Maalmahanews.com
Bristol: Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Iyo Masuuliyiinta KULMIYE Ee UK Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Jaamacadda UWE
May 6, 2016 - Written by admin

Bristol(Maalmaha)- Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo ay Wehelinayeen Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Bristol oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Laanta Mudane Mustafe Xaashi, Cabdiraxmaan Qootaali, Siciid Mohamed Ali iyo Nasser Soufi ayaa Kulan balaadhan la qaatay Madaxda u sarraysa Jaamacadda University of the West of England (UWE) oo ku taala magaalada Bristol oo uu hor kacayay Madaxa Qaybta Caalamiga ee u Qaabilsan Qaarada Afrika JImi Ogunnusi waxaanay si qoto dheer uga wada hadleen sidii Jaamacada UWE iyo Jaamacada Hargeya la isugu xidhi lahaa ee ay Cilaaqaad u wada yeelan lahaayeen, isuna dhaafasan lahaayeen Aqoonta iyo Waayo aragnimada, fursado Waxbarashana ay Ardayda reer Somaliland uga heli lahaayeen Jaamacada UWE.

Ugu Horreyn Mudane Naasir Soufi oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay inuu ka mid yahay ardayda Jaamacada UWE aadna uu doonayo in Jaamacadani ay xidhiidh la yeelato Jaamacada Hargeysa si garab loo siiyo Ardyada reer Somalilanad ee Dalka Hooyo joogta, waxaana uu xusay in faaiido labada dhinacba u dan ahi ay ku jirto xidhiidhkaas, sidoo kalana waxa uu ka codsaday in Fursado Waxbarasho ay ka helaan Ardayda Somaliland jaamacada UWE

1
Wasiir ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa ka warramay Marxaladihii uu soo maray Dalka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Dal xasiloon oo Horumar ay higsanayaan Shacbigiisu, waxaana uu Tilmaamay in Jaamacada Hargeysa ay tahay Jaamacad xidhiidh Fiican la leh Jaamacado badan oo Dunida ku yaalla, waxaana uu sheegay inay baahi weyn u qabaan Ardayda Jaamacada Hargeysa ka Qalin jabiyaa inay helaan Waxbarasho Sare, sidoo kalana ay gacan ka helaan dhinaca kor u qaadida iyo tayaynta waxbarshada, Jaamacada UWE iyo Jaamacada Hargeysana ay noqdaan qaar is dhaafsada Ardayda iyo waliba arrimaha Cilmi Baadhista iyo Dhaqanka, waxa kale oo uu xusay in Dalka Somaliland uu yahay Dal Amni ah oo Ardayda Jaamacada UWE ay ku soo samayn karaan daraasadaha cilmiyeed ee kala duwan.

5

Mr. Jimi Ogunnusi oo ah Ambassadorka Ganacsiga Jaamacada ee Qaybta Caalamka Afrika u Qaabilsan Jaamacada UWE ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Booqshada iyo Xidhiidh dhex mara labada Jaamacadood ee Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in Jaamacada UWE ay xidhiidh la leeyihiin Jaamacado badan oo Dunida ah, aadna ay u
danaynayaan una soo dhawaynayaan Xidhiidh dhex mara kabada Jaamacadood ee Hargeysa iyo UWE.

1
Kulankan waxaa la isku afgartay in dhakhso loo bilaabo sidii ay labada  Jaamacdood u bilaabi lahaayeen inay si rasmi ah u gudo galaan sidii xidhiidhkas loo meel marin lahaa Labada Jaamacadoodna heshiis u kala saxeexan lahaayeen Mustaqbalka, isagoo Wasiir ku xigeenka Qorshayntuna uu sheegay in Madaxda Jaamacada Hargeysa uu gaadhsiin doono Qorshahan, isla markaasna uu ka shaqayn doono sidii Mustaqbalka dhow ay Madaxda labada Jaamacadood u kulmi lahaayeen.

Gebogebadii kulankan Waxa Jaamacada UWE ay Wasiir ku Xigeenka Gudoonsiiyeen Hadyad iyo Buugaag ka hadlaya Jaamacada UWE, halka uu Wasiir ku Xigeenkuna Gudoonsiiyay Qoraalo ka hadlaya Jaamacada Hargeysa iyo Taariikhdeeda

Wabilaahi Tawfiiq
Xisbiga Kulmiye Laanta Bristol

COMMENTS
Latest News