Maalmahanews.com
Xisbiga WADANI Laguma Aamini Karo Somaliland inta ay Ictiraaf ka helay caalamka
May 21, 2016 - Written by admin

Gudoomiyaha xisbiga Wadani mudane C/raxmaan Ciro waxa uu si cad ugu sheegay jaaliyada Somaalida ee ku nool Minesota dalka Maraykanka in 18MAY la badali doono, sida ka muuqata sawirka waxa uu hoos jooga calankii Somalia isaga iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga WADANI iyo masuul Maraykan ah. Hadaba xisbiga wadani ee uu hogaamiyo Ciro oo la odhan karo waxa uu shaki galiyeybbuua jiritaankii iyo maalintii Somaliland dib uga noqotay midogii ay la gashay 1960 Somaliya, miyaanay ku tusayn in xisbiga WADANI in uu

Yahay xisbi aan daacad ka ahayn qadiyada Somaliland .Haddii aynu dib u eegno taariikh kooban ee gudoomiyaha Xisbiga WADANI,waxa uu shaqadii u horaysay bilaabay 1988 isagoo loo magacabay dublamasi kana hawl galay safaaradii Somalia ee ku taalay Mosco dalka Ruushka. Wakhtigaa waxa bilaabmay dagaalki jabhadii SNM iyo dawladii Siyaad Bare.Gudoomiyaha WADANI waxa halkaa ka shaqaynay ilaa dawladii C/qaasim ee lagu soo dhisay Carta dalka jabuuti.waxa halkaa ka muuqata in gudoomiyaha Wadani uu ka tisanaa xukuumadihii Somalia iyadoy Somaliland ahayd dal madax banaan.Sida dastuurku Somaliland dhigayo qofkii ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan maamul ka soo hor jeeda jiritaanka Qaranimada Somaliland waa danbiile,haddii uu ka baxo maamulkaasna waa inuu cafis ka dalbado xukamada iyo shacbiga reer Somaliland.miyaanay muuqan xidhiidhka xisbiga WADANI iyo dawlada federalka Somaliya.Waxa gudoomye Ciro la fudu’daatay maalintii aynu ka laabanay midowgii sababtoo ah gudoomiye Mudane Ciro kamuu bixin midnimadii.Dadka sifeeya shakhsiyada gudoomiyaha xisbiga Wadani waxay ku tilmaaman nin afgaaban oo dabacsan.

Hadaba 18MAY uma baahna dabacsanaan Somaliland uma baahna cid dab’cisa.

Qore Xuseen xasan Jaamac mataan

COMMENTS
Latest News