Maalmahanews.com
Natiijada Doorashada Madaxtinimada Jabuuti Oo Si Rasmi Ah Loo Shaaciyey Iyo Tirooyinka ay kala Heleen Musharixiintu
April 9, 2016 - Written by admin

Djibouti-(Maalmaha)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Xasan Cumar ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada doorashada madaxtinimada Jabuuti kadib markii lasoo gebagebeeyey tirinta codadka waqti dambe oo caawa ah.

Madaxweynaha iminka haya talada dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku guuleystay doorashada Madaxtinimo ee dalka Jabuuti isaga oo helay 86%, Cododka  ay kala heleen Musharaxiinta doorashada Djibouti ayaa ahaa sidan
1- Cumar Cilmi Khayre 7.32%
2- Maxamed Dauud Shixin 2.28%
3- Maxamed Muuse Cali 1.53%
4- Xasan Idiris Axmed 1.39%
5- Jamac C.raxman Jamac 0.79%
6- Ismaciil Cumar Geele 86.68%

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti heyn doona shanta sano ee soo socota isaga oo xilkaasi hayey 17kii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxwayne Geele waxa uu ku guulaystay markii afaraad isagoo markii ugu horaysay la dooratay 1999kii, 2005tii,2011 kii iyo imika oo ah 2016 kii.

Doorashada Madaxweynaha Jabuuti waxaa ka qeybgalay oo goobjoog ka ahaa Kormeerayaal caalami oo si dhow ula socday doorashada iyo saxifiyiin iyagu toos u tebinayey.

Maalmaha/Djibouti office

E-mail: info@maalmahanews.com

Xasan C/Raxmaan Qayaad

COMMENTS
Latest News