Maalmahanews.com
Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo si Balaadhan loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bristol+ Daawo Sawiro
October 13, 2016 - Written by admin

Hargeysa:(Maalmahanews): Jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Bristol ee dalka UK, ayaa munaasibad ballaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga hadda dalka Ingiriiska.
Kumanaan qof oo ka mid ah qurbo-joogta muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Bristol, ayaa xaflad taageero ay ugu muujinayaan Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE u qabtay, iyadoo ay wehelinayeen wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiy, Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe), madaxda laamaha KULMIYE ee dalalka Yurub iyo masuuliyiin kale.

29810611

 

COMMENTS
Latest News