Maalmahanews.com
Abaydin Abaydin Dhalay: Ruwaayad Digniin Weyn Bixinaysa
April 7, 2016 - Written by admin

Qalinka: Axmed Iid Aadan

I.Hordhac iyo ujeeddada ruwaayadda

Waa Khamiis, taariikhduna waa March 17, 2016. Waxa la joogaa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Mar keli ah ayaa la wada aamusay, waxana loo wada jeestay xaggii shaashadda. Waxa bilaabantay ruwaayaddii cusbayd ee goorahanba la sugayey, magaceeduna ahaa “Abaydin abaydin dhalay”. Waa ruwaayad ku saabsan dhibaato bulshada dhexdeeda ka jirta kuna badan.

Guurkii qorshaha iyo nidaamka wanaagsan lahaa ee waqtiga ku habboon loo hawlgeli jiray, ujeeddadiisuna ay ahayd khayr iyo mustaqbal wanaagsan in la gaadho ayaa la sahashaday. Carruur da’ yar oo xilligii waxbarashada ku jirta oo aan joogin da’dii guurku ku habboonaa ayaa inta ay israacaan odhanaya, reer baannu dhisaynaa. Waxa ay isku qaadaan hawl aanay culayskeeda ka dabbaalan karin, hawl aanay u bislaannin, hawl aanay shuruudaheedii buuxin, dabadeedna natiijadu waxa ay noqotaa guuldarro ama mid sidii la filayey aan ahayn.

Mashkiladdaas ayey “Abaydin abaydin dhalay” sawir fiican ka bixinaysaa. Waa ruwaayad si wanaagsan loo jilay oo dhacdooyinka iyo qisada ay bixinayso aynu moodi karno qaar si dhab ah horteenna uga socda. Da’ yarta faraha badan ee ku hammiyi karta guur jaadkaas ah ayey ruwaayaddu u digaysaa. Waxa ay leedahay, dhallinyarooy dhaqankii fiicnaa ha ka baydhina. Haddaad ka baydhaan oo aad talada u miyirin weydaan, shuruudihii iyo nidaamkii uu guurka wanaagsani lahaana aad gees martaan wixii ka dhasha iyo midhahaad ka goosataanba markhaati baa laga ahaan doonaa!

II.Magaca ruwaayadda

Magaca ruwaayadda su’aalo ayaa ka dhashay, oo xataa abwaanka markii ay ruwaayaddu dhammaatay waa la weydiiyey. Marka ay carruurtu gaadho heer ah in caanaha hooyada laga gooyo ee cuntada loo bilaabo ayaa la yidhaahdaa “abaydin”. Macnaha uu magacu ruwaayadda ugu jiro waxa markaa lagu soo ururin karaa “carruur, carruur kale oo laa le’eg dhashay!”

Isla magacaa ruwaayadda waxa sidata heesta u danbaysa ee ay ruwaayadduba ku dhammaanayso. Waa heesta halkudhiggeedu yahay:

  • Waayeel baa ubad korshee,
  • Ugaybkan baraar-shishiyey,
  • Abaydin abaydin dhalay,
  • Miyuu eedaad ka bixi?

Haddii qof lagu yidhaahdo ruwaayad magacaas leh ayaa la dhigi doonaa, waxa hubaal ah in uu qofkaasi wax sawiran doono ama uu wax ka filan doono ruwaaddaas loo sheegay. Haddaba, haddii aan anigu gaar ahaantayda iskaga hadlo, markii aan magaca ruwaayadda maqlay iyo wixii aan qiyaasay in ay igaga soo bixi doonaan ruwaayaddu waa ay isu dhowaadeen, waxanan qiyaasi karaa dad kale oo aannu arrintaas isaga dhowdhow nahay in ay jiri karaan. Laba arrimood baa arrintaas iyada ah sababi kara:

  1. In uu abwaanku macnihii ruwaayadda magaca ku soo ururiyey, taas oo arrin fudud aan ahayn; iyo
  2. In uu ku guulaystay filashadii daawadayaasha iyo murtidii ruwaayadda in uu iswaafajiyo.

 

III.Abwaanka ruwaayadda allifay

 

Ruwaayadda waxa allifay abwaanka caanka ah, Axmed Aw-Geeddi Maxamuud, oo aynu ku barannay suugaan kala dudduwan oo ruwaayado iyo maansooyinba leh. Xagga dugsiyada iyo waxbarashada abwaan ay suugaantiisu ka soo bilaabantay weeyi, suugaantaas oo halgan soo martay, oo nabad leh, oo dhaqan leh, oo degaan leh, oo haddana mawduucyo kale taabanaysa.

“Dadku waa isku dhoone ha dhammaado takoorku”, “Waraabe dhar leh” iyo “Dhallaan waa mahuraan” ayaa ka mid ah ruwaayadaha abwaanka. Xagga maansooyinka waxa uu tiriyey maansooyin badan oo bado kala duwan ku kala aroora, waxana kuwa ugu caansan ka mid ah “Tiriig”, “Summalow darbane”, “Tawaawac badeed”, “Kordahab”, “Garbadiir”, “Hiddasan” iyo kuwo kale.

Maansooyinka faraha badan ee uu abwaanku tiriyey qaarkood waxa ku jira beydad culculus oo halkudhigyo ah. Sida maahmaahda oo kale, haddii kolba halka ay ku habboon yihiin loo adeegsado, hadalka aad baa loogu qurxin karaa mar kasta oo wadahadal, dood ama khudbad ay arrintu joogto.

Qaar ka mid ah beydadkaa halkudhigyada ah haddii aynu wax ka soo qaadanno, waxa ka mid ah kuwan soo socda oo uu abwaanku arday waxbarasho dhammaysanaysay kula hadlayey isaga oo ku lahaa “Faca inaga danbeeya ee inna eeganaya inaguna dayanaya ma u noqonnaa tusaale fiican oo ma tusnaa jid fiican oo ay maraan?” Waxa uu yidhi:

  • Awrba awrka hore,
  • Inta uu socduu,
  • Ka danbena ogyoo,
  • Ku itaalayaa,
  • Nimanyahow aflaxay,
  • Aarankaa kiciyo,
  • Jiilka imanayaba,
  • Ma tusnaa awood?
  • Dhabbo aayo wacan.

Beydadkan soo socda oo iyaguna ku saabsan axdiga iyo arrimaha muhiimka ee la isku aammino culayskana leh ayaa ah qaar halkudhig culus ah oo xusuusta qofka raad ku reebi kara:

  • Arrin lama fudaydsado,
  • Haddii laysku aammino,
  • Axdi laguma furo duul,
  • Haddaad ahab wadaagtaan.

Dayuurado magaaladii ay ka duuleen haddana dib u burburiyey ayaa ka mid ah waxyaalaha aan dunida hore uga dhicin. Bal hadda aynu murtidan u fiirsanno:

  • Weli dunida kama dhicin,
  • Diyaaraad kacaayoo,
  • Gegiday ka duuleen,
  • Dib u guba magaalada,
  • Iyo degelladoodii.

Deeqaha ay dadku marar badan isa siiyaani waxa ay noqon karaan laba mid uun: qaar daacad laga yahay, ama qaar ujeeddo laga leeyahay oo aan daacadnimo shaqo ku lahayn. Kuwan danbe ayey malaha deeqaha la isa siiyaa u badan yihiin. Midkay doonaanba ha ahaadaane, laba beyd oo ku jiray maansadii dhowaan soo baxday ee “Hiddasan” ayaa ahaa:

  • Hoo iyo deeq baa macaan,
  • Markay hor Ilaahay tahay.

Nidaamka dawladnimo waxa loo samaystaa in ay dadka nidaamkaas wada lehi danahooda si caddaalad ah nidaamka uga wada dhex arkaan. Cidda markaa nidaamkaa dawladnimo oo jira talo qabiil ama shirbeeleed u guuxdaa waxa ay ku sifoobaysaa:

  • Dawo ma leh shirbeeleed,
  • Iyo ruux durraansaday.

Danaha guud ee ay ummadi leedahay ma aha wax sugan oo mar kasta meel loogu hagaago leh. Mararka qaarkood waa wax maqan oo u baahan in loo xusulduubo, loo guntado oo dadaal iyo karti lagaga midha-dhaliyo. “Isku-duubni” mar kastaba jirta ayaa ka mid ah waxyaalaha danahaas suuragelin kara mar kastana lagu tamarin karo. Haddaba marka la arko cid ay danahaasi sidii la rabay ugu qabsoomi waayeen ayaa halkudhiggan la soo qaadan karaa:

  • Dantu waxay u baahnayd,
  • Baadida nin daydaya,
  • Ka dibjirayna soo hela,
  • Isku daaddaheeyaha.

Fursadaha dahabiga ah ee ay suugaan wacani heli karto waxa ka mid ah in ay ka baxdo jaadadka kala duwan ee warfaafinta sida idaacadaha, telefishannada iyo wargeysyada. Waxa ka mid ah in goleyaasha lagu kulmo lagu soo bandhigo. Waxa ka mid ah in dhiganayaal lagu daabaco oo ay dadweynaha qoraal ku gaadho sidaasna lagu akhristo. Intaas oo fursadoodba suugaanta abwaanku waa ay heshay, si ballaadhan na waa ay u faaftay. Natiijadiina waxa ay noqotay in bulshooyinka afka soomaaliga ku hadla ay wada gaadho ayna noqoto, inta uu doonaba ha ka yaqaanee, suugaan caan ah oo uu qof kastaaba wax ka garanayo. Intaa waxa dheer in maansooyinka abwaanka qaar ka mid ah afafka Ingiriisiga iyo Faransiiska loo rogay. Arrintaasina waxa ay caawin kartaa dadka shisheeyaha ah ee xiiseeya in ay suugaanta soomaalida wax ka ogaadaan iyo kuwa aqoonbaadhista sameeyaba.

 

IV.Qisada ruwaayadda

Qisada ruwaayaddu waxa ay ku saabsan tahay wiil iyo gabadh iyaga oo da’yar ardayna ah is raacaya oo guur degdeg ah oo aanay qorshe hagaagsan ka yeelan, shuruudihii buuxinnin, u bislaannin, isla markaasna da’diisii joogin ku dhaqaaqaya.

Wiilku waxa uu ruwaayadda ku metelayaa magaca ah “Haarayuub”.  Haarayuub inta uu dhar qurux badan xidho ayaa uu afar ka mid ah saaxiibbadiisii ay wax wada baran jireen u tegayaa, si uu arrinta ula socodsiiyo. Qacda hore marka ay indhaha ku dhuftaanba su’aalo ayey la boobayaan, waxana dhexmaraya hadalladan:

— Babbabbab, oo saaxiib maanta wayba kaa dhacaysaaye, shaadhkan halkeed ka keentay?

— Shaadhka nin aannu saaxiib nahay ayaan ka soo ammaanaystay.

— Surwaalka ayaanba ka dhicine!

— Surwaalkana nin aannu saaxiib nahay baan ka soo ammaanaystay.

— Oo saaxiib kabaha ayaan dab yar shidayne.

— Kabahana nin saddexaad oo aannu saaxiib nahay baan ka soo ammaanaystay.

— Oo saaxiib maanta halkeed tagaysaa?

— Maanta gabadh baan soo mehersanayaa.

Intaa kuma ay ekaan su’aalaha iyo jawaabuhu ee waa ay sii soconayaan, saaxiibbadiina waxa uu u sheegayaa in uu imika dhaqaaqayo oo gabadha loo soo meherin doono, markaa ka dibna uu iyaga hawshooda geli doono. Mid yar oo cajiib ah oo saaxiibbadii ka mid ah ayaa ka fikir duwanaanaya, kana soo horjeedsanaya oo ku odhanaya: “Waryaa waryaa, dadka ha waalin. Waxaad gabadh ku guursanayso maad ku arradbaxdid waadigan shaadh iyo surwaal soo ammaanaysanayee. Midda kale, nusasaacaha, quraaca yar ee aan iibsado sowdiga ii goo yidhaahda.  Waryaa, dadka ha waalin!” Intaa marka uu Haarayuub ku tuuro ayaa uu haddana xagga saaxiibbadii u jeedsanayaa oo uu taladan siinayaa: “Saaxiibbayaal, idinkana aan idin la taliyo ee ninkan dhanxiirka ahi yuu idin waaline, weli ma aydaan qaangaadhine, dugsiyadiinna iska dhigta oo waxbarashada adkeeya”. Intaa marka uu yarku yidhaahdo ayuu goobtaba isaga dhaqaaqayaa. Iyaga oo sida dad yaabban oo kale ah ayey yarkii oo sii socda indhaha la sii raacayaan. Yarkii baa inta uu dib u soo jalleeco haddana Haarayuub ku odhanaya: “Waryaa waryaa, reerka bajada kala bax”.  Haarayuub ayaa isna ka sii daba tuuraya: “Waar orod. Jacaylka ayaanu waxba ka garanayn. Waa dhoorre!”

Dhanka kale inantii ayaa iyaduna saaxiibaddeed Xigto la kulmaysa, una sheegaysa in ay guursanayso. Xigto arrintaa ma taageerayso, ee waa ay la talinaysaa, wayna u digeysaa. Waxa dhexmaraya iyagana hadalladan:

— Saaxiib bushaaro.

— Bilkhayr

— Waan guursanayaa

— Waan guursanayaayaa!

— Haa

— Alla yaa i gujiya! Oo ma kaa dhabbaa oo waad guursanaysaa?

— Xaqiiqdii waan guursanayaa. Imikaa la i soo meherinayaa. Markaa Xigtooy waxan doonayaa in aad i raacdo oo aad ii wehel yeesho, midhka ficilka ah waa maalintiisii, ha iga hadhin saaxiib.

— Naa waxan ku weydiiyey ‘immisa jir baad tahay’?

— Afar iyo toban.

— Oo ma adiga oo afar iyo toban jir ah baad doonaysaa in aad guursato… Naa jidhkaagu uma uu diyaargaroobin in uu oori noqdo oo uu ubad dhalo… Ha degdegine, carruur baad tahaye, cilmiga dhigo… Naa bal ii sheeg ninka magaciisa iyo waxa uu ka shaqeeyo?

— Waa inankii fasalkeenna ee Haarayuub.

— Haarayuubaa! Haarayuubaa! Haarayuubaa!… Haarayuub halkuu ku geyn, isagiibaaba gurigii hooyadii jooga e’. Laba sakaaro didmo mooyee ciidan iskuma biirshaan…

Taladii iyo digniintii Xigto waxa ay meeshii ugu sarraysay gaadhsiisay markii ay hadalkii caadiga ahaaba ka kaxaysay ee ay maanso wax ugu sheegtay. Waxa ay tidhi:

  • Naa waa caruur             ay daba-dhidhii,
  • Naa waa ciyaal               ay daba-dhidhii,
  • …………………………………………..
  • Naa cuud ma dhaqan     ay daba-dhidhii,
  • Caashaqa midbaa           ay daba-dhidhii,
  • Ceeb laga dhaxlaa          ay daba-dhidhii,
  • Naa hays casilin              ay daba-dhidhii,
  • Ceel haysku ridin            ay daba-dhidhii,
  • Cimrigaagu yuu               ay daba-dhidhii,
  • Caarcaar ku lumin          ay daba-dhidhii.

 

Intaa ka dib, Haarayuub iyo gabadhii Bajaaj bay raacayaan, waxayna u tegayaan nin la yidhaahdo Sheekh Dhakabiye (Dhakabiye waa magaca uu ruwaayadda ku metelayo). Waxa ay ku soo beegmayaan sheekha iyo xertiisii oo inta ay foox dabka ku rideen qasiido cajiib ah ku luqaynaya.

Qasiidadii ayaa dhammaanaysa, deedna waa la soo dhowaynayaa. Waxa lagu odhanayaa: “Soo dhowaada, waxad siddaana halkaa dhiga”. Haarayuub ayaa alaab jawaan ku jirta xerta ag dhigaya, dabadeedna odhanaya: “Sheekh waa lacagtii, sigaarkii iyo alaabtiiba”. “Soo dhawow oo gacantaada midig sheekha u dhiib” ayuu mid xerta ka mid ahi ku odhanayaa. Gabadhii ayaa loo meherinayaa, deedna waa ay iska tegayaan.

Waqtigu wax uu is guraba waxa soo dhowaaday xilligii ay inantu foolan lahayd. Gurigoodii waa ay ka soo baxsatay markii la ogaaday xaaladdeeda iyo in ay ku dhaqaaqday guur aanay reerkooda ku wargelinnin. Inantii ay saaxiibka ahaayeen ee Xigto ayey hadda la joogtaa oo gurigoodii geysay.

Haarayuub isagana xaafaddoodii waa laga eryay. Sababta loo eryeyna waxa ay ahayd in la ogaaday lacagtii badnayd ee uu berigii inanta ku mehersaday in ay ahayd lacag uu aabbihii ka xaday! Imika huteel buu ka shaqeeyaa. Lacag lama siiyo ee waxa uu abaal ku qabaa in uu saddexda waqti huteelka wax ka cuno, habeenkiina uu seexdo oo uu ilaaliyo.

Maalin maalmaha ka mid ah isaga oo huteelkii jooga oo shaqaynaya weelna xalaya ayaa waxa u imanaya saaxiibkiisii yaraa ee berigii uu inanta doonayey ka fikirka duwanaa ee dadka ha waalin ku odhan jiray, dabadeedna hadalladan ayaa dhex maraya:

— Waa wareey! Waar miyaadan Haarayuub ahayn?

— Mayee waan ahay.

— Waar maxaa sidan kuu galay? Waa maxay huteelkan aad ka shaqaynaysaa? Mee dugsigaagii? Meeday waxbarashadaadii? Mee gurigiinii?!

— Saaxiib waxbarasho waannu is deynay, gurigayagiina waan ka soo irdhoobay, oo waanigaa firdhadka ah.

— Oo maxaa jira oo xaafaddii kaa soo kaxeeyey?

—Dee waanigii guursaday. Lacagtii aan inanta ku mehersadayna aabbahay baan ka soo xaday. Markii la ogaadayna waxan ka baqay in la i xidho, oo waanigan firdhadka ah.

— Oo inantii meeday?

— Dee ma warbaan u hayaa. Habeenba reer bay u hoyataa baa la yidhiye. Iyaduna waa firdhad!

— Oo waadigan shaqaysanayee, lacagta aad qaadatid guri miyaad ugu kiraysid oo aad meel dajisid?

— Oo ma lacag baa la i siiyaa. Bariiskaana cun baa la i yidhi, dusuuddaana dhex seexaa la i yidhi, habeenkiina meheradda ilaali baa la i yidhi. intaas uun baan u xishay, ee wax lacag ah oo la i siiyaa haba yaraato ee ma jirto.

— Saaxiibow dhibaatada adiga ayaa isu geystay… Guur bilaa macno ah oo aan mas’uuliyad lahayn baad madaxa ku qaadatay.

 

Yarkii marka uu saaxiibkii sidaa fiican ugu caqli-celiyo ayuu haddana odhanayaa: “Beryahan guurkii dhallinyartu waa ay ciyaalaysay; guurkii baa bay ku ciyaarayaan”! Dabadeedna maanso guurka ku saabsan ayuu saaxiibkii halkaa ugu marinayaa. Waxa ka mid ah maansadaa:

  • Guurkeennu milguu lahaa,
  • Macniyo qiimuu lahaa,
  • Miisaan weyn buu lahaa,
  • Haasaawiyo maydhax diir,
  • Xaqdhowr iyo marin gobeed,
  • Maamuus culus buu lahaa.
  • Guurkeennu maqaam sariyo,
  • Martabad dheer buu sudhnaa,
  • Marriin bay inantu lahayd,
  • Mas’uul bixiyey lahayd.
  • Mas’uul bixiyey lahayd,
  • Wadaad mehershay lahayd,
  • Macaariif bay lahayd,
  • Masruuf baa loo qaridhay,
  • Meexaamii gacalka iyo,
  • Tol aan kala maarmi karin,
  • Ayaa meehaahi jiray,
  • Macooyiyo hooyo wacan,
  • Marwaa loo xeeban jiray ,
  • Ducaan laga maarsan jirin,
  • Markay maxlaleen carruuri,
  • Hadduun buu muuno jabay,
  • Mudnaantiisii la dilay,
  • Macaan laga dhigay qadhaadh…

Halkaa marka ay arrini marayso ayuu war degdeg ahi soo dhacayaa. Inantii ayey fooshii qabanaysaa oo hosbitaalka loola cararayaa. Qoladii hosbitaalka ayaa odhanaysa, inanta reerkoodii ha loo yeedho. Dabadeed inanta hooyadeed oo werwersan iyo abtigeed ayaa hosbitaalkii imanaya. Waxa loo sheegayaa in inantan xaaladdeedu aanay qalliin ka fursanayn, sababta oo ah miskaheeda ayaa yar yar oo ma ummuli karayso. Inanta hooyadeed aad bay arrintaa uga naxaysaa.

Inantii waa la qalayaa. Muddo ka dib, mid ka mid ah digtoorradii hosbitaalka ayaa isaga oo ay wajigiisa naxdini ka muuqato soo baxaya oo war naxdin leh sheegaya: “Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Inantii waa ay dhimatay”. Dhimatayaa? Inanta hooyadeed ayaa uu warkaasi ku noqonayaa sida gantaal laabta kaga dhacay oo kale. Naxdin darteed ayaa ay dhulka ku dhacaysaa, dabadeedna gurmad baa u imanaya oo meesha waa laga qaadayaa.

V.Farriinta ruwaayadda

 

  1. Digniin iyo talo

Farriin weyn oo digniin ah iyo talo wanaagsan oo aan la dhayalsan karin ayey ruwaayaddu gudbinaysaa. Farriinta digniinta ahi meelaha ay ka muuqato waxa ka mid ah beydadka maansada “Guur” ku jira ee ah:

  • Dhallinyarooy magan Allee,
  • Haddaan talo loo miyirin,
  • Shareecada lagu mitidin,
  • Sooyaalkeennii la marin,
  • Marwaadkuu dhaqan lahaa,
  • Haddaa mijo xaabisaan,
  • Waxyaabaha muxarimka ah,
  • Haddaa u miliilicdaan,
  • Hadhow midhahay dhashiyo,
  • Waxaad ka maggaabataan,
  • Markhaataa laga ahaan!

Waxa kale oo ka mid ah beydadka ay Xigto ku luqaynayso ee ku jira heesta “Ay daba-dhidhii” kuwaas oo si gaar ah inanta ula hadlaya. Beydadkaa waxa ka mid ah:

  • Caashaqa midbaa           ay daba-dhidhii,
  • Ceeb laga dhaxlaa          ay daba-dhidhii,
  • Naa hays casilin              ay daba-dhidhii,
  • Ceel haysku ridin            ay daba-dhidhii,
  • Cimrigaagu yuu               ay daba-dhidhii,
  • Caarcaar ku lumin          ay daba-dhidhii,
  • Naa yaad u cigan            ay daba-dhidhii,
  • Kuu ciirsi noqon              ay daba-dhidhii,
  • Ma cirkaad u bixi            ay daba-dhidhii.

Talada wanaagsanina waa mid waalidiinta ku wajahan. Nuxurkeedu waa, carruurtu waa wax wanaagsan. Isha ayaa ku qabowsata, waana nimco Ilaahay bixiyo ee aabbo iyo hooyoy in aynu ilaashannaa sow arrin wanaagsan ma aha? Taa waxa laga dhex arki karaa heesta ay ruwaayaddu ku dhammaanayso, oo uu cod aad u wanaagsan inanta abtigeed ku qaadayo, waxana beydadkaa arrintaa ku saabsan ka mid ah:

  • Awlaaddu cajiibsanaa,
  • Ishoo ku qabowsatiyo,
  • Aayoodku wanaagsanaa,
  • Ilaah baa laga helaa,
  • Inaynu ilaashanaa,
  • Aabbiyo hooyooy samaa.

Waxaad mooddaa waayadan danbe iska-warhayntii waalidiinta in badan oo ka mid ah iyo carruurtu in ay yaraatay, waxana laga yaabaa in ay nolosha mashquulka badan ee magaaladu arrintaa sababtay. Marka ay dadku magaalooyinka ku bataan, miyigana aad looga yimaaddo, noloshu waa ay isbeddeshaa, waana ay adkaataa. Qofkii aan shaqo hayn ama aan xirfad lahayn nolosha magaaladu uma fududaato. Xaaladda sidaas ahi waxa ay sababtaa in uu qof kasta oo mas’uul ahi isxilqaado oo uu u xusulduubo sidii uu shaqo u qaban lahaa waxna ula soo bixi lahaa.

Waalidiin badan ayaa laga yaabaa in ay maalin iyo habeenba shaqeeyaan si ay nolosha carruurtooda u socodsiiyaan. Waxa markaa dhacaysa in uu waalidkii waqti ku filan oo uu carruurta la qaato kagana war hayo waayo. Burburka qoysaska qaarkood ku dhaca ayaa isna keena in isku-xidhnaanta ama iska-war-haynta xubnaha qoysaskaasi ay yaraato. Isku soo wada duuboo farriimaha ay ruwaayaddu diraysaa waa laba: carruurta oo waddada aan toosnayn looga digayo iyo waalidiinta oo la leeyahay, si kastoo ay arrini tahayba carruurtu waa qaali ee aynu ilaashanno.

  1. Caashaqa qaar

Jacaylka ama caashaqa abwaannadu siyaalo kala duwan ayey uga hadleen, doodo badan na waa ay ka abuureen. Halkan kuma soo koobi karno, hase yeesho ee haddii aynu wax ka soo qaadanno, halkudhigyada ugu culus ee ilaa maanta la xasuusto, maskaxda dadkana ka tirmi la’ waxa ka mid ah “Jacayl biri ma goyso biyona kaama maydhaan”. Waa halkudhig ku jira hees, Alle ha u naxariistee, uu curiyey abwaankii weynaa ee Cabdi Iidaan Faarax, uuna ku luuqayn jiray, isagana Alle ha u naxariistee, fannaankii caanka ahaa, Maxamed Axmed Kuluc.

Maansada “Ay daba-dhidhii” ee aynu qayb ka mid ah kor ku soo qornay iyadana waxa ku jira beydad halkudhig ah oo da’yarta u digaya. “Caashaq oo dhami sida la moodayo ma aha ee qaar baa khasaare weyn laga dhaxlaa” beydad dulucdooda lagu soo koobi karo weeyi, waana kuwan:

 

  • Caashaqa midbaa,      
  • Ceeb laga dhaxlaa.         

 

VI.Dareenkii daawadayaasha

Dadkii daawashada ruwaayadda ugu soo talo-galay, oo dhallinyar u badnaa, waxa laga dareemayey xiise dheeraad ah. Waxa ay aad u danaynayeen bal in mar uun la bilaabo si ay u arkaan dhacdooyinka maqalka iyo muuqaalkaba leh ee ruwaayadda ku jira.

Ruwaayaddii waa la bilaabay. Markii hore waa la wada aamusay, hase yeesho ee in yar ka dib ba waxa la arkayey daawadayaasha oo mar qoslaya, mar qisada ruwaayadda ka wada sheekaysanaya, marna inta ay wax u bogaan sacab tumaya.

Meelaha sida aadka ah loogu qoslay waxa ka mid ahaa markii uu Haarayuub saaxiibbadiisii ay isku ardayda ahaayeen u yimi ee ay ku yidhaahdeen, maanta dhar iyo kabo qurux badan ayaad xidhan tahay, isna uu u sheegay in uu dhammaantood soo ammaanaystay;  markii uu saaxiibkiisii yaraa ka soo horjeestay; markii uu Sheekh Dhakabiye Haarayuub gabadha u meherinayey iyo marar kale.

Markii lagu dhowaaday dhammaadkii ruwaayadda ee inantii ay qisadu ku socotay ay fooshu qabatay waa tii Hosbitaalka la geeyey; waa tii la yidhi, miskaheeda ayaa yar yar oo ma ummuli karto, oo waa la qalayaa.  Waa tii qalliinkii la saxeexay. Markii danbena waa tii la sheegay in ay dhimatay. Intaa ka dib, dadkii ruwaayadda daawanayey marna qoslayey marna sacabbinayey waa ay aammuseen. Markii aan aammuskaa dareemay ayaan hareerahayga eegay, mise qof hadlayaaba ma jiro. Waxaad moodaysay in la wada naxsan yahay. Waxaad moodaysay, sida ay arrintaasi dareenka daawadayaasha u taabatay, in ay geeri dhab ahi dhacday. Iyadoo xaaladda sidaas ah lagu jiro ayaa uu inanta abtigeed qaaday heestii u danbaysay, dabadeedna ruwaayaddii ayaa sidaas ku dhammaatay.

Markii ay ruwaayaddu dhammaatay waxa bilaabmay doodo, fikrado, iyo faallooyin xiise iyo xammaasad ba leh. Sidoo kale, weydiimo ciiddaa ka badan ayaa abwaankii ruwaayadda curiyey oodda lagaga qaaday. Isna malaha in uu u jilibdhigo su’aal kasta oo ruwaayadda laga weydiiyo waa uu ugu soo talo-galaye, weydiin kasta meel buu ku tiiriyey, sidii ay la ahaydna waa uu uga jawaabay. Faallooyinkii iyo fikradihii daawadayaashu waa ay badnaayeen. Hase yeesho ee haddii aynu soo koobno waxa ka mid ahaa in abwaanka laga codsaday ruwaayad sidan oo kale u nidaamsan oo waxbarashada ku saabsan in uu sameeyo. Sidaa si ka duwan, arrimaha ay ruwaayaddu ku saabsanayd waxa wax ka tiri Xaawa Jaamac Cabdi, oo aragtideeda maanso qiime badan ku muujisay. Maansadaas oo ah mid dheer waxa ka mid ah:

  • Ahey ubadkaygiiyow,
  • Ammaan aan sal lahayn,
  • Ulasho aan arrin lahayn,
  • I daya aan ujeed lahayn,
  • ………………………
  • Aroos aan aqal lahayn,
  • Miyaad aayaha ku sugi?!

Waxa kale oo ka mid ah beydadkan soo socda oo ay abwaan Axmed Aw-Geeddi ku xusayso kana soo xiganayso beydka“Abaydin abaydin dhalay” oo beyd ahaantiisa iyo magaca ruwaayadda ee uu u taagan yahay marka laga tago, maalmahan danbe noqday halkudhig caan ah, oo ay dhallinyarada qaarkood soo qaataan guur iyo arrimaha la xidhiidha mararka ay sheekadoodu u gudubto:

  • Abwaan Axmed baa yidhee,
  • Abaydin abaydin dhalay,
  • Allaylehe eel xun iyo,
  • Ummuur xoogluu askumay,
  • Bal eeg aasaaskii guur,
  • Ololka urugada ka shidan!

Dhallinyarada faraha badan ee ruwaayadda daawanaysay, mid ba heerka uu doono ha ka gaadhee, in ay ahaayeen dhallinyar tacliin wanaagsan leh ayey u muuqdeen, codkarna waa ay u badnaayeen. In ay arrintu sidaas ahaydna waxa aan ku gartay qaabkii ay su’aalaha, fikradaha iyo faallooyinka u gudbinayeen.

Isku soo wada duub oo “Abaydin abaydin dhalay” waxa ay noqotay ruwaayad xiise leh, oo dadkii daawanayey ay aad iyo aad ugu bogeen, ugana heleen.

 

VII.Gebaggabo

Ruwaayaddan “Abaydin abaydin dhalay” qof kasta oo daawada saamayn bay ku yeelanaysaa. In badan baa la xusuusnaan doonaa, kaydka suugaanta ee waqtiganna baalasha hore ayey ka geli doontaa. Saddex arrimood baa, sida ay ila tahay, heerkaa sare gaadhsiinaya:

  1. Murtida ku jirta oo ah mid culus.
  2. Muuqaallada ku jira oo hab filim u nidaamsan, kuwaas oo si walba uga wanaagsan ugana saamayn badan kuwii lagu yaqaannay ruwaayadaheennii hore. Ruwaayadaheennii hore masraxu meel keli ah uun buu ahaa. Meeshaas uun baa mar xafiis lagu meteli jiray, mar guri, marar kalena kolba degaankii loo baahdo. Marka hadal ama murti in la sheego ay arrintu joogtana makarafoonno meel ku rakiban uun baa la is hor taagi jiray, kolkaas baa tix ama tiraab wixii loo baahdo halkaa laga sheegi jiray. Dhaqdhaqaaq ama socsocod muu jirin ee sida tiirka uun buu qofku taagnaan jiray. Ruwaayaddani maaddaama ay qaab filim u samaysan tahay dhacdooyinka iyo muuqaallada si dhab ah ayaa loo metelayaa oo xataa inta mararka qaarkood gaadhi la kaxaysto ayaa meeshii loo baahdo la tegayaa, hadalkana kolba xaaladda ku habboon ayaa la waafajinayaa.
  3. Qaabka jilidda oo waafaqsan kolba xaaladda la joogo.
  4. Ruwaayadda oo ku saabsan xaqiiqooyin jira oo aan arrimaha nolosha go’doon ka ahayn.

Ugu danbayn abwaan Axmed Aw-Geeddi Maxamuud “Dheeraad” waan ku hambalyeynayaa shaqadaa qiimaha badan ee uu qabtay, dhammaan dadkii ka qayb qaatayna waxa ay mudan yihiin mahadnaq iyo qaddarin aan la koobi karin.

_____________________________________

Raadraac: maansooyinka abwaanka qaarkood.

Khaalid Jaamac Qodax (2011): BAADI-SOOC: Suugaan Dhiganaha Axmed Aw Geeddi, Ponte Invisible. Redsea-online.com.

 

Qalinka: Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com,

Hargeysa, Somaliland.

COMMENTS
Latest News