Maalmahanews.com
War deg-deg ah: Wasiirkii hore ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo Burco Ku Geeriyooday
April 6, 2016 - Written by admin

-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Burco-(Maalmaha)- Alle ha u naxariistee Waxa Maanta ku geeriyooday Magaalada Burco Marxuum Dr, Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirkii hore Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo xilal kale oo tiro badana ka soo qabtay Xukumadihii kala danbeeeyey ee Somaliland.
Marxuum Dr. Cabdi Aw daahir Cali ayaa sida la xaqiijiyey lagag soo Booday Wadnaha isagoo saacado kadibna ku geeriyooday Dhkahtarka masaarida ee Burco, waxana Maydka Marxuumka Markiiba la dhigay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco.

1952 kii ayuu Marxuumku ku dhashay Degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer, isagoo Malcamad qurankisi iyo dugsigiisi hoose ba halkaas ka bilaabay, Dugsigi Dhexe wuxu ku dhigtay Magaalada Oodweyne, isago Dugsigiisi sarena kaga Baxay Degmada Sheekh, Jaamacaddiisii Wuxu Marxuumku ku dhammaystay Muqdisho Isago ka qalinjebiyey Jaamacadda Lafoole, Marxuumka ayaa ifka kaga Tagay laba Xaas iyo 10 Carruur ah, isagoo 3 habeen ka hor xaaskiisa 2aad la aqal galay, Marxuumka ayaa Sideetanaadki ku Biiray Ururki SNM, isagoo Noqday Guddomiyihii Dhkhaatiirta SNM, 1991 kii Wuxu noqday Agaasimihii Cisbitaalka Burco, Muddo kadib Marki la aasaasay Xisbiga UDUB Waxa uu noqday Xoghayihii Guud ee Xisbigaasi, isagoo Wasiirkii Caafimaadka ka noqday xukuumaddii Marxuum Cigaal, Muddo kadibna Waxa uu Marxuumku ku biiray Xisbiga Hadda Talada Dalka hayya ee Kulmiye isagoo xilal kala Duwan ka Qabtay Xisbigaasi, kana mid noqday Golihi Dhexe Kulmiye, Waxa markii ay xukuumadda Madaxweyne siilanyo Hogaamiyo Dhalatay Loo magacaabay Wasiirki Xannaanada Xoolaha Somaliland, iyadoo muddo kadiba laga bedelay Wasaaraddas loona magacaabay Wasaaradad Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxana muddooyinkii u danbeeyey uu ka shaqaynayey magaalada Burco isagoo dadka ku daweyn jiray Goob caafimaad oo magaalada Burco caan ka ah oo uu muddo badan ugu adeegi jiray Bulshada, waxana u shaqadiisa dhakhtarnimo ku soo laabtay kadib markii uu dabayaaqadii bishii 10aad ee sannadkii hore iska casilay xilkii wasiirnimo ee u ka hayey xukuumadda madaxweyne siilaanyo isagoo ka mid ahaa wasiiro tiro badan oo xukuumadda wakhtigaas iska casilay isla markaasna la baxay isbahaysiga kulmiye.
Marxuumka ayaa aas qaran loogu samayn doonaa magaalada Burco
Inalilaahi wa ina ilayhi raajicuun

 

lol

Maalmaha/Burco

 

COMMENTS
Latest News