Maalmahanews.com
Loolanka Quwadaha Ruushka iyo Galbeedka, Hoos u dhaca Miisaanka Ruushka iyo koru kaca Miisaanka
October 25, 2016 - Written by admin

Horudhac.

Loolankii quwadaha Midowgii Soofiyeeti iyo Maraykanka ee ku Aadanaa hogaaminta Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Dunidu oo ah labada qofkii gacanta ku dhigaa yahay kan loo daba fadhiisanayo dunida inteeda kale wuxuu soo gabagaboobmay sanadkii 1991kii xilligaasi oo waa cusub u beryey dunida oo dhan, waa gabagabadii dagaalkii qaboobaa ee soo bilaabmay wixii ka dambeeyey Dagaalkii labaad ee Dunida xilligaasi oo ay labada geesood ba xulafo u ahaayeen Amuuro badan oo dunida waagaas ka jiray, saamayntii iyo raadkii uu kaga tagay dunida qaarkeedna ilaa iyo haatan la dareemayo. Dalalka uu saamaynta taban kaga tagay na waxa ugu horaysa wadamadii dunida saddexaad ee Ruushka la shaqayn jiray qarnigii hore isla markaana la jaanqaadi kari waayey Siyaasadii cusubayd ee dunida qabsatay, reer Galbeedkuna ay horkacayeen. Burburkii midowgii Soofiyeeti iyo dumintii Deyrkii weynaa ee kala qaybin jiray magaalada Berlin ee caasimada Jarmalka (west Germany and east Germany) waxay sababeen in Siyaasadda dunida uu ku gacan sareeyo Maraykanka iyo Xulufadiisa ay ugu horeeyaan Ingiriiska iyo Faransiisku. Dabayaaqadii todobaatanaadkii iyo bilowgii sideetameyadii ayaa ay wax walba is bedeleen markii uu hoos u dhac Dhaqaale oo laxaad lihi uu ku soo fool yeeshay Midowgii Soofiyeeti ka dib markii Maraykanku uu gacanta ku dhigay hogaaminta wax soo saarka dalaga beeraha ee dunida (World major supplier of Agriculture) iyo sidoo kale dib u dhis balaadhan oo lagu sameeyey Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dalkii Galbeedka Jarmalka (West Germany) si kobac Dhaqaale oo laxaad leh oo ay uga horayso kan Bariga Jarmalka (East Germany) uu u yimaado, Bariga Jarmalka ayaa ahaa mid uu gacanta ku hayo Midowgii Soofiyeeti halka uu Galbeedkana ku hayey Maraykanka iyo Xulufadiisu, waana ta keentay in Bariga ka dambeeyo Galbeedka xaga Dhismaha iyo Dhaqaalaha. Wixii ka dambeeyey dumintii Deyrkii Berlin ilaa maatana Dhaqaale gooni loogu bixiyo dib u habaynta Bariga Jarmalka ayaa socda, waana sababta keentay in Soomaalida ku nool Jarmalku ay Bariga u degaan intooda badan maadaama ay ka yara fursado wacan tahay Galbeedka oo Horumar laxaad leh gaadhay.

Burburkii Dhaqaale ee yimid ka dib, Reer Galbeedka si gaar ahna Maraykanku waxa ay heshiisyo toos ah oo diblomaasiyadeed ula gaadheen Midowgii Soofiyeeti maadaama uu haatan u jilcay oo ay baahi badan u qabaan Ganacsi inay la samaystaan dunida kale. Dhinaca kale, la wareegida talada Midowgii Soofiyeeti ee Hogaamiyihii Mikhail Gorbachev iyo dib u habayntii Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee uu sameeyey maadaama uu ahaa Hogaamiye wax badan ku bartay dalalka reer Galbeedku waxay soo gababgabaysay loolankii quwadaha dunida ee hogaaminta Siyaasadda dunida, taasina waxay sahashay in Midowgii Soofiyeeti u burburo ilaa 15 Dal oo kala duwan oo ilaa iyo haatan Qaramada Midoobay kuraas ku leh.

 

Madaxweynihii koowaad ee Ruushka burburkii midowga soofiyeeti ka dib Boris Yelstin ayaa bilaabay Cilaaqaad Diblomaasiyadeed iyo mid Ganacsi oo toos ah oo uu la Maraykanka maadaama uu haatan aad u jilicsan yahay balse Amuurahani waxay si toos ah isu bedeleen maalintii ugu dambaysay sanadkii 1999kii oo uu Vladamir Putin si toos ah ula wareegay hogaaminta ugu saraysa ee Ruushka. Putin ayaa aaminsan in sedka Ruushka ee caalamka aanu wax gorgortan ah ka gelin. Taasina waa ta sababtay qabsashadii Gacanka Crimea ee Ukraine iyo cunaqabataynta curyaamisay Dhaqaalihii Ruushka.

 

Reer Galbeedka oo Maraykanku hogaamiye u yahay iyo Ruushku waa dalal kala fog Siyaasad ahaan isla markaana kala aaminsan laba mabda oo ay dedaal dheer u galeen inay ku fidiyaan dunida inteeda kale. Ruushku wakhtigii uu ahaa Midowga Soofiyeeti wuxuu si adag ugu faafiyey dunida mabda Hanti wadaaga (Communism) oo gaadhay halkii ugu saraysay. Qaybo badan oo ka mid ah Afrika, Asia iyo Koonfurta Maraykanka ayuu mabdiisa gaadhsiiyey. Halka Reer Galbeedka oo Maraykan horkacayo ay amuurtan dedaal adag u galeen sidii loo burburin lahaa iyagoo watay Mabda Hanti Goosaadka (Capitalism), ugu dambayntii na ay guushu raacday wadamada Galbeedka sanadkii 1991kii oo ay si toos ah isu bedeshay Siyaasadi dunidu isla markaana Maraykan oo taageero laxaad leh ka helaya Faransiiska iyo Ingiriisku ay ku guulaysteen inay la wareegaan jihaynta Siyaasada caalamka.

 

Is barbar dhiga Maraykanka iyo Ruushka Dhaqaale ahaan, Awood Difaac ahaan iyo Bulsho ahaan intaba.

 

Marka aynu dhanka Difaaca ka bilowno, Madaxyada Nukliyeerka ee Maraykanku haysto waxay gaadhayaan 4800 oo Madax, halka Ruushku uu ka haysto 8000 oo Madax, Maraykanku wuxuu Difaaca ku bixiyaa sanadkii lacag ka badan $600 Billion halka Ruushku uu kaga bixiyo lacag ku dhaw $90 Billion. Dhul ahaan Ruushku waa in ka badan 17 Million oo KM oo isku wareeg ah halka Maraykanku uu ka yahay 9 Million oo KM oo isku wareeg ah. Dhaqaalaha Maraykanku waa $17 Trillion oo Dollar halka Ruushku uu ka yahay $1.9 Trillion oo Dollar. Dhinaca tirada bulshada, Maraykanka waxa lagu qiyaasaa in ka badan 310 Million oo qof, halka Ruushku uu ka yahay 146 Million oo kali ah. Baaxada Dhul ee Ruushku waxay sababtay inuu noqdo Dalka ugu balaadhan dhul ahaan dunida oo dhan.

 

Amuuraha ka dhex oogan wakhti xaadirkan.

Burburkii Midowgii Soofiyeeti ka dib, Maraykanka iyo Xulufadiisu waxay degeen qorshe cusub oo loogu talo galay in ay isku dhiibaan wadamadii la shaqayn jiray Midowgii Soofiyeeti isla markaana ay ku bedelaan mabaadida fiday ee Midowgii Soofiyeeti dhabarka ku watay. Tani waa ta keentay in khilaafaad cusub ka abuurmaan wadamadii mabda Soofiyeeti soo gaadhay isla markaana la jaanqaadi kari waayey dunida kale waxayna sababtay inay dunida kale ka dambeeyaan Amaan ahaan, Dhaqaale ahaan, Siyaasad ahaan, Bulsho ahaan iwm isla markaana ay noqdeen kuwo gudahooda ku mashquulay oo ka kori waayey hoostooda.

 

Saamaynta Ruushka ee Siyaasadda Caalamiga ah.

Siyaasiyan, Ruushku tan iyo burburkii Midowgii Soofiyeeti waxa muuqatay inuu Siyaasad ahaan aad u burburay isla markaana uu noqday mid aad ay u yaraatay Saamaynta Siyaasadeed ee uu ku leeyahay dunida inteeda kale. Tusaale ahaan, Qaramada Midoobay oo ah Golaha ay ku midaysan yihiin dalalka Dunida oo dhan isla markaana la aasaasay sanadkii 1945kii markii la soo gabagabeeyey Dagaalkii labaad ee dunida kana kooban 193 Dal waxa kali ah ee Ruushku taageero ka heli jiray wadamada Iiraan, Shiinaha oo codka diidmada qayaxan (Veto power) ku leh Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, Waqooyiga Kuuriya, Lubnaan oo Ururada xagjirka ah ee Argagixisada loo aqoonsan yahay awooda sare gacanta ku hayaan, Cuba iyo Venezuela. Cuba waa kuwii Heshiiyey Maraykanka oo hada sidii hore wax u socon maayaan Ruushka maadaama Cuba ay ku jirtay Go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale in ka badan nus qarni (half a century) oo ay imika u baahan tahay in ay la shaqeeyaan dunida kale, Venezuela oo iyada lafteedu dhibaatooyin badani ka jiraan waxa wakhti xaadirkan ay wada hadalo diblomaasiyadeed kula jiraan Maraykanka iyo xulufadiisa oo kama maarmi karaan. China wuxuu ku khasban yahay inuu uu ilaashado Ganacsiga uu la leeyahay Maraykanka iyo Yurub waayo kama maarmo, China iskuma doorsan karo suuq 146 Million oo qof oo kali ah ka kooban iyo suuq ka badan 1 Bilyan oo qof oo Maraykan iyo Midowga Yurub ay abaan (wakiil) ka yihiin. Waqooyiga Kuuriya xaaladiisa Dhaqaale iyo go’doonka Siyaasadeed ee uu ku jiro uma saamaxayso inuu noqdo wadan Ruushka wax u soo kordhiya oo saaxiibtinimada ka dhaxaysa maaha mid Ruushku uu faaido ku qabo, haday Dhaqaale iyo Ganacsi noqoto iyo haday wax kaleba noqoto ee, khasaare mooyee. Lubnaan iyada ayaaba qalalaase gudaha ahi burburiyey oo Ruush wax ay ku soo kordhin karto ayaaban jirin, Iiraan kama maarmayso Ganacsiga ay la wadaagto dunida galbeedka oo muddo ay go’doon kaga jirtay balse hada sanad ka hor loo furay Ganacsiga caalamiga ah inkastoo aanay mabaadida Siyaasiga ah ee ka dhashay kacaankii islaamiga ahaa ee 1979kii la wareegay talada dalka Iiraan ilaa iyo haatana ka taliya aanay ka tanaasulayn, balse Ganacsiga Shidaalka ee ay u dhoofinayso Dibada waa mid ay u baahan tahay, sidaas awgeed iskaashiga ka dhexeeya ee bariga Dhexe mooyee wax badan oo kale isma tarayaan. Isku soo wada duuboo saamaynta Ruushka ee dunidu markay noqoto dhinacyada Siyaasadda iyo Dhaqaaluhu waa mid aad u kooban oo maaha wax wakhtigan soo celin kara awooda Ruushka ee uu waayo-waayo ku lahaa dunida.

 

Amuurahan oo dhami waxay noqdeen kuwo uu ku qanci waayey isla markaana u cuntami waayey Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin oo Siyaasadda dalkaasi la wareegay sanadkii 1999kii, waxana uu habeen iyo dharaar halgan ugu jiraa inaanu wax gorgortan ah ka gelin sadka Ruushka ee Siyaasadda caalamka, kumana doorsan doono Go’doonka Dhaqaale ee wakhti xaadirkan uu ku jiro Dalkiisu. Iyadoo weliba la saadaalinayo Dooroshooyinka Ruushka ee sanadka 2018 ka inuu mar kale dib ugu soo laaban doono talada dalkaasi, wallow taageerada uu Gudaha Ruushka ku leeyahay aysan sidii hore ahayn oo hoos u dhac ka muuqdo.

 

Dagaalka Suuriya iyo saamaynta Ruushka.

Ruushka iyo Suuriya waa labada dal oo taariikh dheer oo siyaasadeed, taarikheed iyo mid nidaam ba wadaaga, waana laba dal oo aad isaga dhaw dunida kale marka aynu siyaasadda qiimaynayno. Laga soo bilaabo Gugii carabta (Arab Spring) ee dabaylaha waaweyn ku ruxay dalalka Carabta Khaliijka mooyee, sanadkii 2011kii waa dalka kali ah ee Ruushku si toos ah gacanta ula galay isla markaana uu ciidamo geeyey si uu u taageero Dawladda dalkaasi, sababtuna waa waxyaabahan ay wadaagaan. Ruushku ciidamo muu geyn markii xiisadaha guga carabtu watay ay ruxayeen dalalka Masar, Liibiya, Yemen, iyo Tunisia oo noqotay dalka kali ah ee dib u soo kabtay guga ka dib. Balse wuxuu Ruushku wacad ku maray inuu difaacayo Dawladda Suuriya maadaama haddii tani ay ka baxdo gacantiisa uu si toos ah go’doon uga galayo dunida kale markay dhinaca Siyaasadda noqoto.

 

Dhinaca kale Ruushku wuxuu awooda diidmada qayaxan (veto power) uu ku dhex leeyahay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, sidaas awgeed wuxuu awood u leeyahay inuu is hortaago talaabo kasta oo reer galbeedku ay doonayaan inay ka qaadaan Suuriya. Tani waxay xulufada Maraykanka awood u siinaysaa inay cunaqabatayno cusub oo Dhaqaale kaga aarsadaan Ruushka kuwaas oo qaarkood hada la diyaarinayo, kuwo hor lehna horeba loo saaray.

 

Farogelintii Ukraine, Cunaqabatayntii ka dambaysay iyo raadka ay Ruushka kaga tagtay

Sanadkii 2014kii, ayey si toos ah u qarxeen amuuraha ka oogan Ukraine taas oo noqtay markii ugu horaysay ee ay iska hor yimaadaan Maraykanka iyo Ruushka oo xiisadooda Siyaasiga ahi ay hoosaysay in muddo ah isla markaana in ka badan 15 heshiis oo waaweyn oo Habka Adeegsiga Nukliyeerka ah gaadhay intii ka dambaysay dagaalkii labaad ee dunida, kuwaas oo intooda badani si guul ah ku dhamaadeen. Ukraine waa dal muhiim u ah labada dhinac marka aynu ka eegayno mandaqada ay ku taalo (Geo politically) sidaas awgeed waa inay ku tartamaan sidii ay Siyaasad ahaan ula wareegi lahaayeen dalkaasi, Ukraine xubin kama aha Ururka Midowga Yurub (European Union) sidaas awgeed culayska hada fuulaya Reer Galbeedku waa inay ku soo dhaweeyaan Midowga Yurub 42 Million oo qof oo Ukrainian ah, taas oo kordhin doonta tirada dadka Midowga Yurub oo hada 500 Million kor u dhaafaysa, marka lagu daro Ingiriiska oo hada inuu ka baxo qabanqaabinaya. Ruushku wuxuu si toos ah ula wareegay Gacanka Crimea (Crimea Peninsula) oo ah kan isku xidha Ruushka iyo Ukraine, taasina waxay abuurtay in Madaxweynihii dalka la rido sidoo kale Dalalka Galbeedku ay jawaabo adag oo siyaasi ah ka bixiyeen habka loo waajahayo dalkaasi si loo wiiqo Awooda wadanka, waxana markiiba la bartilmaameedsaday Dhaqaalaha Ruushka oo ah halka uu Ruushku ka jilicdasan yahay, waana halka abuurtay inuu cakirmo cilaaqaadka ka dhexeeya Ruushka iyo Reer Galbeedka, isla markaana dhashay in dhaqdhaqaaqyo Milatari ka bilowdaan Dalalka Bariga Yurub oo ah Xuduudka u dhaxaysa Dalalka Yurub iyo Ruushka.

 

Waa ta keentay inuu afka dhulka daro Dhaqaalihii Ruushka ee markii horeba iska hooseeyey marka loo eego kan dalalka waaweyn, waa ta keentay in wadamadii uu la ganacsan jiray Ruushku ay xidhiidhka u jaraan si gaar ahna Yurub oo Ganacsi wanaagsan ka dhexeeyey. Talaabada ta xigtay waxay noqotay in Maraykanka iyo Yurub oo haga Siyaasadda ay ku shaqeeyaan Baanka Aduunka (World Bank), Hay’adda Lacagta Aduunka (International Monetary Fund) iyo weliba Ururka Ganacsiga Aduunka ee caalamiga (World Trade Organization) ay ka duufsadeen dalalkii kale ee caalamka markay dhanka Dhaqaalaha noqoto isla markaana Ruushku meel cidlo ah ku dhacay marka ay dhanka Dhaqaalaha noqoto. Cunaqabatayntu waxay ahayd mid si toos ah u bartilmaameedsatay Hayadaha Lacagta ee Ruushka, Bangiyada, Shirkadaha Batroolka iyo Gaasta dabiiciga ah ee Ruushka, Shirkadaha iyo Warshadaha hubka soo saara, Hayadaha Difaaca iyo meelaha kale ee Dhaqaale ahaan muhiimka u ahaa Ruushka. Sidoo kale shakhsiyaadka ugu awooda badan Dalka Ruushka markay Dhanka Siyaasadda timaado ayey cunaqabatayntu si gaar ah u bar tilmaameedsatay. Cunaqabataynta oo inta ay haatan ku eeg tahay oo kali ah aan ku koobnayn ayaa sidoo kale wejiyo kale yeelan doonta dabayaaqada sanadkan ama bilowga sanadka dambe, cusboonaysiinta cunaqabaynta oo dib uga dhacday Bishii July ayaa sababta dibu dhaca keenay ay ahayd markii uu qaybo badan oo ciidamadiisa ah kala baxay Suuriya Bishii March ee sanadkan inkastoo uu haatan dib ugu soo celiyey.

 

Ruushku halkuu ka liitaa oo aanu qayrkii kaga hadhay, sidoo kale halkee buu ka dhisan yahay?

Suaashan waa suaasha ugu muhiimsan ee ay lagama maarmaanka tahay in la ogaado isla markaana jawaab loo helo, sidoo kalena waa suaal ay dhinacyo badan iska taageen dadka ku takhasusay Culuumta Siyaasaddu (Political science) oo aad ugu kala tagsan marka aad dib u eegto waxyaabaha laga qoray. Marka laga yimaado saamaynta Dhanka Siyaasadda ee wadamada Galbeedka, Laga soo bilaabo sanadkii 1991kii, markii uu Waaga cusub u baryey Siyaasadda Dunida dalalka Reer Galbeedku waxay aad uga dhismeen dhinaca Dhaqaalaha, inkastoo markii horeba ay kobac fiican sameeyeen wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee dunida, si gaar ahna Midowga Yurub uu si weyn uga faaidaystay Mashruucii Marshal Plan ee dibu dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha hadana horumarka ay samaynayeen wuxuu noqday mid aad u sareeya. Sidaa caksigeeda, Burburkii Midowgii Soofiyeeti Wuxuu ku keenay dalka Ruushka burbur aad u balaadhan oo Dhaqaale taasi oo ku keentay Ruushku inuu dhulka baadho si uu ula soo baxo Khayraadka Dabiiciga ah ee ku jira dhulkiisa, si gaar ahna Gaasta Dabiiciga ah oo noqotay Il muhiim u ah Dhaqaalaha Ruushka, wallow ay saamayn taban ku yeelatay cunaqabataynta Midowga Yurub ku soo rogay Ruushka oo ahayd meesha ugu muhiimsan ee uu la Ganacsado Dunida markay Khayraadka Gaasta Dabiiciga ah iyo wax soo saarka Beeraha noqoto, waana labada kaabe ee ugu muhiimsan Dhaqaalaha Ruushka.

 

Markay sidaa wax yihiin, Ruushku wuxuu aad diciif uga yahay xaga Dhaqaalaha oo uu marayo meel aad u hoosaysa marka la barbar dhigo dalalka uu xifaaltanku ka dhexeeyo, sidoo kale waxa uu aad ugu hooseeyaa dhanka Siyaasadda oo uu marayo meel ay aad u kooban tahay saamaynta uu ku leeyahay dunida inteeda kale. Laakiin taag darada Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Ruushka waxaan la mid ahayn Awoodiisa ciidan oo ah mid aad u balaadhan marka la qiimaynayo hubka ay ku gaashaaman yihiin oo uu aad uga dhisan yahay, taasi waa ta keentay in aan la maqal Ciidamo Maraykan ah iyo kuwo Ruush ah ayaa si toos ah isaga hor yimid. Inkastoo ay jiraan dagaalo aan toos ahayn oo dhex maray labada dal oo ay ugu muhiimsan yihiin dagaaladii Vietnam iyo kii gacanka Kuuriya oo ay labada dal ba lug ku lahaayeen isla markaana ay iskaga soo horjeedeen, sidoo kalena kan hada Suuriya ka socda waa mid isna jira oo aan la dafiri Karin saamaynta ay labada geesood ku leeyihiin. Sidoo kale diyaar uma laha labada dhinac wakhti xaadirkan in dagaal ay si toos ah isaga hor yimaadaan, ha jiraan dagaalo si dadban u socda balse ciidamada labada geesood aanay wax badan ku noqonayn.

 

Mustaqbalka dhaw ama ka fog ba Ruushka iyo Shiinuhu ma yihiin Saaxiibo iskaashan kara oo ka hortagi kara Dunida kale ee Galbeedka?

Suaashan ayaa iyaduna ah mid in laga jawaabo wakhtigan ay munaasib tahay maadaama dad badani is weydiin karaan cilaaqaadka laba geesoodka ah ee Ruushka iyo Shiinuhu halka uu gaadhsiisan yahay iyo in mustaqbalka ay labada dal iskaashi xoogan abuuraan si ay Awoodooda u tusaan dalalka kale ee dunida si gaar ahna Reer Galbeedka oo wakhtigan hogaanka u haya Siyaasadda iyo Dhaqaalaha caalamka. Inta aynaan suaasha ka jawaabin waxa inagu waajib ah inaynu eegno cilaaqaadka Shiinaha iyo Galbeedka ee Dhanka Dhaqaalaha iyo sidoo kalena waxyaabaha ka dhexeeya Ruushka iyo Shiinaha.

 

Shiinuhu Wuxuu Cilaaqaad Balaadhan oo Ganacsi iyo Dhaqaale ba la leeyahay Maraykanka iyo Dalalka kale ee Galbeedka inkastoo ay aad ugu kala tagsan yihiin Afkaarta Siyaasiga ah oo ay kala wataan laba mabda oo aan sinaba isugu eekayn, hadana taasi may sababin in Dhaqaale ahaan ay kala fogaadaan balse xidhiidhka Ganacsi ee labada geesood wuxuu keenay inay aad isaga soo dhawaadaan sidii hore ee uu ahaa. Maalgelinta Shiinaha ee dhex taala suuqyada Yurub waxa ay saddex jibaar ka badan tahay ta Shiinuhu ku leeyahay marka la isku daro dunida inteeda kale, sidoo kale Maalgelinta Yurub ee Suuqyada Dhaqaalaha ee Shiinuhu waxay lix jibaar ka badan tahay tan uu Yurub ku leeyahay Shiinuhu. Taasi waxay keenaysaa in labada dhinac ba is ilaashadaan, sidoo kale saamayn la’aanta Milatari ee Shiinaha marka ay dunida inteeda kale noqoto waxay abuuraysaa in Damaca Ruushka iyo Galbeedku uu iyaga uun ku koobnaado oo aanu u talaabin dunida inteeda kale.

 

Aynu u soo noqono Ruushka iyo Shiinaha, labada dal waxay wadaagaan xuduud aad u dheer oo ka badan 4200 km2 taas oo loo aqoonsan yahay xuduudka lixaad ee ugu dheer xuduudaha caalamiga ah (world’s sixth-longest international border). Ruushku waa dalka ugu baaxada weyn dunida waxana uu xuduud la wadaaga 16 dal oo dunida ka mid ah oo la aqoonsan yahay oo ay ku jiraan Shiinaha iyo Maraykanka oo uu Badweynta kala wadaago, sidoo kalena wuxuu la wadaaga xuduud laba dal oo aan weli la aqoonsan oo kala ah Abkhazia iyo South Ossetia taas oo ka dhigaysa Ruushku dalalka uu xuduudka la wadaago 18 Dal oo kala duwan. Xuduudka ka sakow, baaxada Dhulka ee Ruushku waa in ka badan 17 Million oo Km2 taas oo ka dhigaysa dalka ugu baaxada weyn ee dunida isla markaana ay ku nool yihiin wax ka yar 150 million oo Qof, halka Shiinuhu uu ka yar yahay 10 Million oo Km2 isla markaana ay ku nool yihiin in ku dhow 1.5 billion qof.

 

Dhanka Khayraadka markaad ka eegto, Ruushku waa mid ka mid ah dalalka ugu baaxada weyn uguna khayraadka badan dunida, halka Shiinuhu uu yahay dal baaxad weyn, dad badan isla markaana khayraadkiisa dabiiciga ahi aad u yar yahay balse ka faaidaystay khayraadka dadkiisa (human resource). Sidaas awgeed dadka culuumta Siyaasadda ku takhasusay iyo weliba kuwa culuumta Milatariga ku takhasusay ee wakhtigan qaarkood waxay isku raacsan yihiin in mustaqbalka fog aysan sidaas jaar ku sii ahaan karin dalalka Shiinaha iyo Ruushku isla markaana muran dhanka xuduudaha ahi iman doono, xilli uu dhalanayo damac dhul balaadhsi ee Aadamaha ku beeran.

 

Maxaa uu Ruushku ka faaidi karaa Ururka BRICS ee uu xubinta ka yahay?

BRICS oo matasha boqolkiiba 50 dadyowga ku nool dunida marka aynu dhinaca Bulshada ka eegno waa Urur ka kooban Dalalka Shiinaha, Hindiya, Ruushka, Brazil iyo Koonfur Afrika (South Africa) waxay gacanta ku hayaan in ku dhow 25% oo ka mid ah Dhaqaalaha dunida (World GDP). Marka aynu eegno Faaidada uu Ruushku keligii ku qabi karo maaha mid aad u buuran marka xaqiiqda la dul istaago. Hindiya iyo Shiinaha oo ah labada dal ee ugu balaadhan shantan dal isla markaana ah kuwa ugu tirada badan xaga dadka ee dunidu waa kuwo Yurub iyo Maraykan aan ka maarmi Karin marnaba markay Dhaqaale iyo Ganacsi noqoto, maadaama wax soo saarkooda iyo suuqa weyn ee ay haystaan uu yahay mid aanay ka maarmi karin, sidoo kale South Africa iyo Brazil waa Dalal marka la barbar dhigo dalalkan aan aad u weynayn Dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaan labadaba, inkastoo ay horumar fiican sameeyeen marka loo eego mandaqada iyo Qaarada ay ku yaalaan labadaba. Hadana lama filayo inay wax buuran ku soo kordhiyaan Ruushka oo ahaan jiray dal miisaan leh balse imika aan sidiisii u balaadhnayn.

 

Si kastaba ha ahaatee, Hoos u dhaca Dhaqaale ee Ruushka, Cunaqabataynta Dhaqaale iyo Ganacsi ee Galbeedku afka dhulka ugu dareen Ruushka, yaraanta saamaynta Siyaasadeed ee Ruushku wakhti xaadirkan ku leeyahay dunida, Dagaalada Suuriya, Daymo la’aanta iyo is diidsiinta Putin oo raba inuu sedkiisa dunida wax gorgortan ah aanu gelin, isbedelada siyaasiga ah ee dunida 100kii sanno ba hal mar dhaca ee xeerarka Siyaasadda caalamiga ahi caadada u leedahay, indho ku haynta sanadka 2018 ka oo ah sanad muhiim u noqonayaa Siyaasadda Dunida iyo waxyaabaha is bedeli doona waa kuwo mudan in si weyn isha loogu hayo maalmaha, bilaha iyo sanadaha soo socda intaba. Ciyaari hada uun bay bilow tahay.

COMMENTS
Latest News