka Yemen haddii aynu ku soo noqono oo ah meel xasaasi ah oo Iiraan iyo Sucuudigu ay ku loolamaya, haddii ba ay Somaliland saldhig difaac siiso xulafada Sucuudigu hogaaminayo oo uu Imaaraadka wakiil ka yahay waxay halis balaadhan ku keeni doontaa Amaanka Qaranka ee Somaliland, waana mid ka fiirsi balaadhan u baahan.

Saamaynta saldhigan ku keeni karo Iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya.

Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya iskaashi xoogan oo dhinacyo badan khuseeya. Haday Dhaqaalaha noqoto, Ganacsiga, Amaanka, Difaaca, Dhaqanka iyadoo mustaqbalka uu u saansaan eeg inuu horumar adag sameeyo, maadaama labada geesood ba isu baahan yihiin (Mutual interest). Markay sidaa wax yihiin, saldhigan Difaac sidaan sheegnay maaha mid Imaaraadka uun ku koobnaan doono ee waxa lug ku leh Isbahaysiga dalalka hawlgalka Milatari ka wada Dalka Yemen ee Sucuudigu hogaaminayo, Masarna waxay qayb ka tahay hawlgalkan. Sidaas awgeed, inkastoo Imaaraadka iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xidhiidh fiican oo wakhtigan xaga Ganacsiga u badan waxa uu saamayn taban ku yeelan doonaa Iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya, waa haddii Somaliland imikaba aysan ka taxadirin maadaama Masar iyo Itoobiya uusan xidhiidh wanaagsan ka dhaxayn, iska daa xidhiidh ee waxa ayba ku muransan yihiin webiga Niilka iyo habkii looga faaidaysan lahaa. Sidoo kale Masar iyo Somaliland maaha dalal iskaashi wanaagsani ka dhexeeyo siyaasiyan.

Gabagabo.

Maxaa Somaliland la gudboon.

Si aanay xeego na xeego wax u yeelin, ilko na u kala nabad galaan waxa Somaliland la gudboon inay Amuurahan il dheer ka yeelato isla markaana ka hortagto halista ka soo fool leh, Somaliland waxa lagu yaqaanay inay dhexdhexaad ka ahayd hawlgalada Milatari iyo kuwa siyaasadeed ee ka socda Bariga Dhexe, laakiin Wixii ka dambeeyey khudbad sanadeedkii dastuuriga ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey labada Gole sanadkii 2015 kii oo uu Sucuudiga iyo Xulufadiisa ku taageeray markii dagaalka Yemen bilowday waxa muuqatay in kaalintii dhexdhexaadnimo ay ka soo dabacday Somaliland, sidaas awgeed waa inay Somaliland danaheeda ka dhex raadiso meeshan, kalana soo dhex baxdo, sidoo kalena ay ka gaashaamanto wixii caqabad ah ee amuurahan ka dhalan kara.

Talaabooyinka la gudboon Xukuumadda Somaliland.

  1. Inaanay ku degdegin saxeexida Heshiiska.
  2. Inay gorgortan adag kala gasho Imaaraadka Carabta inay iskaashiga Difaaca iyo Saldhigan Ciidan uu danaha Somaliland ka turjumayo.
  3. Inay shuruudo adag ku xidho saldhigan sida.
  4. In Dawladda Imaaraadku ay Siyaasad ahaan la shaqayso Somaliland (Aqoonsi caalami ah.).
  5. In Dawladda Imaaraadku ay Dhaqaale adag ku bixiso mashruucan.

III.            In aanay Saldhigan adeegsan Karin Dalalka Carbeed ee hawlgalka ka wada Yemen oo aanu noqon saldhig isbahaysigu leeyahay balse uu noqdo saldhig ay Dawlada Imaaraadku keligeed leedahay, haddiiba gacmo carbeed oo kale soo galaan saldhigan (waa siday u muuqato ee) waxay waxyeelo weyn ku keeni doonaa Amuuro badan oo diblomaasiyadeed oo Somaliland hor yaala. Haddii ba ay dalalka kale ee carbeed rabaan saldhig ciidan inay Somaliland ka samaystaana ay si toos ah uga soo dalbadaan Somaliland oo aanay dal kale u soo marin.

 

Yacqub Said Ismail.

International political observer.

Yacqubismial@gmail.com

Bristol, United Kingdom.

l

COMMENTS
Latest News