Maalmahanews.com
Aftida Ingiriiska ee la xidhiidha Midowga Yurub, Halkay ku biyo shuban doontaa? Go’aanka ugu dambeeya muxuu noqon doonaa?
June 8, 2016 - Written by admin

Faalo:

Gogol Dhig.

Asal Ahaan Muddo Shan Sanno ah ka Dagaalkii Labaad ee Dunida (World War II) Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka Galbeed Ayaa la yimid Qorshe Cusub si ay u xaqiijiyaan in aanay Labadaasi Dal Aanay Abid Mar kale Dagaal Iskaga hor Iman. Qorshahan ayaa waxa dejiyey Faransiiska oo Saddex jeer oo hore Jarmalku si toos ah u qabsaday Dalkaasi, Wakhtigan ayuu Faransiisku Garwaaqsaday inaanu awood Milatari iskaga caabiyi karin Jarmalka. Natiijada Wada hadaladaasi Ayaa Noqotay in Heshiis ay wada gaadhaan Lix Dal in ay Xoojiyaan wax soo saarka Dhanka Tamarta Dhuxul Dhagaxda, Waxay Ku Midoobeen Urur La yidhaahdho Ururka Dhuxul Dhagaxda iyo Birta Yurub (European Coal and Steel Community). Ururkan ayaa midaynayey Baaruuda iyo Hubka Lixda Dal. Lixda Dal Ayaa kala ahaa Faransiiska, Jarmalka Galbeed, Talyaaniga, Holland, Belgium iyo Luxembourg. Heshiiskan Ayaa la gaadhay Sanadku Markuu Ahaa 1951 Iyadoo Heshiisku uu ka dhacday Magaalada Paris.

Hogaamiyayaasha Lixdan Dal Ayaa Sanadkii 1957 Isugu yimid Dalka Talyaaniga Ayaa oo falanqayn dheer ka dib ay ku kala saxeexdeen heshiis ku Aadan Is dhex galka Dhaqaalaha (Economic Integration), iyadoo Magaca Ururkii Lagu Aasaasay Paris loo Bedelay Ururka Dhaqaalaha Yurub (European Economic Community)

 

Ururka Dhaqaalaha Yurub (European Economic Community) ayaa la aasaasay sanadkii 1957, sanadkii 1961kii ayaa Dawladda Ingiriisku qoratay Warqad codsi ah oo ay kaga mid noqoto Ururkaasi EEC balse waxa si toos ah uga hor yimid Dawladda Faransiiska. Mar kale ayaa sanadkii 1973kii Dawladda Ingiriisku codsatay inay ka mid noqoto Ururkaasi, taas oo ay ku guulaysatay wada xaajood dheer ka dib. Laba sanno ka dib, Shacabka reer Ingiriis ayaa u dareeray Goobaha Codbixinta si Afti loogu weydiiyo inay jecel yihiin ka mid ahaanshaha Midowga Yurub iyo in kale. 67% ka mid ahaa Codbixiyeyaasha ayaa Haa ku cadeeyey, taas oo keentay in Ingiriisku Ka mid noqdo Ururka EEC. Is dhex galka Siyaasadda (Political Integration) ayaa xoogaystay markii la aasaasay heshiiskii loo yaqaanay Maastricht Treaty oo lagu aasaasay Ururka Midowga Yurub sanadkii 1993. Wakhti xaadirkan Midowga Yurub Wuxuu ka kooban yahay 28 Dal, Bulshada Midowga Yurubna waxay gaadhaa in ka badan 500 Milyan oo Qof. Baaxada Dhul ahaaneed ee Midowga Yurub ka shaqeeyo ayaa dhan 4,324,782 KM laba jibaaran.

Midowga Yurub Muxuu ka kooban yahay?

Midowga Yurub ayaa ka kooban Afar Hayadood oo waaweyn oo ka shaqeeya Dardar gelinta Hawlaha Midowga Yurub.

Afarta Hayadood ayaa kala ah.

  1. Komishanka Midowga Yurub (European Commission)

 

Waa Hayad Ugu Awooda Badan Midowga Yurub, Waa Mashiinka Wada Hawlaha Midowga Yurub, Waxa Hawl geliya 28 Wakiil oo ka socda Dalalka Midowga Yurub. Wadan Waliba Wuxuu ku leeyahay Hal Wakiil. Waxay Hawl geliyaan Dhaqaalaha Midowga Yurub Isticmaalayo. Waana Halka laga soo Abuuro Shuruucda cusub ee Ururka Midowga Yurub ku hawl galayo. Xarunta Komishanka Midowga Yurub waa Magaalada Brussels ee Caasimada Belgium.

2.Golaha Midowga Yurub (European Council)

 

Waa Hayad ka Kooban Hogaamiyayaasha Dalalka Xubnaha ka Ah Ururka. Waxay Leeyihiin Madaxweyne la leh muddo xileed dhan 2 sanno iyo badh.

  1. Baarlamaanka Midowga Yurub (European Parliament)

 

Waa Aqal Baarlamaan Oo Ka Kooban 751 Xubnood, Waa Xubno si toos ah looga soo doorto Dalalka Xubnaha ka ah Ururka, Kana Tirsan Axsaabta ka jirta Dalalka Ururka Midowga Yurub ka tirsan. Waa Baarlamaanka ugu tiradda badan Dunida marka laga yimaado Baarlamaanka wadanka Hindiya, Shantii Sanno hal mar baa la doorta. Shaqadiisu Waa Dooda iyo Ansixinta Xeerka lagaga shaqeeyo Midowga Yurub, Xeerarkan waxa la waafajinayaa Xeerarka ay ku shaqeeya Dalalka Xubnaha ka ah Ururka.

 

  1. Maxkamada Cadaaladda Midowga Yurub (European Court of Justice)

 

Waa Maxkamada Ugu Saraysa Dalalka Xubnaha ka ah Ururka, Waxay ka shaqaysaa Fulinta Shuruucda Midowga Yurub. Xarunta Maxkamada Ayaa ku taala Dalka Luxembourg

 

Maxaa mar kale sababay Aftida Ingiriisku doonayo in uu shacabkiisa ku weydiiyo inay ka mid noqdaan Midowga Yurub iyo inay ka baxaan.?

Bishii June Sanadkii 1998kii, ayaa waxa la aasaasay Bangi ay adeegsadaan Dhamaan Dalalka Midowga Yurub oo la yidhaadhdo European Central Bank (ECB) kaasi oo fadhigiisu noqday magaalada Frankfurt ee Dalka Jarmalka. Bangiga ayaa awood loo siiyey inuu daabaco lacag cusub oo Midowga Yurub samaystay, taasi oo loo bixiyey Euro Currency. Lacagta Euro ee la sameeyey ayaa ujeedada ugu weyn ee laga lahaa ay ahayd inay tartan la gasho Lacagta Dollar ka ee Maraykanka, balse waxa arintaasi codka Diidmada qayaxan (Veto Power) kala hor yimid Dawladda Ingiriiska oo u arkaysay in Meeqaamka caasimada London ka taagan tahay Dunida hoos loo dhigayo, bedelkeeda Brussels kor loogu soo qaadayo. Sidoo kale Lacagta Pound ka ee Ingiriisku isticmaalo oo ka qaalisan Kan Dollar ka Maraykanka ayey u arkaysay UK inay hoos u dhacayso.

Taageerada ay ka wayday lacagta Euro Dalka Ingiriiska ka sakow, Waxay Adeegsada 19 Dal oo ka mid ah 28 ka dal ee Midowga Yurub ka kooban yahay, Dalalkaasi ayaa waxa ugu waaweyn Dawladaha Faransiiska iyo Jarmalka. Dalalka kale ee adeegsada waxa ka mid ah Netherlands, Italy, Ireland, Greece, Malta, Finland, Portugal, Spain, Slovenia, Slovakia, Cyprus, Estonia, Austria, Latvia, Lithuania iyo Belgium.

Wadamada ku Midoobay Lacagta Euro ayaa khasaare adag kala kulmay kacdoonkii Dhaqaalaha Dunida ee sanadkii 2008 oo khasaare weyn ku keenay Guud ahaan Dunida, si gaar ahna u saameeyey Wadamada 19 ka ah ee Lacagta wada adeegsada.

Waxa sidoo kale la aasaasay Sharci cusub oo ku Aadan Dhaqdhaqaaqa Dadka Reer Yurub oo loo bixiyey (European Freedom of Movement). Sharcigan cusub ayaa dhigayey in qof kasta oo ka soo jeeda Dalalka Midowga Yurub ku bahoobay uu degi karo, ka shaqayn karo isla markaana ku noolaan karo Dalalka Midowga Yurub isaga oo aan Fiise u baahnayn (Without Visa). Sharcigan Wuxuu muujinayaan in Ninka Faransiiska ah ee u guura Jarmalka uu la xuquuq noqonayo Muwaadinka Jarmalka ah.

Heshiiskaasi Wuxuu Ingiriiska Toos u saameeyey sanadkii 2002dii, markii si toos ah loo ansixiyey heshiiskaasi. Muddo 4 Bilood Gudahood ah ayaa waxa Dalka Ingiriiska soo degay ilaa 200,000 oo ka soo jeeda Dalka Poland ee Bariga Yurub. Poland oo ka mid ahayd Dalalka Adeegyada Noloshu ay ka hooseeyaan tan Ingiriiska ayaa Dadka ka soo haajiray u yimaadeen si Nolosha Ingiriiska ay u dhadhamiyaan maadaama ay Midowga Yurub ka tirsan yihiin oo aan laga xigin inay yimaadaan Ingiriiska.

Saamaynta socdaalku waxay sii xoogaysatay sanadkii 2007dii markii Midowga Yurub uu ooda ka qaaday Dalal Poland ka daran xaga Dhaqaalaha iyo Nolosha labadaba, waa Romania iyo Bulgaria. Arintan oo saamayn dhinaca Dhaqaalaha, Guryaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Dhaqanka ah ku yeelatay Dalka Ingiriiska waxa uga sii darnayd Saamaynta Dhinaca Siyaasadda maadaama uu awood yeeshay Xisbiga Dhinaca Midigta (Right Wing) ee United Kingdom Independence Party (UKIP) kaasi oo Ajandaha ugu weyn ee Siyaasadeed ee uu lahaa noqotay in Dawladda Ingiriisku ka baxdo Midowga Yurub isagoo ku andacoonaya in Dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaan labadaba Ingiriisku guul darro taagan yahay.

Arinta aan sinaba loo sahashan karin ayaa ahayd in UKIP uu Gacanta ku dhigay sanadkii 2009kii Malaayiin ka mid ahaa Taageerayaasha Xisbiyada waaweyn ee Ingiriiska ee Conservative Party iyo Xisbiga Shaqaalaha ee (Labour), iyadoo taageerayaashaasi ay si weyn ugu guuxeen Go’aanka Ingiriisku kaga baxayo Midowga Yurub ee UKIP ay Hormuudka ka tahay.

Wallow Dooroshadii 2010kii Xisbiga UKIP uu kaalin hoose ka galay Dooroshada, hadana Xisbiyada Ingiriisku guud ahaanba waxay ku guul daraysteen inay gaadhaan heer Xisbigu keligii Dawladda soo dhisto. Xisbiga Conservative ayaa ugu horeeyey xaga Codadka waxana uu wada xaajood ka dib uu isbahaysi Dawlad wadaag ah la sameeyey Xisbiga Liberal Democrat oo Kaalinta Saddexaad 2010kii soo galay.

Sanadkii 2013, Raiisal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa Wacad ku maray in haddii Dooroshada Guud ee 2015 la doorto si aqlabiyad ah, inuu wada xaajood cusub kala galayo Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ka mid ahaanshaha Ingiriiska ee Midowga Yurub ka hor Afti Dadweyne oo shacabka la weydiin doono Qodobkaasi. Hadalka Raiisal Wasaaraha ayaa u muuqday mid Olole ah oo uu kaga hortagayo in xisbiga UKIP uu codad badan helo Dooroshadii 2015.

Dooroshadii 2015 ka dib, Cameron iyo Xisbiga Conservative ku waxay ku Guulaysteen Aqlabiyada Dooroshada taas oo u saamaxday in uu soo dhiso Dawlad Conservative ah oo aanay cidi ku wehelin, waxana uu bishii September ee sanadkii tagay wada xaajood la furtay Midowga Yurub oo ay horkacayaan Hogaamiyayaasha Jarmalka iyo Faransiiska, isagoo Qodobo adag hor dhigay Midowga Yurub kuwaasi oo qaarkood laga aqbalay, balse Aftidii ayaanu marnaba meesha ka saarin.

Wuxuu cadaadis ku saaray Qodobo ay ugu horayso in aan laga aqbalayn Dadka ka yimaada Yurub ee Dalkiisa soo dega in ay codsadaan Lacagaha Gunooyinka ah ee Dawladdu Bixiso, Haddii Qofka Reer Yurub ee Ingiriiska soo dega uu muddo lix bilood ah shaqo ku waayo in la mastaafurin doono, Ilaalinta Meeqaamka Caasimada London ka taagan tahay caalamka, Xurmaynta Qiimaha lacagta Pound ka Ingiriiska, Ingiriisku inuu u madax banaanado sugida Xuduudaha oo uu wakhtigan ba u madax banaan yahay, Inaanu qaabilayn Qaxoontiga ka imanaya Bariga Dhexe ee Yurub soo maray iyo Qodobo kale oo adag.

Yaa taageerayaa in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub?

Xisbiga Conservative ka ee talada haya ayaa ku kala jabay Qodobkan, wallow Raiisal Wasaaraha iyo Xayn badan oo Wasiiro ahi ku ololaynayaan in Midowga Yurub laga si mid ahaado hadana Wasiiro Badan, Xildhibaano iyo Qaar ka tirsan Hogaamiyayaasha Xisbigu kuma raacsana Qorshahan Raiisal Wasaare Cameron. Ka sakow xisbiga talada haya, Xisbiga Mucaaridka ah ee UKIP oo Ajandaha kali ah ee uu leeyahay ay tahay inuu Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub ayaa Qorshaha aad ugu ololaynaya.

Xoghayaha Cadaaladda Ingiriiska Michael Gove oo ka mid ah Xubnaha ugu miisaanka culus Xukuumadda Ingiriiska ayaa horkacayaa Ololaha ka bixida Midowga Yurub (Campaign to leave the EU), waxayna la baxeen Magaca ‘Brexit’ oo noqonaysa Britain Exit to the EU.

Maxay ku andacoonayaan Kuwo aaminsan in UK ka baxdo Midowga Yurub?

Suaashan waa ta ugu weyn ee u baahan in si cilmi ah loo derso, Qodobka ugu weyn ee ay ka soo horjeedaan Hogaamiyayaasha Ololaha ugu jira ka bixida UK ee EU ayaa ah Free Movement oo sida aan kor ku xusay saamayn Dhaqaale, Mid Dhaqan, Mid Shaqo, mid Adeegyo Bulsho iyo Guryeeynta intaba saamayn ku yeelatay. Sidoo kale waxay ka soo horjeedaan Kaalinta Ingiriisku kaga jiro Qaadhaanka Midowga Yurub oo uu Kaalinta Labaad kaga jiro oo ay leeyihiin Ingiriisku maaha in uu Dhaqaale intaa leeg ku bixiyo Midowga Yurub.

Sidoo kale Amaanka Ingiriiska ayey Suaal ka keenayaan, iyagoo tusaale u soo qaadanayaa weeraradii Argagixiso ee lagu qaaday Paris iyo Brussels. Dhinaca Kaalinta Ingiriiska ee caalamiga ah, waxay aaminsan yihiin in Kaalinta Ingiriisku ku leeyahay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo Xubinimada Isbahaysiga NATO inay ka muhiimsan yihiin Kaalinta UK kaga jirto Midowga Yurub, iyagoo leh haddii Ingiriisku Midowga Yurub ka baxo Wuxuu noqon doonaa wadan Awood leh oo Madax banaan.  Sidoo kale waxa jira Qodobo tiro badan oo ay dood ka keenayaa oo ay ka mid yihiin Deegaanka, Tamarta, Waxbarashada, Cilmi Baadhista, Ganacsiga, Dhaqaalaha oo ay aaminsan yihiin in Shirkadaha Ingiriiska loo baahan yahay inay ka madax banaanaadan kuwo Midowga Yurub, Shuruucda oo ay aaminsan yihiin in Kuwa UK lagaga dhaqmo intooda badan Brussels laga keenay, iyo Qodobo kale oo badan oo dhamaantood xasaasi ah.

Yaa Diidan in UK ka baxdo Midowga Yurub.?

Markaynu Gudaha Ingiriiska Nimaadno, Raiisal Cameron iyo Wasiiro ilaa 16 gaadhayaa ayaa ku wada socda Qorshaha in UK aysan ka bixin EU. Sidoo kalena waxa Qorshaha ka sii mid ahaanshaha Midowga Yurub taageersan Hogaamiyayaal sarsare oo ka tirsan Xisbiga Labour, Xisbiga Libdem (Liberal Democrat), Xisbiga Gobolka Scotland ee SNP.

Maxay ku doonayaan in ay kaga mid ahaadaan Midowga Yurub?

Waxay aaminsan yihiin in UK oo ka mid ah Dalalka waaweyn ee Midowga Yurub ay ku yeelan doonaan awoodo gaar ah, Horumar weyn ka samayn doonaan Kaalinta wakhtigan ee Ingiriisku ku leeyahay Midowga Yurub. Waxa sidoo kale kula doodayaan kuwo ka soo horjeeda in Dadka soo galaya wadanka ay aad u xakamaynayaan oo heshiiska Midowga Yurub awood gaar ah siin doono Ingiriiska.

Ingiriisku haddiiba uu ka baxo Midowga Yurub Wuxuu waajihi doono Dhaqaale Xumo, Shaqo la’aan, heerka la gaadhsiinayo ayaa ah in dhul gariir Dhaqaale soo food saari doono UK oo wakhtigan kaalin wanaagsan kaga jirta Dhaqaalaha Caalamka. Sidoo kale marka Kaalinta caalamiga ah ee Ingiriiska loo yimaado, Kooxdan waxay ku doodaysaa in loo baahan yahay in Ingiriisku qayb ka noqdo Go’aamada caalamiga ah ee Dunida oo Midowga Yurub kaalin ku leeyahay, iyagoo aaminsan in haddii UK ka baxdo EU ay hoos u dhici doonto meeqaamka ay Dunida ka taagan tahay.

Maxaa wakhti xaadirkan U Dan ah Ingiriiska?

Wakhti Xaadirkan, Dunida waxa ka socda is dhex gal Bulsho, Mid Dhaqaale, Mid Ganacsi, iyadoo wadan waliba uu u madax banaan yahay Siyaasadda uu ku dhaqmayo. Danta Ingiriiska ee wakhti xaadirkan waxay tahay in uu ka mid ahaado Midowga Yurub maadaama meeqaam sare laga siinayo Kaalinta Midowga Yurub uu ku leeyahay wakhtigan. Dadka Ajaanibka ah ee socdaalka ku imanaya Ingiriiska ee reer Yurub waxa ay qayb ka yihiin koboca Dhaqaalaha ee Ingiriiska ama kan caalamka oo dhan, Xuduudaha Ingiriisku maaha sida kuwa Dalalka kale ee Yurub ee isku furan, sidaa darteed Waxay tani fursad u siinaysaa inuu Amaanka Dalkiisa Gacanta ku hayn karo oo uu Dhaqdhaqaaqa aad ula socon karo. Ingiriisku waa Dal miisaankiisa Siyaasiga ah ee marka ay timaado Go’aamada caalamiga ah leh, waxana wakhtigan u dan ah inuu miisaanka uu caalamka ka taagan yahay sii adkaysto. Dhanka Wax soo saarka haddii aan ka eego, Ingiriisku aad uguma tiirsana wax soo saarka Dalalka kale ee Yurub marka la qiimeeyo sida Yurub ugu tiirsan tahay Dalka Ingiriiska. Haddii ba ay dhacdo In Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub waxa hoos u dhac laxaad lehi ku iman doonaa Qiimaha Lacagta Ingiriiska ee Pound oo wakhtigan ka saraysa Kan Maraykanka ee Dollar balse aan heerkii hore loogu yaqaanay gaadhsiisnayn. Sidoo kale meeqaamka caasimada London oo hada ah tan Dunida ugu saraysa iyadoo dhaaftay Magaalooyinka New York iyo Shanghai isla markaana muhiim u ah is weydaarsiga Dhaqaalaha Dunida ayaa hoos u dhac ku iman doonaa haddiiba go’aanku noqdo UK ha ka baxdo Midowga Yurub taas oo fursad siin doonta Magaalada New York oo hada Kaalinta labaad ku jirta.

Caalamka iyo sida looga arko Go’aanka Aftida Ingiriiska.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo Midowga Yurub Cunaqabatayn Dhaqaale oo mug weyn ku soo rogay ka dib Talaabadii uu Sanadkii 2014 kula wareegay Gobolka Crimea ee Dalka Ukraine ayaa Wuxuu si weyn u soo dhaweeyey ka bixida Ingiriiska ee Midowga Yurub. Sababta uu u soo dhaweeyey ayaa ah Putin oo si weyn u dersay Geopolitics Mandaqada Yurub iyo Faaidooyin uu aaminsan yahay in uu heli karo haddii UK ka baxdo Midowga Yurub. Putin Wuxuu Aaminsan yahay haddii UK ka baxdo EU in burbur laxaad lehi ku iman doono EU taasi oo sahli doonta in ay ka burburto Cunaqabataynta Dhaqaale ee Waayadan dambe curyaamisay Dhaqaalaha Ruushka waa sida uu aaminsan yahay ee.

Dalka China Oo Xidhiidh Ganacsi iyo mid Dhaqaale oo muhiim ah la wadaaga Midowga Yurub ayaa aaminsan in Barwaaqada Midowga Yurub ku jirto ka mid ahaanshaha Ingiriiska ee Ururka, iyagoo ugu baaqayaa in ay ka sii mid ahaadaan. Madaxweynaha China Xi Jinping Wuxuu aaminsan yahay in Ingiriiska oo kaalin mug leh kaga jira wakhtigan Midowga Yurub uu door muhiim ah ka ciyaari karo xoojinta wada shaqaynta China iyo Midowga Yurub.

Hay’adda Lacagta Aduunka ee International Monetary Fund (IMF) waxay iyada laftigeedu ka digaysaa Go’aankaasi inuu khasaare weyn ku keeni doono Dhaqaalaha Aduunka, waa haddii UK ka baxdo Midowga Yurub. Dhanka kale, Ururka G-20 ee ay ku Midaysan yihiin Dalalka Dhaqaalaha Horumarka ka gaadhay, waxay sanadkan soo saareen digniin odhanaysaa UK yaanay ka bixin Midowga Yurub. Sidoo kale Maraykanka oo furaha Xidhiidhka uu la leeyahay Midowga Yurub UK ay tahay ayaa aaminsan in Ingiriisku aanu ka bixin Midowga Yurub. Midowga Yurub laftigiisa ayaa aaminsan in Haddii Ingiriisku ka baxo Xaalad adag soo food saari doonto taasina waxa cadayn u ah in Faransiiska iyo Jarmalka oo muhiim u ah Midowga Yurub isla markaana ka mid ahaa aasaasayaasha Midowga Yurub tanaasul badan u sameeyeen Ingiriiska si looga hortago Xaalad adag oo Dhaqaale oo Yurub soo food saarta.

 

Go’aanka ugu dambeeya ee 23 June soo baxayaa waa maxay?

Haddii aan sii saadaaliyo Go’aankaasi, Wuxuu noqon doonaa mid ay ku jirto Danta Ingiriiska ee aan kor ku xusay. Waxaan saadalinayaa in Ingiriisku ka sii mid ahaan doono Midowga Yurub, sababta aan u leeyahay ayaa ah, Ingiriiska oo kaalin wanaagsan imika kaga jira Dhaqaalaha Yurub iyo kan caalamka ba ma noqonayso inuu dib u noqdo oo uu burbur Dhaqaale ku abuuro Gacmihiisa. Danta Ingiriisku waa Midowga Yurub oo uu ka mid ahaado, Miisaanka Ingiriisku imika ku leeyahay Go’aamada caalamiga ahi ee khuseeya Amaanka, Difaaca, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Tamarta iwm waxay socon doonaan oo kali ah inta uu Midowga Yurub ka mid yahay, haddii uu ka baxo wax badan baa hoos u dhac ku iman doonaa. Waxaan ku soo gabagabaynayaa UK oo ka mid ahaata Midowga Yurub ayaa muhiimad u leh Ingiriiska iyo caalamka guud ahaanba gaar ahaan Maraykanka oo Xulafo weyn ay yihiin marka ay timaado Go’aamada caalamka oo dhan.

Ramadan Kareem.

Yacqub Said Ismail.

Political and Economical Observer.

Yacqubismial@gmail.com

07549908153.

Bristol, UK.

COMMENTS
Latest News