Maalmahanews.com
Prof. GEES Oo Taxanihiisa Xiisaha Leh Ku Cabiray Hal-qabsiyo Ay Soomaalidu Ku Muujisay Cabsida Ay Badda Ka Qabto
April 28, 2016 - Written by admin

”Illeyn Geed La Qabsadaana; Haddaan Baaxad Leeyahay Badda Saw Ma Jiideen; Allayleh Eh Bad Baan Baan Galay

“Madaxweyne Xasan Sheekh Madax-dhaqameedkiisu waxa Loo Yaqaannaa Imaam,  Halka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Madax-dhaqameedkiisa Loo Yaqaanno Suldaan…..Boowe Maxaa Kuu Baxay”

————–

‘Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir ayaa xikmaddii sannadka sheegay oo waxa uu yidhi  “Waar tahriib la dayn waa ee dhallinta dabbaasha ha la baro.” Waar dee dabbaashaa sii barta dhallinta tacabiraysaay”

—————–

“Siyaasigu Wuxuu Yidhaahdaa ‘Walaallaheen reer Soomaaliya, Masar, Turki, Imaaraad….Nin Baa Laga Hayaa ‘Waar Hor Miyaanay Jirin Qaar Aynu Habro-wadaag Nahay, [Waayo] Habraha Ayaa Naxariis Badane”

“‘Mar baan idhi Talyaaniga u kac oo tacabar oo jiido’ ayuu yidhi Cabdi Gahayr Oo Dhalintu Weligeedba Talyaaniga Way U Tacabirri Jirtay Laakiin Hugunkani Ma Jirin, Haddase Waa Ganacsi Maafiyoos Ah”

gees-475x301

Dharaarahan Sheekadu…, Berberaay miiskiin koriyaay, wallee Berbera laga maqnaan waa!!

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 46aad

Sannadihii lixdamaadkii ee ay dawladihii rayidka ahaa ay ka talinaysay Jamhuuriyaddii Somaaliyeed, intaan askartu afgembiga samayn, ayaa la sheegay in macdanta Uranium (Yuraaniyam) laga helay meel la yidhaahdo Caliyo Geele oo ku taal Gobalka Baydhabo. Markiiba fannaaniintii oo dawladda u shaqeeya (Waa inaan fannaaniintu aanay xukuumad u shaqayn oo mushahar ka qaadan) ayaa soo saaray hees ahayd “Caliyaw geele, Caliyaw Geele, ayaa caalamku haybinayaa.”

Hadda Berberaay miskiin koriyaay, wallee Berbera laga maqnaan waa! Dharaarahan sheekadu waa Turkiga, Imaaraadka, Sucuudiga, Faransiiska, Masaarida iyo Itoobiyaanka oo wada haybinaya Berbera. Allow na badbaadi.

Muslinimo ninkaan ku dhaqayn,

Muuminimoo khaas ah,

Gaal maxasta ku dhawra

Oo aad magansataa dhaama.

Ka illaali kuwa Muslinka sheeganaya, Khawaajaha u dhiib. Ninkii geelisa waraabsanayey waxa uu yidhi; ‘Ka fogay fagaasiyo halkii Faarax Hagar joogo.’ Qoladaas oo waqtigaas ahaa magafaha Hawdka.

Qofba jiritaankiis iyo inuu dunidan ku nool yahay meel ayuu ku ogoodaa ama ku garaadaystaa. Aniga Berbera ayey ahayd meesha aan ku ababay iyo xaafaddii Daaroole, iyo badda coonkeeda marar dembena waa ku noolaa.

Malcaamadii Sheexaari, dukaankii Abu-cariish ee looxa xajarkii iyo qallin rasaaskii uu iibin jiray ee aan ku far bartay; Maqaayadii Goodir iyo dukaankii Xasan Taako (Carrablow) ee sharaabka kawsarka iyo stiimka la iiga iibin jiray; Masaajidkii Hindiga ee nalka cagaaran iyo marawaxadaha lahaa; Cuntuwale Warsame (Ilka-xiir) iyo Siciid Riig-haye ee Fata-tamarta ama Nafar Warsangliga samayn jiray; Doomkii ee gobkii dhanaan ahaa ee beerta Sheekh Yuusuf Maama ka bixi jiray; doonyihii, sixiimadahii iyo huuriyadii badda sabayn jiray; Mawjaddii aan dhammaanayn ee badda ka soo jabi jirtay (ku darso oo waa tamar bilaash ah, hadda ayaa koronto laga samaystaa).

Sawiradaas ayaa shaashadda maskaxda soo marayaa marka magaca Berbera aan maqlo, hadda meelahaasi waa kharaabadu sida carabtu tidhaahdo waa Adlaal. “Daarihii ayaa calaacalay, markay tabeen dadkoodii eh.”

Giriigu waxay magaalada odhan jireen oo ay ku muujiyeen khariidadaha, magaca Malbo, waxay noqon kartaa Malabo. Waddaddii hore ee Bixin iyo Majacaseeye meelaha biyaha leh mari jirtay, intaan laamida Wershadda Sibidhka marta la samayn, waxay ka soo dhici jirtay Suryo Malabo, sidaa darteed Magaaladu waa Malabo.

Berbera waxa uu bixiyey Carabta oo ka dembeysay Giriiga sida ay Waqooyiga Afrika ugu bixiyeen Barbari Coast. Xeebihi Berberka iyaga oo ka soo qaatay ereyga dadkii Rooma ku soo duulay ee la oo odhan jiray Berberiyanka.

Maxaa doonyaha Xamuul sida oo, maxaa baxri saami leeyahay eh.” Waa ciyaartii shirbada “Jiginjigsee jiglaa waayee,  jibinta dheere ha jabtee, ka jugsiiyaay.” Waar maxay sheegayaan waa maxay micnaheedu?  Bal adba garo.

Saamigaas baxaarida ayaannu ku noolayn, waxananu dhegaysan jirnay heesta baxaaridu qaadayso markay shiraaca saarayaan ama baroosinka qaadayaan ama ay seebinayaan oo isla helaan seebka “Sheeliyaa, sheeliyaa …” La garan maayo afka ay ku heesayeen.

Noocyada doonyaha ayaan kala baran jiray: Waa Sayruukh waa kuwa lama afba u dhuuban, waa Abu shanda, waa kuwa af dhuub iyo dabo ballaadhan leh iyo Jalbadda oo ahaa kuwa labada u dhexeeya oo Awowgay ayuu lahaa Jelbad. Naakhuudayaasha ayaannu baran jirnay magacyadooda iyo sida doonyuhu u kala dheereeyaan, waxa laga hayaa Ina Cabdulle Xasan; “Naakhuudayaal iyo kufraad nebiyo moodeen eh.”

Doonbiradii oo ka soo bilaabmi jirtay xaafaddii qoyanta ee baddu xaggaagii kusoo jabi jirtay ee muusiga iyo sanam wada muraayad iyo balaal madaw iyo kuul kala nooc nooc ah lagu qurxiyey oo dumar makaalif ihi oo ku dhaantaynayaa muusiga iyo rag dhar la xardhay sita ay wada qaadi jireen heeso af aan la garanayn, ayaannu daba carari jirnay oo xiisayn jirnay. Shalaadkaas ayaa ilaa badweynta Batallaale lagu tegi jiray. Waar meeshu waxay ahay wada shaqo, ciyaaro iyo siyaarooyin iyo dad kala midab iyo kala af ah. “Allow yaa guyaal tegay, Gadaal u soo celiyoo, Gaadhsiiya waxa uu geystay gabawgii!!.

Maalmahan baddii ayaa soo butaacday, doontii Nebi Nuux oo kale ayaa loo baahan yahay in laga fuulo. Nebi Nuux wiilashiisa waxa la kala odhan jiray, Hobal oo heesaa ahaa, Tumaale oo birta tumi jiray, Xaab, oo xaabada soo xaabi jiray. Maxaa kuu baxay boowee!!. An ka fuule Allow fii haa!

Soomaalidu badda waa ka baqdaa bal hadal-haysyadan dheeho, “Illeyn geed la qabsadaana; haddaan baaxad leeyahay badda saw ma jiideen; Allayleh eh bad baan baan galay.” Baddaasi ayaa dhallintii ku dhammaatay oo Sheekh, Siyaasi , Suldaan, Abwaan iyo cid waliba waa ka naxday oo ka hadashay, ninba kaskii kor teg. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa xikmaddii sannadka sheegay oo waxa uu yidhi “Waar tahriib la dayn waa ee dhallinta dabbaasha ha la baro.” Waar dee dabbaashaa sii barta dhallinta tacabiraysaay.

Mar baan idhi Talyaaniga u kac oo tacabar oo jiido,” ayuu yidhi Cabdi Gahayr ee bal arag weligeedba waa la tacabiri jiray oo dhallintu Talyaaniga ayey u kacaysay. Yaase Tacabiri jiray? Nin xoog leh oo keli ah, dumar carruuro sita iyo kuwa uurlihi ma hawaysan jirin, hugunkani ma jirin. Hadda waa ganacsi Maafiyoos ah.

Sida warbaahinta konfureed sheegtay siddeed boqol (800) oo fiise ayaa safaaradda Masar ku leedahay Xamar laga qaatay oo ay ka codsatay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya. Wakiillo ayaa Somaliland u jooga oo fududeeya fiisayaasha iyo baasaboorada iyo waraaqaha kale ee loo baahdo.

Deeqihii waxbarashada dibedda, shaqadii Hay’adahii dhawrta bixiyayaasha intiiba Xamar ayaa laga bixiyaa, iyada oo markan dollar lagu gato. Waa intii goonni-isu-taagga loogu qaatay. Findhicilku ma xalaalbaa mise waa xaaraan? Waa lays waydiiyay! Jawaabtii waxay noqotay; soo qaadkiisa ayaaba diiday. Mar kasta Khayrqabe Siyaasi, waxa uu leeyahay “Walaalaheen Reer Soomaaliya, Walaalaheen Reer Djibouti, Walaalaheen Reer Masar, Walaalaheen Sucuudiga, Walaalaheen Turkiga, Walaalaheen Imaaraadka.” Nin ayaa laga hayaa; “Waar qaar aynu habaro-wadaag nahay miyaan ku jirin?” habraha ayaa naxariis badan eh. Tani waxay la mid tahay sheekadii Aw Rifaaci.

Aw Rifaaci waxa uu ahaa nin reer Laas-qoray ah oo ilbax ah oo badmareen ah oo Ina Cabdulle Xasan uga keeni jiray Cadan; cadarka, dharka, xalwadda iyo sabiibta, deeto waa xujuubay ayaa la sheegay. Jidh–dil (Torture) ayaa lagu sameeyey, habkan Maraykanku soo saaray ee Joonyadda madaxa la isu geliyo, kadibna biyaha la isku hafiyo (Water boarding) ma la aqoon. Waxa Daraawiishtu adeegsan jirtay rag la tababaray oo ilka fiiqfiiqan oo ilkaha ku googooya eedaysanaha xujoobay.

Aw Rifaacii ayaa qoladii lagu fasaxay oo ilkaha ku boobay, kadibna markaas ayuu jalaaday, haseyeeshee cidina dheg uma jalaqsiin. Markii loo keenay Ina Cabdle Xasan ayuu Aw Rifaaci weydiiyey oo ku yidhi “Maxaad yaa Muslinnaay u odhan weyday?” Aw Rifaaci waxa uu ku jawaabay, “Muslinku saw kan i cunaya.” Hadda walaaluhu saw kuwan ina takooray ee ictiraafka inoo diiday!

Dhallinta Illaahay ha u naxariisto ehelkoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo, madaama hadda waxbarashadii ay ku koobnaatay xifdi iyo gabay oo Carabigii iyo Ingiriisidii waagii hore la baran jiray, xirfadi ha joogtee iyana la waayey.

Dhallintu iyada oo aan af kale aqoon ayey tacabireen, deeto doon qudha ayey dhawr boqol ku wada raaceen. haddii ay xitaa af carbeedka wax ka garan lahaayeen dadka ayey kala dhexgeli lahaayeen ee sidii xoolaha looma rareen. Sida Suldaan Maxamed Sheegay waar Manhajka dugsiyada ha lagu daro dabbaasha, gaar ahaan kuwa xeebaha ku yaalla. Bishan gudaheeda afar carruur ah ayey baddu ku laqday Berbera iyo Lughaya.

Daktoor Cali Cabdiraxmaan Xirsi oo ahaan jiray hormoodkii Kulliyaddii Lafoole iyo Guddoomiyihii Akaadamiyadii Dhaqanka iyo Cilmiga oo dhowaan soo booqday Hargeysa, ayaa qoray cilmi-baadhiis u ka sameeyey waxa uu ku tilmaamay “Raadka Carabnimadu ay ku leedahay taariikhda Soomaalida.” “The Arab factor in Somali History.” Daraasadaas oo dheerayd waxa uu ku soo qaaday in Carabtu Diinta Islaamka ku fidisay Carriga Somaaliyeed. Waxa uu ku daray in Islaamka la fidiyey uu ahaa Shiica!! Oo Soomaalidu Shiica ahayd, Bowee maxaa kuu baxay!!

Marxabay yaa jiddal Xusayni !! Al-xusayni ayaan ahayn, haseyeeshee waa kuwee Soomaalida Islaamka loo geeyey xaggee joogtay? Dad xoolo raacato ah diin lama bari karo ee waxa lagu fidiyey meelo la deggan yahay oo magaalooyin ah. Laba meelood ayaa laga degganaa geyga Soomaalidu hadda degto. Waa xeebta Banaadir (Waxay ka soo jeedaa bender oo afka Faarisiga ah oo magaalo la micno ah) ilaa Afgooye iyo xeebta galbeed ee Berbera Saylaca ilaa Harar.

Haddaba dhinaca Banaadir ayaa Shiicadu ku fiday oo waa ta kaga tegtay Madax-dhaqameedka la baxa imam, sida Imam Khumayni! Madaxweyne Xasan Shiikh Madax-dhaqameedkiisu waa Imam. Waxa la yidhaahdaa istunka magaaladda Afgooye ee sannadkii mar la qabtaa waxa uu ka soo jeedaa is-garaacidii Caashuura ee Shiicada!! “Labayk yaa Xuseyn!!”.

Dhinaca xeebaha galbeedka waxa ku fidayey Islaamka Suniga ah, kaas oo Turkigu xoojiyey oo waaka masaajiddada ka dhisay Berbera iyo Saylac, oo waa ta dabadeed keentay in Madax-dhaqameedyadii ay qaateen magaca Suldaan. Magacaas oo ka soo jeeda dawladdii Turkiga. Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo) Madax-dhaqameedkiisu waa Suldaan aniga waa Suldaan. Waar wax salaaddu isu qabsan weyday, illeyn laba ardaa ayaan ka soo kala jeednaa qolooyinka Konfureed!!

Maalmahanews/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News