Maalmahanews.com
War Deg-deg: Guri Laga dhisaayey Magaalada Hargeysa Oo Laga Helay Qalfoofka Ugu Yaraan 10 Qof Oo Mel Lagu Wadda Aaasay 1980’s
May 21, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Maalmaha) – Qalfoofka Dad aan Tiradooda la aqoonsan, ayaa Maanta laga soo faqay gudaha dhisme burbursanaa oo ku yaalla Xaafadda Dumbuluq ee Magaalada Hargeysa.

Dhismahan oo dhanka Koonfureed kaga beegan Huteelka Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, ayaa Shaqaale doonayey inay dhisme ka bilaabaan ka soo foqeen Qalfoofka Dad Tiro ahaan ku dhow Hal Qoys oo ka koobnaa 7 illaa 8 Ruux, kuwaasi oo la helay iyagoo isku xidhan oo Xabaal wadareed ku wada aasan.

Alle ha u naxariistii Dadkan oo la rumaysan yahay inay ka mid yihiin Dadkii Reer Somaliland ee ay xasuuqday Dawladdii Siyaad Barre, ayaa waxa halkii laga soo saaray, sidoo kale laga soo foqay Dharkii ay xidhnaayeen oo sidoodii ah.

sawir

Ilaa hadda Xukuumadda Somaliland kama hadal Dadkan Qalfoofkoofa laga helay halkaasi, kuwaasi oo ku soo beegmaya Xilli Somaliland looga debaal-dagayo Xuska 25 Guurada Madax-bannaanida Somaliland.

 

Maalmahanews.com/Hargeisa Office

Xigasho Barkulannews

COMMENTS
Latest News