Maalmahanews.com
Maxaad ka Og Tahay Sababta mid ka mid gacan-yarayaashii Madaxtooyada Loogu Magacaabay Madaxa Hay’ada shaqaalaha?
August 19, 2016 - Written by admin

Hargeisa-(maalmahanews): Gudoomiyihii hore ee Hay’ada shaqaalaha Cabdiraxmaan Cadami ayaa shegay iney jirto sabab loo badalay gudoomihii hay’ada shaqaalaha taas oo la xidhiidh damac la doonayo in lagu lunsado mashruuc sida uu shegay u soo kordhay hay’adaasi, sidaa darteedna loogu magacaabay gaban yar hay’ada shaqaalaha, Cadami oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu ku bilaabay sidan:

”Hay’ada shaqaalaha dawlada iyo mac-hadka shaqaalaha dawladu mudo dheer waxay ka shaqaynayeen iyagoo la kaashanaya wasiirka arrimaha dibada Dr. Sacad siday u heli lahaayeen ama u bislayn lahaayeen mashruuc lagu taabo galinayo ama lagu tayaynayo shaqaalaha dawalada guud ahaan(Capacity & Institutional building), waxay ka heleen mashruucaa World Bank, waa mashruucii ugu weynaa ee Workd Bank dib u habayn ugu sameeyo shaqaalaha dawlada Somaliland, lacagtaasi waxay dhan tahay $10 Million, mudo ayay arrintu soo socotay shirar badan ayaa laga galay Procedures badan ayay martay, siday ku baxaysaa la dhigay, xataa perdium-kii ayaa la sameeyey, markay dhamaatay ee ay bislaatay, $10-kii Million, $2 millon oo ka mid ahi waa Cash oo waa kharashaad maamul (Admin costs), $8 million-na waa Procurement oo shirkadaa iyagana  si dadban loogu naas nuujin rabaa,qandaraasyaa loo siinayaa dhismayaal ha noqoto, casriyeynta xafiisyada ha noqoto,  stationery ha noqoto, ama koorasyo shaqaalaha la siinayo oo lagu dhisayo ha noqoto. Lacagtu lacag yar maaha Somaliland $10 Million waa lacag badan…….
Sidaa darteed badalka la badalay Mr, Mixile ee uu  Maxamuud xaashi meesha u keenay wiil ka mid wiilashii xog-hayayaasha u ahaa waa uun $10 Million inoo maamul, waa sidii wasaarada duulista oo kale, waxaan ku soo gaba-gabaynayaa dadkii Madaxweynuhu ha ku qanciyo inuu isagu madaxweyne yahay oo uu badalka sameeyo iyo in kale”
Halkan hoose ka daawo iyadoo dhamaystiran

COMMENTS
Latest News