Maalmahanews.com
Daawo: Jaaliyada Somaliland Ee Ku Dhaqan Magaalada Birmingham Ee Dalka Uk Oo Munaasabad Soo dhaweyn ah U Sameeyey Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Raxan Wasiiro ah + SAWIRO
October 6, 2016 - Written by admin

Maalmahanews(Birmingham-UK) — Gudoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah  oo at ka mid yihiin Wasiirka wasaarada madaxtooyada Maxamud xaashi cabdi, Wasirka Caafimaad Dr. Saleebaan Ciise Adan (xaglo toosiye), Wasriirka qorshaynta qaranka Cali shoombe, Wasiirka caafimadka Cabdilahi Daahir Cukuse, iyo Wasiirka xidhiidhaka golayaasha qaranka Cali xaamud Jibriil oo ka mid ahaa waftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriya Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Beryahanba Safarka Shaqo ku joogay Dalkan Ingriiska ayaa maanta Safaro Dhiirigelin iyo kala War-qaadasho ku soo gaadhay Magaalada Birmingham caasimada labaad ee dalka Ingiriiska.

Guddoome Muuse Biixi Cabdi iyo waftigiisa ayaa soo dhaweyn balaadhan kala kulmay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham, waxa guddoomiyaha Kulmiye iyo waftigiisa lagu qaabilay hadhimo sharafeed qaddo ah oo loogu sameeyey Hotel…….. iyadoo halkaas ay ka dhacday xaflada balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo habeenimadiina kulmisay Bahweynta Kulmiye ee Birmingham iyo  gudoomiyooda safarka ugu yimid.

20161005_202527

 

20161005_20233820161005_20225920161005_202253

Xafladaasi oo ay khubado ka jeediyeen dhamaan masuuliyiinta laanta xisbiga kulmiye ee Birmingham iyo marti sharaftii aay ka madasha lagu maamuusay ee uu Hogaaminayay gudoomiyaa xisbiga kulmiye isla markaana ah musharaxa xisbiga kulmiye Muane Muuse biixi cabdi, waxaanu akhristayaasha Maalmaha news saacadaha soo socda halkan idiin soo galin doontaa muuqaalo dhamaystiran oo ah hadaladii halkasi laga jeediyey

 Gudoomiyaha ayaa la filayaa inuu socdaalo shaqo ku kala bixiyey Laamaha iyo Gobolada Wadankan Ingriiska ee Xisbiga KULMIYE Xafiisyada Ku leeyahay Qaarkood. Laamaha iyo Gobolada la filayo uu Booqashada ku tagayo waxaa ka mid ah, Laanta , Laanta Sheffield, Cardiff iyo Bristol Bristol isagoo ugu danbayna ku laaban doona laamaha London

La soco goor dhaw muuqaal kale

20161005_20153420161005_20423820161005_20235820161005_20521120161005_202517

COMMENTS
Latest News