Maalmahanews.com
TACSI GUDDOOMIYE – Geerida Gaashanle Sare Faysal Kaamil
October 26, 2016 - Written by admin

Xisbiga Midnimada iyo Horumarka JSL ee KULMIYE

26 Oct. 2016

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 26/10/2016. Waxaannu Guddoomiyuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa qoysaska ilma Kaamil iyo dhammaan reer Ciise Habbane.

Marxuum Faysal Kaamil Ciise waxa uu Guddoomiyuhu ku tilmaamay inuu ahaa sarkaal dadaal badan oo ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo qaybqaadatay halgankii dib-u-xoraynta dalka Somaliland, sidoo kalena ku suntanaa sarkiisha aqoontooda ciidanimo sida wayn u dhisantay 25 sanno ee Somaliland ahayd dal madaxbannaan, isagoo ka gaadhay darajada Gaashaanle Sare iyo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbigu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

COMMENTS
Latest News