Maalmahanews.com
MA KU BARAA WASIIR MAXAMUUD XAASHI CABDI ?
April 10, 2016 - Written by admin

Waxay ay markii ugu horeysay burhaantiisu  si lama filaan ah u soo daahirtay isagoo labaatan iyo dheeraad sano jir ah markii uu dhabarka u ritay masuuliyadii qabashadii shirkii la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18th  Bishii May 1991 ka dhacay magaalada Burco xiligaasi oo uu ahaa Mayorkii Magaalada burco.

Haaa Mudane Maxamuud xaashi  waxa uu Qabtay shirkii beelaha Somaliland wuxuuna muujiyaya hawlkarnimo dadaal  isagoo aad u da,ayar  shirkaas oo lagu goaminayay madaxbananida Somaliland    Sidookale waxa loo doortay xubin baarlamanka ah 1993 isagoo ahaa xildhibankii ugu da,ada yaraa barlamankii xiligaa

Sidoo kale waxa uu xilal ka soo qabtay xisbiga talada dalka haya ee kulmiye waxa uu ka mid ahaa maskaxihii ka danbeeyay asaaskii xisbiga kulmiye waxuuna ahaa ragii horseedka u ahaa guulihii uu kulmiye gaadhay waxana maxamuud xashi loo magacabay wasarada  duulista  oo laga wada dharagsanyahay say ahaan jirtay iyo heerka ay hada marayso mudo kooban ka dib waxa loo magacabay .

Wasiirka Madaxtooyada, Hadaba waxaa hubaal ah in Xaashi yahay Wasiirka ugu shaqada badan Xukuumada ugu dedaalka badan, waxaa biyo kama dhibcaana inuu yahay masuul si weyn u deeqay Madaxweynaha yahay uuna ku mutaystay Xilkasnimadiisa, Daacadnimadiisa, iyo Dadnimadiisa oo qancisay Madaxweynaha iyo in badan oo kamida Bulshada Somaliland.

Awoodaha ilaahay siiyey Wasiir maxamuud xashi waxaa kamida Aqoon, Karti, Geesi-nimo, Shaqo-wanaag, Samir, Dedaal,Aftahanimo, Daacadnimo, Haybad, Karaamo, runtii Wasiir maxamuud xaashi inta aan ka aqaan dadbadanina ka yaqaaniin waa intaa aan soo sheegay iyo in kalo badan , waxaan hubaal ah inuu yahay masuul leh Ixtiraam oo qofkasta oo u yimaada soo dhaweeya dhegaysta ka dibana qanciya, waxaanan ka marag kacayaa hab maamuuska uu bulshada ula dhaqmo inaan wali arag qof masuula oo sidaas oo kale bulsho kala duwan u qaabila taasna waxaa makhtaari iigu filan inta la kulantay.

Waa Geesi aan boqolka marinka uga baydhin , Hadalada kasoo yeedha afka Wasiir maxamuud xashi waxay dhinbiilo iyo gantaalo la ganay ku noqdaan dhegaha Siyaasiyiin kamida Xisbiyada

mucaaridkaa kuwaas oo sida fiinta galowga uga qeyliya weedhaha kasoo yeedha Wasiirka Madaxtooyada, waana hadal yaqaan hal-abuura inta badana hadalada siyaasadaysan wuxuu u adeegsadaa si tab iyo xeelad leh oo duur xul ah, Halka jawaabta siyaasiyiinta mucaaridku noqoto cay iyo aflagaado kasoo yeedhay dibnaha ciroolayaal fashilmay.

Nin calool galkaagii Ogaa hatan se ciroobay oo sir caaad kuu yaqaan lagama ceeb doono

Bisqanyaha rag kuu geeya baan biidna kuu tarin
Baaliqyo is mood wiil haduu buuryo goys yahaye
Bi waaye h/yoonisey baadidaa cesho

SAMIIR HASSAN ABDI ( RAAN )

Samirjajaa@gmail.com

COMMENTS
Latest News