Maalmahanews.com
Mustaqbalka Xisbiyadda Somaliland.
October 28, 2016 - Written by admin

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

Waxaad shalayto muddatiyo,

Mahadhada xasuusnow,

Halku qorigu kaa muday,

Mar labaad lugtaadiyo,

Cagtu yaanay kula marin.

Maansadda Mullaax: Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim Gadhle)

Xisbiyadda Somaliland waxa loo aasaasay in ay hoggaamiyaan siyaasadda waddankan curdinka ah ee Somaliland,taasi oo loogu tala galay in lagaga gudbo qaabka qabiilaysiga ah ee ay bulshaddu u dhisnayd qarniyo aad u fog. Xisbiyaddu waa inay hogaamiyaan siyaasadda waddanka, oo waxay ahayd in lagaga baxo qaabka hab beeleedka ah ee mudda dheer soo jiray.

Somaliland markii ay la soo noqotay xorriyaddeeda sannadkii 1991kii, waxa burbursanaa qaab-dhismeedka bulshadda, dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhamaan wixii ay ummaddu haysatay, ka hor intii aanay waddanka ka dhicin burburkii iyo baaba’ii dal iy dadba saameeyeey.

Xisbiyadda Somaliland markii la furay sannadkii 2002dii,waxa loogu tala galay in ay noqdaan saaxad siyaasiyiintu ay ku soo bandhigaan qorshayaashooda siyaasaddeeed,ajendayaasha ay rabaan inay waddanka ku hoggaamiyaan iyo mustaqbalka ay rabaan inay Somaliland hiigsanayso. Qaab iyo qorshe dhamaystiran oo tafatiran.

Dimuqraaddiyadda Somaliland oo ah socod barad, waxay u baahan tahay in ay xisbiyaddu dhexdooda noqdaan dimuqraadi si habsami ah looga dhex tartamo.

Haddii dimuqraaddiyad dhexdooda laga waayo, waxay keenaysaa salluug iyo is maan dhaaf aan xal iyo xad toona lahayn. Waa sida maanta taagan ee maaro loo la’yahay.

Saddexda xisbi ee hadda jira waynu la soconaa xaalkooda oo hoggaanka sare,gaar ahaan guddoomiyaha ayay taladu ku ururtay oo ay ka go’daa, maaha talo wadaag. Ta ka sii darran waxay tahay xeerarka xisbiga oo aan loo hoggaansamayn oo guddoomiyuhu uu u dhigo kolba sida ay isaga dantu ugu jirto. Hadda maaha siday danta xisbiga iyo aayahiisu ku jirto.

Bal u fiirso, xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye laguma tartamin guddoomiyaha, markii uu wareejinayay madaxweyne Axmed Siilaanyo sannadkii 2010kii. Muuse Biixi ayuun baa aayar loo cumaamaday. Ta ka sii darran waxay ahayd in aan lagu tartamin musharraxa madaxweynaha ee ay xaqqa u lahaayeen qof kasta oo kujira golaha dhexe inuu tartami karo,oo tabtii hore ayuun baa isla Muuse Biixi la doortay, taasi waxay keentay in garab miisaan iyo mug ku lahaa xisbiga oo wasiiro u badan iyo laba ka mid ah hoggaankii xisbigu inay salluugaan hannaanka wax loo doortay. Kamay qaby gelin doorashadii Musharraxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka, waxaanay ku dhawaaqeen inay xisbiyadda kale wada hadal la furayaaan oo ay xukuumadday lixda sanno ka tirsanaayeen ka hulleelaan. Aakhirkii xisbiga Waddani ee mucaaradka ah ayay ku biireen oo aanay isaga laftiisa ugu tegin caddaaladii iyo hannaankay doonayeen, oo waxay ka qaby noqdeen arrintay ka soo yaaceen oo xisbiga ka dhex socota. Haddii ay heli lahaayeen fursad ay ku tartamaan oo ay ka calaf qaadi lahaayeen doorashadda xisbiga, shakhsiayan waxaan qabaa inaanay qiil heleen ay ku marmarsoodaan, oo ay kaga baxaan xisbiga. Ma se dhicin arrintaasi.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ku cusub saaxadda siyaasaddu kama duwana oo isla xeer jebintii iyo dimuqraaddiyad la’aantii ayaa ka dhex dhacday. Dhug u yeelo arrintan: Guddoomiyihii xisbiga oo u sharraxnaa musharraxa madaxweyne wuxuu yidhi yaan la ila tartamin oo kaliday ha la I cumaamado,musharraxa madaxweyne ku xigeenkana ha lagu tartamo. Eeshqiyaasak!. Halkee laga dheelaa caddaaladdaa iyo xeerkaa sheegaya arrintaa?.Mooyi!.

Xisbiga UCID waxa madaxa iskula jira musharrixii madaxweynaha iyo guddoomihii xisbiga, kadib markii loo hoggaansami waayay xeerarkii xisbiga iyo dastuurka waddanka u yaala. Guddida diiwaangelinta ururada ayay dacwad u gudbiyeen oo qaraar ka soo saartay. Garabkii guddoomiyaha ayaa diiday oo rafcaan qaatay. Maxkamaddiina xukunkii hore mid aan ka fogayn ayay gaadhay, waxaanay soo jeedisay in la raaco xeerka xisbiga oo marka hore ba lagu kala bixi waayay, kadib markii loo hogaansami waayay. Waa yaabka yaabkiise, guddoomihii xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe ayaa maalin dhawayd ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID, arrintaasi oo si toos ah uga hor imanaysa xeer lambar 14 oo ah xeerka xisbigayadda iyo shuruucda la xidhiidha. Malahayga guddoomiyuhu ma garan waayin xeerkaas ee wuu iska indha tirayaa. Xeerka oo loo hoggaansami waayaa waxay keenaysaa is dhex yaac iyo jaantaa rogan. Xeer ayuu guddoomiye ku yahay ee hadduu isagii jebiyo, godkiisa ayay biyo ugu geli. Alle ha sahlo amuuraha isku dhex murugsan!.

Ifafaalaha Muuqda:

Haddii xisbiyaddu dhexdooda ay dimuqraaddi noqon waayaan,waxay taasi sababaysaa in 10kii sanno ba saddex xisbi oo cusub soo baxaan oo kuwii hore oo ah hanti qaran ay daaqadda ka baxaan. Ragga la ciilay ee loo diiday inay tartamaan waxay samaysan doonaan xisbiyo cusub. Ifafaalaha muuqdaa waxa weeyi inay rag badan ba hadda qorshaynayaan inay xisbiyo furtaan, marka la gaadho xilliga xeerku dhigayo in la furan karo axsaab siyaasadeed. La arki doonee!.

F.G: Qormadda dambe waxaan kusoo qaadi doonaa burburkii UDUB iyo sababihii keenay.

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

Email: aareeye2020@gmail.com

COMMENTS
Latest News