Maalmahanews.com
Xisbiga WADANI Iyo Dawlada Fedaralka Somaliya oo Si isku Mida u Dii’day Heshiiska Dekada Berbera. Qore: Xuseen Xasan Jaamac (Mataan)
May 12, 2016 - Written by admin

Wasiirka dekadaha dawlada Somalia Nuur Farax Xirsi ayaa ku hanjabay in ay maxkamad saarayan Dawlada Ematatka haddii ay ka noqonwaydo heshiiska caalamiga ah ay la gashay dawlada Somaliland ee ku saabsan dekada Berbera.Taas oo ku tusaysa sida ayna marnaba u ogolayn in shacabka reer Somaliland ay helaan horumar iyo madax banaani.Wax kastoo ka soo yeedha Xukuumada Somalia oo ka dhan ah shacabka reer Somaliland lama yaabayno oo awalba khair kama sugayn. Hadaba waxa shacbig reer Somaliland is yaab ku noqotay markii xisbiga Wadani ee uu hogaamiyo C/raxmaan Ciro uu mawqif la mida ka dawlada Somalia ay qaateen.waliba shacabka ku dhiiri galiyey in ay ka mdaharaadaan heshiiska dakada Berbera.hadaba shacabka reer Somaliland maaha dad is khiyaamayn karo Wayna arkaan xisbiga Wadani iyo dawlada fedaralka Somalia inay xidhiidh badan ka dhexeeyo.Waxaase guul ah hesshiiska xukuumadu Somaliland la gashay dawlada Emiratka ee hogaaminayo Mudane Ahmed Siilanyo iyo waftigii uu ka midka ahaa gudoomiyaha ahna murashaxa xisbiga kulmiye Mudane Muse Bixi Cabdi. Waxaana guul daro ah diidmada dawlada Somalia iyo xisbiga Wadani.

Xuseen Xassan Jaamac (Mataan)

 

COMMENTS
Latest News