Maalmahanews.com
Akhriso: Khudbadii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Uu U Jeediyey Jaaliyadda Somaliland Ee Birmingham-UK Iyo Qorshaha Xisbiga Kulmiye ku Galaayo Doorashada Soo Socota
October 7, 2016 - Written by admin

lMaalmahanews-(Birmingham)-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad qiimo badan ka jeediyey xaflad balladhan oo jaaliyadda reer Somaliland ee dalka UK, gaar ahaan magaalada Birmingham u sameeyeen soo dhawayntiisa xalay.
Haddaba, khudbadda oo Guddoomiyuhu diirrada ku saaray qorshaha xisbiga KULMIYE uu ku galayo doorashada Madaxtooyada si uu ugu guulaysto mar labaad waxay u dhignayd sidan;

“MAHADAQ;
Ugu horreyn waxaannu idiinka mahadnaqaynaa jaaliyadda reer Somaliland ee UK oo dhan, gaar ahaan reer Birmingham oo aynu joogno sida wayn ee aad noo soo dhawayseen ee leh farxadda iyo kalgacalka wejiyadiina ka muuqda, sida aad meelo dhaadheer nooga timaadeen iyadoo waqtigu idinku cidhiidhi yahay oo aannu ognahay idinkoo waddamo shisheeye jooga oo shaqooyin iyo hawlo badan idiin yaalaan sida qof waliba u soo huray waqtigiisa ee aad noo sharafteen waanu idiinka mahadcelinaynaa, Ilaahayna ha idinka abaalmariyo.

KULMIYE MUXUU SOO WADAA SHANTA SANNO EE SOCDA;

Waxa dadku is waydiinayaan shanta sanno ee soo socda doorashadan KULMIYE muxuu soo wadaa? KULMIYE wuxuu la imanayaa fagaaraha. Horta bani’aadamku markuu shaqo tagayo qofka waxa la yidhaa shahaadadaa ayuu sitaa oo cilmigaas ayuu soo bartay, dabadeedna waxa la waydiiyaa waayo-aragnimadiisa, markaa qofba qofka uu ka waayo-aragsanyahay ayuun buu shaqada ugu horreeyaa.
Xisbi ahaan KULMIYE waa xisbiga keliya ee waayo-aragnimo sita ee dhawr iyo toban sanno soo taagnaa ee dhacay ee ka tagay, ee guulaystay ee waxtaray ee dal iyo dadba yaqaana, markaa xisbiyada waanu wadanahay oo shahaado ayaanu wada sidanaa, laakiin waayo-aragnimo ayaanu dheernahay xisbiyadana nala tartamaya.
Waxa kaloo aannu dheernahay waxqabadkayagii hore oo aannu leenahay doorkan intaana waanu haynaa. Waxaannu haynaa ruug-caddaagii xisbiga aasaasay oo Madaxweynaha Qaranka ah oo taariikh badan ku leh oo maanta qof waliba halkiisa ku ixtiraamayo oo aan is odhan karo malaha isaga iyo Marxuum Ina Cigaal ayuun baa loogu ixtiraam badan yahay, isaguna wuu joogaa Ilaahay cimriga ha u raajiyeen oo talada iyo halkaa ka qabta nagu barbartaagan, waanan hubaa haddaannu isagu joogin oo kolba isagu xisbiga isku qabanaynin in aannu KULMIYE maanta halkaa joogeen, weliba sannadihii u dambeeyey haddaanu isagu xisbiga isu qabanayn oo aannu dhexda u xidhan.

Haddaba, qoladiinan cusub ee KULMIYE maxaad waddaan?

Waxaannu wadnaa siyaasaddii hore ayaanu dhisaynaa, waxaannu wax ka bilaabaynaa saddex qodob ayaa noo yaala oo doonaynaa taageerayaashayaduna inay nagu taageeraan, haddaad qaar kale oo cusub nagu biirisaana waa wanaag.
1. Amniga;
Marka hore si aad wax u qabato waxa loo baahan yahay nabad, waynu haynaa nabaddii waa la dhisay 25 ayaa la dhisayey, waxase jira nabad iyo amni oo ah laba kala duwan, KULMIYE haddaynu nahay waxaynu dhisaysaan amniga oo sii xoojinaynaa, amnigu waxa weeye in qofka muwaadinka ahi nabadgalyadiisa helo isagoo laga ilaalinayo hagar-daamo oo xorriyadiisa haysta, Somaliland waxay u baahan tahay in aynu amniga sugno, amnigu wuxuu tarayaa qofka muwaadinka ahi qabyalaadda ka korimaayo ilaa uu aamino qaran amnigiisa ku filan, marka qofka wax ku dhacaanba wuxuu odhanayaa tolaay yaa reer hebelaay, kadibna waxa soo baxaya caaqilkii, suldaankii iyo af-miishaarkii, waayo muwaadinkii ma aaminasa amni ku filan markaa reer buu dabagalinayaa, si aynu dadka uga saarno qabyaaladda waa in amnigu sugnaado oo ciidankeennu noqdaa qaar qof muwaadinka amnigiisa suga isagana aanay hagar-daamayn si uu iyaga u aamino oo uu ugu dacwoodo.
Arrintaa si loo hirgeliyo waxa loo baahan yahay dhaqaale, tababar iyo hoggaamiyayaal daacad ah iyo weliba siyaasiyiinta oo ciidammada hawshooda u daaya, in Hantidhawrku uu madaxbannaanaado oo aannu siyaasigu faraha la gelin, in xaakinku uu madaxbannaanaado oo aannu siyaasigu faraha la galin, markay intaasi isugu keen hagaagto ayuu amnigu sugmayaa, dabadeedna waxaynu helaynaa dawlad wanaagsan oo sees u ah horumarka iyo awoodda.
2. Caddaaladda;
Si muwaadinku wax soo saar u yeesho, dalkana u aamino oo horumarka uga qaybqaato waxa amniga ku lammaan caddaaladda, haddii sharciga dalku shaqayn waayo ama qaybina shaqayso qayb kalena shaqaynwaayo markaa dalku dhismi maayo, la isna aaminimaayo, haddii ninka awoodda leh ama wasiirka ah la taabanwaayo inankiisa, ka miskiinka ahna la cabudhiyo, haddii ninka lacagta leh ama shirkadaha waawayn laga qaadiwaayo cashuurta, islaanta suuqa joogtana laga qaado waxa lumaya is aaminkii, markaa waa in sharcigu shaqeeyo. Qodobkaasina waa hawsha labaad ee aannu doonayno in aannu beddelno shanta sanno ee soo socda, waana hawl ka adag kuwii hore.
Si arrintaa loo gaadho oo caddaaladda laga dareemo guryaha, waa in xaakinkii dilka xukumayey ee tuugga xukumayey isaga amnigiisa la ilaaliyo, inuu helo dhaqaale ku filan iley haddii uu garsooruhu gaajoonayo caddaalad samayn maayee, inuu helo sharcigii uu wax ku xukumayey oo midaysan oo Baarlamankeenu shaqeeyo waqti badan si uu u ururiyo sharciyada kala duwan ee garsoorku isticmaalo si loo mideeyo, markaa waxa inoo yaala in aannu Baarlamanku shaqayn 12 saacadood bishii oo dhan, waayo waxay yimaadaan 10:00 subaxnimo 12:00 duhurnimona way baxaan iyadoo waliba maalmaha qaarkood aan waxba qaban, waana hay’addii sharciga ee ugu sarraysay dalka. Wasiirradu markay xafiiska yimaadaan waa in aanay ka cararin intay waqti yar fadhiyaan.
3. Dhaqaale abuur
Sidaynu shaqo iyo dhaqaale u abuuraynaa, waxa ugu muhiimsan in la helo maalgashi mid gudeed iyo mid dibadeedba, laakiin maxaa hortaagan? Waxa jira cilmi-baadhis qolooyinka jaamacaduhu ku sameeyeen in ka badan 200 magaalo adduunka ah oo la eegay sida baayac-mushtarka iyo dhaqaaluhu ugu kordhi karo, Hargeysa waxay gashay kaalinta 164, siddeed qodob baa la qiimeeyey oo ganacsi iyo maalgashi lagaga samayn karo magaalo.
Qodobada la eegay ee Hargeysa aad ugu liidato waxa ka mid ah; qofku marka uu doonayo inuu ganacsi sameeyo marka u horreysa xoolihiisa uu galinayo, sharcigii uu meesha dhigay iyo sharciga yaala ee uu hantidiisa ku helayo iyo fulintiisa ma isku aamini karaa oo hantidiisa halkaa ma u aamini karaa. Waxa la ogaaday in haddii la is yidhaa warshad sameeya shaqo-abuur ka soo baxo in laydhka ama tamarta uu qiimihiisu aad u sarreeyo oo aynu noqonay dalka ugu qaalisan laydhka adduunka oo dhan, dalka ugu fiqiirsana waynu nahay. Waxa kaloo abuurista ganacsiga caqabad ku noqotay qofka doonaya inuu sameeyo inta meelood ee uu u marayo si uu u helo sharcigii iyo helista xogta ganacsiga iyo waqtiga kaga lumaya, taana si aynu wax uga qabanno waxaynu meel isugu keeni doonaa waaxaha wasaaradaha arrintan loo tago oo dhan, si waqti yar ciddii ganacsi samaynaysaa ugu hesho wixii macluumaad iyo shuruuc ah. Sidoo kale waxa caqabad ku ah maalgashigeenna biyaha oo magaalada caasimadda ee Hargeysa waynu ognahay biyo la’aanta haysata.
Waxa kaloo aynu u baahannahay shanta sanno ee soo socda oo dad badan oo aqoonyahani ahi ku maqan yihiin qof walibana la doonayaa inuu qaybtiisa ka qaato sidii aynu si cilmiyan ah biyo ugu heli lahayn magaalooyinkeena bilaa biyaha ah.”

20161005_202338

COMMENTS
Latest News