Maalmahanews.com
Puntland: Al-shabaab Oo Weerar Ka Geysatay Duleedka Boosaaso
May 23, 2016 - Written by admin

Galgala (Maalmaha) – kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay Qarax la beegsadeen Taliyaha Ciidammada Daraawiishta ee Gobolka bari ee Puntland Aadan Cabdi Xaashi, xilli uu safar ku marayey inta u dhexeysa Galgala iyo Boosaaso.

Warka Al-shabaab oo ay baahisay Idaacadda Andulus, ayaa lagu sheegay in Miino loo dhigay Gaadhiga Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Bari uu khasaare ka soo gaadhay Ciidamadii ilaalada ahaa ee la socday Taliyaha gaadhigiisa la wareeray.

 

Al-shabaab waxay sheegtay in Weerarku ka dhacay inta u dhexeysa Galgala iyo Deegaanka Balli-khadar oo Boosaaso ka xiga dhanka Galgala.

Shabaab

 

Ma jiro Cid Madax-bannaan oo xaqiijinaysa Weerarka Al-shabaab sheegtay inay ku qaadday Taliyaha Ciidammada Milletariga Gobolka Bari ee Maamul-gobolleedka Puntland.

Maalmahanews.com/Hargeisa Office

COMMENTS
Latest News