Maalmahanews.com
Gabay Baroor-Diiq Ah Oo Abwaan Sacad Ka Tiriyey Geerida Marxuum Cumar-Saalax
April 5, 2016 - Written by admin

Gabayga barroordiiq ah oo  Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile ka tiriyey geerida marxuum Cumar-saalax ku timid oo la magac baxay JIMCADU GALBODAY, ayaa abwaanku waxa uu ku sifeeyey in geeridii naxdinta lahayd ee ku timid walaalkii ama inaadeerkii Marxuum Cumar Cabdi Xasan (Cumar-saalax) illaahay naxariistii janno haka waraabiyee oo lagu aasay Magaaladda hayderban ee carriga dalka Hindiya, taariikhdu markay aheyd 31/04/2016.

Abwaan Sacad waxaanu ku bilaabay sidan:
Gabaldhacay wadnaha oon garnayn, goor danbiyo laylkii
Sida xuur wadkeed galay waxaan, wada galluubnaano
Ama guluf collaadeed kolkuu, go’ay la yaacaayey
Ama sida gammuun qaarad kale, gannan la soo tuuray
Ama guban abaartii sidii, gaban u ooyaayey
Ama telifan sida koorta geel, gininig laynaayey
Gurxankayga laabtii waxay, gululum laynaysay
Qarqarsiga sidii awr gar weyn, gommodda qaadaynin
Hayderaban geyiga durugsanaa, goobta lagu aasay
Dalka aanan gaadhayn miyaan geedna ii muuqan?
Geeriyahay dadkii waad gurtee, garab miyaad goysay
Ma suldaankii baa geeri ba’an, goonni ula joogay?
Galiilyoda jamaalow qalbigu, gawda ladi wayday
Indho gabadhle murugadaan ilmada, gobo’da kaa haysa
Yaxyow galgaladkii hurdada, Gama la’aantayda
Faysal oo gab soo yidhi garriir, gibil ma hoos jiifay
Geeriyahay dadkii waad gurtee, garab miyaad goysay?
Goodaad adeerkay miyuu, geelle iga raacay
Giddigood jannada eebbe gee, waa god aakhiro’e
Ga’da gabay guhaankii miyaan, gabaygi dayn waayey
Maatiduu gargaaraayey iyo, gacantuu siinaayey
Ama gurrada wada saarayee, naga gunnaynaayey
Gabbood wuxuu cabdow noo ahaa, garab wallaaleede
Maantaan halkii garanayaa, gaadh ahaan jiraye
Gob miyaan la guranayn midhihii, guudka bixinaayey
Gahgahduu qoslaayiyo farxaan, gees bannaynaayey
Ama sheeko googoos kaftana, gole ka maadeeyey
Giraantii la soo meerin jiray, gelengel weeyaane
Guntiguu xidhnaa hawlkarnimo, gudasho hawshiisa
Ama guri cas kuu oodi jiray, guul ka dhallinaayey
Shirkadduhu gardaadshiyo wuxuu, galacda waa toosay
Geeriyahay dadkii waad gurtaye, garab miyaan waynay
Goodaad adeerkay miyuu, geelle iga raacay
Belwad gawska jaad muu ku cunin, laacib waad garane
Kubbad xeegadii uu girgirin, gudub u rooraayey
Garoon sacabka loo tumo ciyaar, gool wuxuu dhaliyey
Geeriyeey dadkii waad gurtaye, garab miyaad gooysay
Guurtiduu ahaan jiray intuu, goob iskugu geeyo
Gartuu gooyo iyo hadal runtuu, gaw ku siinaayey
Garwaaqsiga asxaabtii siduu, ugu guddoomaayey
Geeriyahay dadkii waad gurtaye, garab miyaad goysay
Xaq anoon giriifayn illaah, geeridani keenay
Gaadaay adduunyooy ileyn, gelinba waa cayne
Eebbow wixii aan gefnana, yaan la nagu giijin
Qur’aankii qalbiga uu geshiyo, diintu garranaayey
Iyo camalkii uu goor kastaba, gudan salaadiisa
Illaahay jannada gogol xariir, kuu abaal gudiye
Godku waasac kuu noqay illaah, kugu gargaarsiiye
Guddahii fardows lagu dhex gee, gallad niciimaade
Geeddi dheer qur’aankoo macaan, noqoy gasiinkaaye
Muslimkii gelbinayiyo ergadii, gurigu kuu nuure
Oo guul raxmaankii ku sii, garo su’aashiiye
Gurmadkiyo malaa’iig illaah, lagu guddoonsiiye
Jimcaduu galboday khaaliqow, noqay mid guulaysta

AAMIIN, AAMIIN

COMMENTS
Latest News