Maalmahanews.com
FALANQAYN: Buugga “Baadisooc”: Dhaxal Ma Guuraan Ah:
May 14, 2016 - Written by admin

Qalinka: Axmed Iid Aadan

“Timir baan rabee, haddii tiin ka baxo, geedkaan tabcaday, waa tacabkhasaar…” Waa beydad ay murti culusi ku jirto. Maansada ay beydadkaasi ku jiraan iyo suugaan kale oo badan ba waxa laga heli karaa buugga “Baadisooc: Suugaan Dhiganaha Axmed Aw Geeddi” oo ah buug si qurux badan loo daabacay sannadkii 2011, oo ay qaybo ka mid ah maansooyinkii abwaan Axmed Aw Geeddi ku qoran yihiin.

Marka aad isha ku dhufato dhiganaha ee aad si fiiro leh u eegto jaldigiisa geelu ku sawiran yahay, ee aad haddana akhrido maansooyinka ku qoran, waxaad markaaba ogaanaysaa in uu yahay buug ka duwan buugaagta kale, gaar ahaan kuwa suugaanta. Sow marka horeba “Baadisooc” ma aha?

“Baadisooc” waxa ku qoran toddoba iyo soddon maanso oo uu maansayahanku xilliyo kala duwan kala tiriyey. Mid kasta oo maansooyinkaas ka mid ahba waxa raacsan xog maansadu sidii ay ku curutay iyo dulucdeeda guudba sheegaysa.

Qoraaga buugga, mudane Khaalid Jaamac Qodax, waxa uu qabtay hawl weyn. Waxa uu ku guulaystay in uu innoo soo gudbiyo “Baadisooc” oo uu ka bedbaadiyey gefaf badan oo qoraallada afka soomaaliga ku soo baxa waayadan danbe lagu arko. Sida quruxda badan ee uu sharraxa ereyada oo aanad meel fog ba ka doonayn u sameeyey iyo sida uu cutubyada u nidaamiyey ayaa ku soo jiidanaya, waxayna kuu fududaynayaan in ay xaashiba xaashi kuu dhiibto oo aad buuggaba dhammayso. Marka aad dhiganaha dhammayso, sida qof beer weyn inta uu galay midho badan oo bislaaday ka soo gurtay oo kale, ayaad dareemaysaa in ay wax badani kuu kordheen.

Waan ogaa in ay suugaanta abwaanku bad tahay oo ay socdaal dheer soo gashay, mawduucyo kala duwan na ay ka hadasho. Hase yeesho ee waxan dhiganahan “Baadisooc”  ka bartay, sida uu Khaalid ku qoray bogagga 21 – 25, in iyadoo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay loo eegayo loo kala saari karo lix geeddi oo uu mid kasta oo ka mid ahiba waayihiisa gaarka ah leeyahay. Waxase jirta suugaan kale oo sannadkii 2011-kii markii uu buuggu soo baxay ka danbaysay oo uu abwaanku curiyey; taas oo iyaduna qiimaynteeda yeelan doonta.

Suugaanta Axmed Aw Geeddi waa suugaan aad loo xiiseeyo, oo had iyo goor ka hadasha danaha guud ee ummadda. In suugaanta abwaanka aad iyo aad loo jeclaado oo bari iyo galbeedba loo tebiyo dhawr arrimood baa u sabab ah ayaan odhan karaa:

Waa marka koowaad ee abwaanku waxa uu leeyahay hibo suugaaneed oo dhab ah. Wax uu qof dadaalay isu geeggeeyey iyo waxsoosaar maskaxeed oo ay hibo ka danbaysaa waa ay kala fiican yihiin. Abwaanku waxa uu si qurux badan ugu xarragoodaa badaha kala dudduwan ee maansada, taasna iskama lihi ee waxa caddayn inoo ah innaga oo aan cid kaleba u baahan maansooyinka abwaanka ee dhiganaha ku qoran. Bal u fiirso maansooyinkan:

–“Tukayaal”, “Turwaa” iyo “Halgankii nolosha” waxa ay ka soo jeedaan badda Dhaantada.

–“Beri-samaad” waxa ay ka soo jeeddaa hees hawleed. Heesaha geela loo tiriyo mid ka mid ah.

–“Summalow darbane” iyo “Garoy garo daa” waxay ku arooraan badda Maqasha.

–“Kordahab” waxay ka soo jeeddaa badda Baarcaddaha (Xasuusin: maansadani buugga kuma qorna).

–“Roobdoon” iyo “Godlan” waxay ka soo jeedaan badda Gabayga.                                             

Waa marka labaad ee murti meel sare gaadhsiisan ayaa ku jirta, xagga tayada iyo quruxdana waxay kala mid yihiin maansooyinka ay abwaannadeenna waaweyn ee caanka ahi tiriyaan.

Waa marka saddexaad ee suugaanta abwaanku waa mid xor ah oo aanay cidi ka danbayn. Isaga laftiisu mar uu arrintaa ka hadlayey waa kii maansada Higgo ee uu tiriyey gugii 1985-kii ku lahaa:

  • Gabay haybad weeyoo
  • Hibo Eebbe bixiyiyo
  • Waa hadyad gaaree
  • Waxse hoojey oo dilay
  • Hayal iyo ka tiray sharaf
  • Kuwa dhuuni haybshee
  • Raadyaha ka heesee
  • Hawraarta iibsadaye
  • Waan is kala han weynahay
  • Higgaadana umaan baran
  • Hanti inaan ku soo helo.
  • Horumarka dalkaygiyo
  • Dadkaygoon hanuunshiyo
  • Hilinkoon tilmaamiyo
  • Dantaan haybsho mooyee
  • Hoseeg waan ka dheerahay.

Suugaanta jaadkaas ahi waa suugaan xagga waxbarashada iyo dugsiyada ka soo bilaabantay, dabadeedna inta ay waddo cad qaadday u gudubtay mawduucyo waaweyn oo kala dudduwan sida halgan, jacayl, siyaasad, dhaqan, deegaan iyo nabadba.

Sida dhiganaha ku qoran, sannadkii 1985-kii waxa la qabtay tartan-suugaaneed dhexmaray ardaydii dugsiyadii sare ee Hargeysa ku jirtay waqtigaas. Abwaanku isaga ayaa curin jiray maansooyinkii uu dugsigiisu tartannadaas kaga qaybgeli jiray. Waxa dhacday in maansooyin uu curiyey ay dugsigiisa guul weyn u soo hooyeen, kaalinta koowaadna uu tartanii ka galay.

Mar uu abwaanku aqoonta iyo waxbarashada ka hadlayey waxa uu maansada “Aqoon” oo 1985-kii soo baxday ku yidhi:

  • Arday waxaannu nahay
  • Aqoontiyo cilmiga
  • Lagu ababiyoo
  • Asluub iyo dul-qaad
  • Eebbe siiyayoo
  • Ummaddooda dhammi
  • U asxaan faloo
  • Ku adkeystayoo
  • Lagu wada ogyee…

Soomaalidu marka ay arrimaha barbaarinta iyo toosinta ubadka ka hadlayso waxa ay ku maahmaahdaa: “Awrba awrka hore ayuu saanqaadkiisa leeyahay”. Maahmaahdaas inta uu abwaanku furfuray ayuu haddana dib u farsameeyey si ay uga mid noqoto beydad isla maansadaas sare ka mid ah oo uu arday markaas waxbarasho dhammaynaysay kula hadlayey. Waxa uu ardayda u sheegayey faca iyaga ka danbeeya ee eeganaya kuna dayanaya in ay u noqdaan tusaale fiican oo ay tusaan tub toosan oo ay maraan. Waxa uu yidhi:

  • Awarba awarka hore
  • Inta uu socduu
  • Kan danbena ogyoo
  • Ku itaalayaa           
  • Nimanyahow aflaxay
  • Aarankaa kiciyo
  • Jiilka imanaayaba
  • Ma tusnaa awood?
  • Dhabbo aayo wacan.

Gaajada, jahliga iyo cudurradu waa saddex wax oo bulshooyin badan oo maanta adduunka ku nool faro baas ku haya. Saddexdaas waxa innaga inagaga daran buu abwaanku leeyahay qabyaaladda:

  • Dhibta aadamiga
  • Aafaysay iyo
  • Iimaha saddexan
  • Ee adduunka dhibay
  • Eel baa ka daran
  • Haddaynaan ogaan
  • Waa aqoonxumee
  • Aaniyo qabiil
  • Ma ka aarsannaa?

Xagga jacaylka waxa uu abwaanku ka tiriyey maansooyin door ah. Maansooyinkaa waxa ka mid ah “Hawaawi”, “Bilic wadaadley”, “Asaaggeed-ka-roon”, “Turwaa”, “Afgobaadsi” iyo kuwa kale. “Bilic wadaadley” ,“Turwaa” iyo “Afgobaadsi”  ayeynu wax ka soo qaadanaynaa.

“Bilic wadaadley” waa maanso uu abwaanku gabadh ku ammaanayo oo golekafuul ah. Waxay marka hore sawir fiican ka bixinaysaa qoyska ay gabadhu ka soo jeeddo, waayo waa tii hore loo yidhi: “Haweenka iyo geelaba waa la hidde raacaa”. Intaa ka dib waxa ay maansadu wax ka odhanaysaa kartida iyo tubta toosan ee dhaqanka ku salaysan ee ay gabadhu hayso. Waxa ka mid ah maansada beydadkan:

  • Aabbaheed Bullaaliyo
  • Waa suldaanka beeshiyo
  • Boqor lagu hirtaayoo
  • Hayin biyo-ma-daadshe ah
  • Hooyadeedna Baadiyo
  • Waa gaari bilan iyo
  • Qawriirto boganoo
  • Farsamiyo qabaan badan.
  • Lama huro ban doogliyo
  • Gurigii badhaadhiyo
  • Hoobaan bislaatee
  • Mindhaa Bilic Wadaadley
  • Inaan baafiyaa furan.
  • Baraar waxay ku raacdaa
  • Barqasan iyo Wooboo
  • Badhooq waxay ka diirtaa
  • Dhirta baarka weyn loo
  • Baabliin qurxoon iyo
  • Maxamuudi bilicliyo
  • Boqor darayo muusliyo
  • Baftaday ku caan tahay.

Qawriirto macnaheedu waa islaan dhaqasho badan.  Badhooq-na waa maydhaxda kebdaha laga sameeyo.

“Turwaa” iyaduna waa hees jacayl ah oo uu abwaanku gugii 1986-kii tiriyey, waxayna ku saabsan tahay gabadh “Tiriig” la yidhaahdo. Tuke ayuu qofaynayaa abwaanku, oo inta uu ku halqabsado farriin u dhiibayaa. Qofayntu waa hab suugaanteennu caan ku tahay. Noole aan qof ahayn ayaa laga soo qaadaa sida qofka oo kale mid hadalka fahmi kara kana jawaabi kara. Markaas baa lala hadlaa jawaabna laga filaa (Xasuuso gabaygii caanka ahaa ee “Fiin” ee uu tiriyey, Alle ha naxariistee Cali Xuseen Xirsi).

Abwaanku Tukaha waxa uu ku leeyahay: “Lafahan iyo waxan aad sidato iska tuur oo waadiga socdaalee, markaad Jabuuti tagto gabadhii Tiriig ahayd xaafadda Turwaa la yidhaahdo ee magaaladaas ku taalla ka baadigoob. I taageer oo farriintayda u gudbi”. Farriinta waxa uu abwaanku ka diray meel magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ee dalkaas Soomaaliya ka mid ah u dhow oo uu waagaas joogay. Wuxu yidhi (halkan kuma dhamma heestu):

  • Ballanbay ku tagtee ha taabba-gashee
  • Inaad toyotaa tu waajiba
  • Adigaa tukayahow Jabuuti tagee
  • Tiriig ma ku aragtay Turuwaa
  • Toogadaan qabo iyo warkey tebiyoo
  • Toolmoon bal u sheeg tabtaan ahay
  • Adigaa tukayahow Jabuuti tagee
  • Tiriig ma ku aragtay Turuwaa
  • Tolbaynu nahee i tabantaaboo
  • Tunkaad sidatiyo laftaba tuuroo
  • Adigaa tukayahow Jabuuti tagee
  • Tiriig ma ku aragtay Turuwaa.

Haddaba su’aali waxay ka taagan tahay tikihii farriinta loo dhiibay in wax jawaab ah laga helay iyo in kale. Weydiintaas iyo weydiimo kale oo mawduucan la xidhiidhaba waxa abwaanka lagu weydiiyey xaflad weyn oo lagu xusayey afartanguuradii farsoomaaliga oo lagu qabtay magaalada Jabuuti. Barnaamijyadii xafladdaas mid ka mid ah ayuu abwaanku ka tiriyey maansooyin ay heestan aynu hadda ka hadlayno ee “Turwaa” ka mid tahay. Markii uu heesta dhammeeyey ayaa la weydiiyey bal in uu tukihii wax war ah ka helay iyo sababta uu tukaha u soo diray. Waxa kale oo abwaanka intaa loogu daray hadal kaftan ahaa oo ahaa in uu tukihii qaylo batay sidaa darteedna la dilay!

Abwaanka oo markaa weydiimahaa ka jawaabaya ayaa yidhi: “Nin habeen gabyayey ayaa maqlay waraabe ciyaya (washiiriyaya), dabadeedna waxa uu yidhi: ‘Waraabaha ciyaayow adaan kuu warramayaaye’. Markaas baa lagu yidhi: ‘War inta xayawaan kala batay maxaad waraabe ugu soo halqabsatay?’ Isna waxa uu ku jawaabay: ‘Xilliga aan gabyayey waraabe ayuun baa soo jeeday, ee caalamkii kaleba waa uu hurday!’ Mar hadii aad farriin dirayso oo aad gabadh fakatay raadinayso wixii ku ag maraya ee kuugu dhow uun baad warqadda la tiigsanaysaa. Markaa kolkaan heestan tirinayey qambaarka ayaa meesha marayey oo sidaas baan warqadda ugu soo dhiibay”. Qambaar waa magac tukaha halkaa looga yaqaanno.

Berigii (1986) uu abwaanku tiriyey heestii “Turwaa” ee gabadha Tiriig ku saabsanayd markii muddo laga soo wareegay ee la gaadhay sannadkii 1987-kii ayaa waxa abwaanka oo ku sugan magaalada Berbera soo gaadhay farriimo sheegaya in uu Tiriig iskaga hadho. Dabadeed halkaas ayuu haddana ka mariyey maanso kale oo la yidhaahdo “Tiriig yaan la baylihin” oo uu ku sheegayo in aan Tiriig la dhayalsan karin ayna tahay gabadh biyo dahab la moodo oo qiima leh. Waxa maansadaa ka mid ahaa:

  • Berberaan ku noolahay
  • Saaxil barasankeedii
  • Waa beel nabdoonoo
  • Dhallinyaro ku badantee
  • Botorkiyo ciyaartaan
  • Dhankeyguun ka boodaa
  • Ninka beerta caashaqa
  • Ku bariisanaayee
  • Boodhari ag joogaa
  • Jacayl kama bogsoodee
  • Sidee baan u baajaa?
  • Inkastooy i baabeen
  • Dhammaan bilista xaawaley
  • Waxaan door u bidayaa
  • Biyo dahab la mooddii
  • Bilaad kale u dhooftee
  • Tiriig yaan la baylihin!

Beydadkan soo socdana, innaga oo aan ku sii dheeraanayn, waxaynu ka soo qaadanaynaa heesta “Afgobaadsi” oo uu abwaanku gugii 2002-dii tiriyey. Dulucdoodu waxay ku biyoshubanaysaa axdiga iyo arrimaha la isku aamino in aan la dhayalsan, in aan wax luggooyo ah laga shaqaynin iyo in aan tubta toosan laga weecan:

  • Arrin lama fudaydsado
  • Haddii laysku aammino
  • Axdi laguma furo duul
  • Haddaad ahab wadaagtaan
  • Ninkii uub qodaayaa
  • Isagaa u halisee
  • Nabsi lama amaahdoo
  • Xaqa lagama iishee.

Abwaanku waxa uu aqoon aad u badan u leeyahay suugaanta iyo dhaqankii hore ee Soomaalida. Xagga dhaqanka waxa uu ka tiriyey maansooyin mucjiso ah oo waxyaalo badan laga baran karo. Waxa aan ku dhiirran karaa in aan idhaahdo, qofkii doonaya Telefishan uu ka daawado dhaqankii hore ee dadkeenna iyo sidii ay waayadii hore u noolaayeen, iyaga ayaa Telefishan u noqonayee, ha akhriyo maansooyinka “Baadisooc”, “Geedjooge”, “Beri-soomaal”, “Beri-samaad” iyo “Dalxiis”.

Maansada “Beri-samaad” oo maansooyinkaas mucjisada ah ka mid ah ayaa waxa ay xasuusta ku reebaysaa sawirro qurqurux badan oo yaab leh. Bal aynu u fiirsanno dayax, xiddigo, cadceed soo baxaysa, daruuro, roob da’aya, jeegaan dhalatay, hillaac baxaya, onkod, daad iyo balliyo ay xareedi ka buuxdo. Intaas oo uu Alle barwaaqo ka soo saaray oo dad iyo duunyoba la wada fiican yahay oo ay xoolihii wada dhaldhaleen oo ay ugaadhii iyo haaddiina joogaan oo wada khayr ah ayey maansadu daawo ku leedahay:

  • Dayaxoo baraarugay laba badhkii
  • Xiddigaha u baanoo baadigoob
  • Cadceeddoo bidh soo tidhi baal caseey
  • Daruuruhu bishleenoo lays boqraday
  • Cirka oo bashiishtoo soo burqaday
  • Mayeygoo badweyntaa foos burburay
  • Dhibicoo barriiqdoo gees u baxay
  • Jeegaani badhaxdoo midabbo badan
  • Hillaacoo ku beegmoo biligta guray
  • Onkodkuna bilkeyduu bigilka riday
  • Daadkoo butaacoo boholo xulay
  • Balliyada xareedoo doog barkaday
  • Dhulka oo barwaaqiyo baad huwaday
  • Buska iyo awaarii rays beddelay
  • Buuflaha xagaa iyo bacadkii jabay
  • Berdahoo ballaadhoo bulayga riday
  • Lo’da oo bannaaxiday beri-samaad
  • Idahaoo boqnaha sare soo barqaday
  • Riyahoo ballaadh iyo buurta koray
  • Waxaraha bacdaray oo bicifka diday
  • Geeloo in badan iyo boqol ka dhalay
  • Ka-reebkoo u beeraqay baal castii
  • Boga oo ku weehatay bawdka dheer
  • Boodaani danantoo bila ku xidhan
  • Banka qooqu baacsaday baarqabkii
  • Bawbawle iyo koor beel la furay
  • Baashaalka goraygoo gees u baxay
  • Cawley badhyo cad oo soo bidh tidhi
  • Biciidkuna ku dhowyuu baal mirtoo
  • Bakayluhu bur galay uu baarrax leday
  • Bawnaha carceeroo bogox u kacay
  • Baqayaha ku loollamay calaha bari
  • Shimbiraha bulxamay oo buul ku jira

Bal haddana aynu aragno caanihii saaka la dhigay oo galabtii gaadhay, dhallinyar faraxsan oo ciyaaraysa, gacal iyo yarad, aroosyo la bilay, beeldaaje iyo waayeel geedka jooga oo talinaya:

  • Dumarkoo baqbeennada boos ku shubay
  • Dadka oo badhaadhaha yidhi bilkhayr
  • Botorkiyo ciyaartii loo ballamay
  • Bigil iyo wareegtiyo buun la tumay
  • Qalanbaawi boojimo boodda guray
  • Wiilashoo billaawaha bidixda sudhay
  • Dhoorreydu bihinbiha booli tidhi
  • Barbaartoo duleeddada boota dhigan
  • Carruurtoo bacooddada baqayo bidhan
  • Aroosyadi la bilay oo laysu bogay
  • Gacalkii is bogaadshoo yarad la bixin
  • Bunduqa iyo faraskiyo baarax geel
  • Gabbaatiga ku biirsaday bilan nin dhalay
  • Beeldaaje wiiliyo boqor fadhiyo
  • Bariidiyo salaaniyo bedesho tahay
  • Kebed iyo badhooqiyo baar leh caws
  • Dadab laysu booqdiyo orom la bulay
  • Alla beri-samaadkii waw bogaye
  • Boholyow ma ii galay beledkayaga.

Waqtigii uu halganku socday maamulkii Maxamed Siyaad Barre ee kelitaliska ahaa waxa uu geystay dhibaatooyin badan, waxana dhibaatooyinkaas ka dhashay khasaare weyn oo naf iyo maalba leh. Waxyaalaha layaabkii qarnigii hore dunida ka dhacay lagu tilmaami karo waxa ka mid ah dayuurado magaaladii ay ka duuleen haddana dib ugu soo noqday oo burburiyey! Belaayadaas waxa warbixin dhammaystiran ka bixinaysa maansada “Weli dunida kama dhicin” magaceedu yahay oo uu abwaanku rakibay 1989-kii. Bal aan wax ka soo qaadanno:

  • Wali dunida kama dhicin 
  • Dawlad maatideedii
  • Kaare dulundulceeyiyo
  • Madaafiic dillaantiyo 
  • Ku duqaysa maadhiin
  • Wali dunida kama dhicin
  • Dawlad maatideedii
  • Hub is daadaheeyiyo
  • Diiradliyo gamuuniyo
  • Ku daqiiqda Naabaal
  • Wali Dunida kama dhicin
  • Dawlad maatideedii
  • Subax mooraduugtoo
  • Guryahoodi dumisoo
  • Rabta inay dibboodaan
  • Wali dunida kama dhicin
  • Diyaaraad ka caayoo
  • Gegedey ka duuleen 
  • Dib u guba magaalada 
  • Iyo dagaladoodii

Marka uu abwaanku sawirkaas ka bixiyo dhibaatooyinkii iyo khasaarihii uu maamulkii kelitaliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre geystay, waxa uu haddana ka warramayaa oo uu maansada ku soo gebagabaynayaa maamulkaas kelitaliska ah cidhibtiisu sida ay noqon doonto iyo waxa uu ku danbayn doono oo guuldarro ah. Wuxuu yidhi:

  • Dhilowyahankan dararoow
  • Geedkaad dul saarrayd 
  • “Soo deg” buu ku leeyahay
  • Dooni qaranku leeyahay 
  • Jiirkii dalooshow 
  • Inaad degi ka faallood
  • Dinnadyahay Libaaxiyo 
  • Aarkii dabooliyo 
  • Dawri baad is moodee
  • Haddii laysu duurxulo 
  • Ogow habardugaaggii 
  • Dunta boqorka kugu xidhay
  • Markay duub ammaaniyo
  • Xilka kaa dillaacshaan
  • Duleed xaabiddaadiyo 
  • Dooli aad shidhaysiyo
  • Dabataad ku noolaan!

Markii uu halganku dhammaaday ee guusha la helay, dalkana lagu soo noqday abwaanku waxa uu tiriyey gabay dheer oo taariikhi ah oo uu magaciisu “Godlan” yahay. Gabaygaas qayb weyn oo ka mid ah waxa uu kula taliyey Guurtida oo ay hawl weyn oo dibuheshiisiin ahi hor taallay. Waxa uu xasuusiyey in xilka ay ummadda u qaadeen uu yahay mid buuraha Golis ka culus. Sidaa darteed loo baahan yahay ummaddan kala qoqoban in ay meel isugu keenaan oo inta ay mashaakilka ka dhex jira xalliyaan ay wanaag ka dhex dhaliyaan. Waxa uu yidhi:

  • Xilkaad guudka saarteen ka culus buurihii golise
  • Kuwii horaba waxa loo genbiyey garabku daqiiye 
  • Idinkuna hadii aad geftaan waa gedaan jabaye 
  • Ummadii godbaa lagu ridoo guudka laga aasye 
  • Goof bay dhex taallaa bulshadu gabi ahaanteede
  • Waxa gododka haarta ku guray gacankudhiigliiye
  • Gacalkiyo xigaalkeer is diley waa gadduu falaye
  • Gacmaha isu saaroo bulshada godobta daaweeya
  • Yaaney kala gaddoomine ka jira gawdhiskiyo hiifka 
  • Gogol qudha isugu keena oo samo ku gaalgaala 

Nolosha dadkeenna siyaasadda ayaa saamayn weyn ku leh. Haddii ay siyaasaddu hagaagto wax kastaaba waa uu hagaagayaa, haddii ay qolloocatana waxyaalo badan ayey saamayn ku yeelanaysaa. Sida aynu ka garan karno maansooyinka ku qoran dhiganahan “Baadisooc” qaarkood, abwaan Axmed Aw Geeddi aragtiyihiisa siyaasadeed mararka qaarkood suugaan ayuu ku cabbiraa.

Waxa uu xilliyo kala duwan tiriyey maansooyin lagu sheegay in ay siyaasad ku saabsan yihiin iyo qaar uu aragtiyihiisa siyaasadeed si toos ah ugu muujiyeyba. “Summalow darbane” waa maansooyinka abwaanka kuwa ugu caansan mid ka mid ah, waxayna soo baxday sannadkii 2004. Isla markii ay dhegaha dadweynaha soo gaadhayba siyaalo kala duwan ayaa loo fasirtay. Waxa ka dhashay doodo badan iyo muran xooggan oo sababay in xukuumaddii markaa talada haysay ay mamnuucdo oo diiddo in ay idaacadda qaranka ka baxdo. In kastoo maansadaa markii danbe la fasaxay, haddana mamnuucistii la sameeyey waxa ay keentay in ay maansadu xiise yeelato oo sida waqtiga gudcurka ah dayaxa loo raadiyo oo kale uu dadweynuhu aad u raadiyo aadna u dhegaysto!

Maansooyinka kale ee uu abwaanku curiyey waxa ka mid ah maansada la yidhaahdo “Garo” ama “Garoy garo daa”. Garo waxa ay ku saabsan tahay ri’ hadlaysa oo riyo kale, khilaaf dhexdooda ka jira in ay joojiyaan oo ay nabadda ilaaliyaan u sheegaysa. Habkani waa hab sarbeeb ah oo hababka farriimaha suugaaneed lagu gudbiyo ka mid ah. Hees soomaali ah oo caan ahayd ayaa waxa beydadkeeda ka mid ahaa: “Shaxdaan degeyba maad garan, wayna kaa shisheysaa…” Macnaha hadda meesha ku jiraa riyaha waa uu ka shisheeyaa, waxana uu ku ururayaa nabadda iyo wadajirka:

  • Garay Garo daa
  • Oo Garaan daa
  • Oo Garbocas daa
  • Adna Giirooy
  • Ka gu’ weynide
  • Guuxa hoosiyo
  • Gardarrada daa.
  • Talo gumaro ah
  • Aan godlee qabo
  • Aan Gaheydhiyo
  • Geydhaheeniyo
  • Manka guranee
  • Hayna digo gubin.
  • Haddii Gocoriyo
  • Ina Garashuun
  • Dareen kala galo
  • U gar qaadoo
  • Gadhcaddaa iyo
  • Guurtida u waca.
  • Gurta bidixeey
  • Gacantaa midig
  • Waad gudboon tihiin
  • Ha garraaxine
  • Is gargaarsada
  • Oo is garabsada.

Mar kale oo uu abwaanku qiimaha ay nabaddu leedahay iyo khasaaraha dagaalku keeno uu ka hadlayey ayaa waxa uu maansada “Dagaal wiil kuma dhasho” ku sheegay:

  • Nabad baa lagu dhaqdaa
  • Nabad baa lagu dhistaa
  • Nabad baa lagu dhergaa
  • Maxay dhiilladu tartaa?
  • Dagaal wiil kuma dhashee
  • Ogow wiil baa ku dhiman.

“Neerfigaas”, “Mareegdiid” iyo “Bush Haws” waa maansooyin kala duwan oo arrimo guud ka hadlaya. Sida ku qoran bogga 111 ee dhiganahan Baadisooc haddii aan soo koobo, sannadkii 1990-kii ayey idaacadda BBC laanteeda afka soomaaligu sheegtay ogeysiis ahaa in ay qabanayso tartan xagga suugaanta ah oo ciddii ku guulaysata la siin doono Raadyow casri ah oo saddex iyo toban mawjadood leh. Xilligaas dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray waxa ka jiray dhibaatooyin badan, waqtiguna waqti colaadeed ayuu ahaa. Abwaanku waxa uu markaa isweydiiyey dad ay waxaas oo dhibaatooyin ahi haystaan in ay tartan suugaaneed ka qaybgeli karaan iyo in kale. Waa markaas marka uu curiyey maasada culus ee ‘Bush Haws”. Marka hore BBC laanteeda afka soomaaliga ayuu weydiinayaa in ay madax bannaan tahay iyo in kale. Marka xigana waa carin, oo waxa uu laantaa iyada ah ku carinayaa hadday madax bannaan tahay bal in ay sheegto dhibaatooyin badan oo meelo uu abwaanku maansadu magacaabay ka kala jira. Ugu danbaynta waxa uu abwaanku BBC laanteeda afka soomaaliga war ugu soo koobayaa in ay suugaantu tahay hibo qiima leh oo uu mas’uuliyad u taalla ku qabsanayo ee aanay ahayn wax alaabo yar yar ama hanti lagu raadiyo. Bal hadda u fiirso:

  • Sida Haatuf raadyaha
  • Mawjado hadlaayiyo
  • Hirar aan la gaadheyn
  • Dusha nooga heesow
  • Haye dee Bush Hawseey
  • Marka hore salaan wacan
  • Marka xiga hal ii daran
  • Aan kuba horreeyoon
  • Su’aal kugu halgaadee
  • Haddaad madax bannaan tahay
  • Haa iyo miduun maya
  • Hadda dee i maqashii?
  • “Haa” inaad tidhaahdaan
  • Hadal weeye fududoo
  • Dibnahoon ku hawshoon
  • Haddasee kulama qabo
  • Haddaad madax bannaan tahay
  • Afku waa hub xoog lee
  • Hareeraha Togdheeriyo
  • Dooxadii Hargeysaad
  • Shicibkii u hoydaye
  • Dayaaraad hudamayiyo
  • Taangi haarinaayiyo
  • Baaruud huraysiyo
  • Madfac lagu halgaadaye
  • Laga dumiyey hoygii
  • Hambadii dibbootayna
  • Dibedaha u hoydaan
  • Dhacdo weeye hoog lee
  • Hebelkii sidaa falay
  • Hitlar inuu la kiis yahay
  • Haddaad madax bannaan tahay
  • Car bal sheeg Bush Hawseey?
  • Halla waa ogeysiin
  • Hawraarta gabayada
  • Hibadiyo tixaha nool
  • Hanti kuma yaboohshee
  • Himilaan ku toydaa
  • Fooniyaha hadlaayiyo
  • Iska haysta raadyaha.

Waxa la yidhaahdaa, maansooyinka arrimaha ama qadiyadaha waaweyn oo keli ah uun lagagama hadlo ee marar badan murti ayaa lagu faalleeyaa. Bal hadda aynu eegno beydadkan soo socda murtida ku jirta:

  • Gabbal kaa tagaa
  • Ma gadaal noqdoo
  • Lama gaadho shalay
  • Lama gado abaal
  • Lama gooyo wacad
  • Lama geysto eed
  • Gar Alley taqaan
  • Laba kuu gudboon
  • Agabbare ha gelin
  • Gari laba nin bay
  • Guusha u sintaa
  • Waa mid aan i gelin
  • Gal dad liqa nin ogi
  • Sahal buu ku geli
  • Waa mid aan i gelin

Bal hadda kuwan kalena aynu aragno:

  • Ninkii dhacay maal islaam
  • Kollaba dheef kama helee
  • Dhinbiil naaruu cunoo
  • Jaxiimuu dhawrayaa
  • Ninkii dhiig daadiyaa
  • Naftiisuun buu dhiboo
  • Ifkana nabad kuma dhex maro
  • Aakhiro dhuxul baa u taal.

Suugaanteenna hodanka ah haddii la odhan lahaa ha laga baadho xikmad, waxa qaybaha aan anigu ka baadhi lahaa ka mid noqon lahaa geeraarka “Himilo” oo uu abwaanku curiyey sannadkii 2000. Geeraarkaas haddii aad akhri is-tidhaahdo waxaad bilowgaba arkaysaa beydad murti biyo-kama-dhibcaan ah iyo falsafad wanaagsani ay ku jiraan, kuwaas oo culayska ay leeyihiin dartii aad ku hakanayso. Bal hadda u fiirso:

  • Male waa hinbiriire
  • Yaqiin baan hagoogtay
  • Hungo weeye qabiile
  • Qaran baan ka hagoogtay
  • Dagaal waa ma hanbeeyee
  • Nabad baan ka hagoogtay
  • Tafaraaruq hafeef leh
  • Midnimaan ka hagoogtay
  • Dulmi waa lagu hoogaye
  • Xaquun baan ka hagoogtay
  • Beeni waa hir ibleyse
  • Runtuun baan ka hagoogtay
  • Soor quudheed heliddeeda
  • Sharaf baan ka hagoogtay
  • Kibir waa hungo jaane
  • Tawaaduc baan ka hagoogtay
  • Xantu waa hilib daaqe
  • Xariir baan ka hagoogtay
  • Halfudayd iyo ceebna
  • Hanad baan ka ahaan
  • Danta guud hammigeeda
  • Holliyaan u ahaan
  • Dugsiyey ahabteenna
  • Hiiliyaan u ahaan
  • Cadli waa ma huraane
  • Heegan baan u ahaan
  • Geeddigeenan hayaamay
  • Horseed baan ka ahaan.

Ugu danbayn, buuggan “Baadisooc: Suugaan Dhiganaha Axmed Aw Geeddi” ee maansooyinka abwaan Axmed Aw Geeddi lagu kaydiyey ee uu qoray Khaalid Jaamac Qodax, waa dhigane qiima weyn leh, oo qof kasta oo akhriya aqoontiisa suugaaneed kor u qaadaya. Waxan ku talin lahaa in la akhriyo oo murtida ku jirta la dhuuxo lagana faa’iidaysto.

Dhammaad

Qalinka: Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

Hargeysa, Soomaalilaan

COMMENTS
Latest News