Maalmahanews.com
Garabkii Haweenka Xisbiga KULMIYE Laantiisa Bristol oo La Doortay
May 6, 2016 - Written by admin

Bristol-(Maalmaha)-Laanta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Bristol UK,  ayaa 02/05/2016 shir ay isugu yimaadeen kulankaasi oo ka dhacay xarunta XISBIGU ku leeyahay magaalada Bristol ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay horumarinta iyo kor u qaadida xisbiga shirkan ayaa ahaa mid ka duweyn kuwii hore kaasi o ay ka soo xaadireen dhamaan xubnaha xisbiga ee laanta Bristol, waxayna si mug leh uga doodeen qawaaniinta xisbiga iyo ahmiyada loo qaba in la dhiso garabka haweenka ee BRISTOL ka dib markay arkeen xeerarka XISBIGA iyo baahida loo qabo xubno firfircoon oo haweena kuwaasi oo gudanaya waajibaadooda qaran iyo ka XISBIGA, hadaba shir gudoonka oo ahaa gudoomiye mustafe xaashi Ayaa ku dhawaaqay in cod loo qado gudiga haweenka Bristol ee XISBIGA kulmiye waxaana lagu ansixiyay cod aqlabiyada, waxay gudidaasi noqonaysaa gudi sharciya oo mudan in la ixtiraamo laga bilaabo maalintaa 02/04/2016, Garabka oo ah Sidan:-

HOGAANKA GARABKA HAWEENKA KULMIE BRISTOL
1-Ruqiya Cabdi Xudhuun……………………………..Gudoomiye
2-Khadara Rabiile Habane……………………….. Gudoomiye ku xigeen
3-Nimco Xagaa…………………………………………Gudoomiye kuxigeenka kowaad
4-Safiya Daahir…………………………………………Gudoomiye ku xigeenka labaad
5-Hodan Axmed,………………………………………Xoghayaha
6-Rooda Cabdilaahi……………………………………khasnaji
7_Ayaan Qorane………………………………………..Afhayeenka
1
Hadaba dhamaan xarumaha xisbiga kulmiye ee dunida dacaladeen sida xarunta guud ee xisbiga kulmiye ee magaalada Hargaysa xarunta UK ee magaalada London waxaan ka wargalinaynaa dhismaha garabka haweenka XISBIGA kulmiye ee Bristol sidaa iyo wada shaqayn hufan

xogahaya guud ee xisbiga kulmiye Bristol
Nasser Soufi

COMMENTS
Latest News