Maalmahanews.com
Tacsi: Tiiraanyo-leh Allah Ha U Naxariistee Waxa Maanta Geeriyooday Cumar Cabdi Xasan (Cumar-Saalax)
March 31, 2016 - Written by admin

FB_IMG_1459393043478-1Hyderabad(Maalmahanews)-Allaha u naxariiste waxaa arooryadii hore ee Saaka oo ah maalin khamiis ah, taariikhduna tahay 31.03.2016 ku geeryooday magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya Cumar Cabdi Xasan Roodhiile oo ku magac dheeraa (Cumar Saalax) oo siweyn loo yaqaan gayiga Soomaaliland iyo guud ahaan dhulka Somalida. Marxuumka ayaa mudo sanad iyo dheeraad ahba xanuun u jiifay Isbitaal ku yaal hindiya.

Geerida Marxuumka waxaa Shabakada Maalmahanews Media u xaqiijey walaalkii Suldaan Cali Cabdi (Cali Jeero).

Cumar Saalax wuxuu kamid ahaa dhalinyarada magaalada Hargeisa iyo Ciyaartowgii soo maray taariikhda Somaliland kuwii ugu caansanaa uguna magaca waynaa, gaar ahaan Sanadihii 1994-2000, isagoo ka mid ahaa kooxihii Kubada Cagta ee NPP iyo NDC. wakhtiyadii uu Marxuum cumar saalax ka fadhiistay ciyaarta kubada cagta wixii ka dambeeyeyna wuxuu ka mid noqday dhalinyarada Soomaaliland ee Ganacsiga dhex galay.

Bahda Maalmahanews media waxay tacsi u dirayaan dhamaan qoyska iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumku, rabbi janadiisi haka waraabiyo aamiin. Marxuum Cumar Saalax wuxuu ifka kaga tagay 6 caruur ah iyo Hooyadood.
Waxaanu insha allah maalmaha soo socda idiin soo gubin doonaa taariikh nololeedkii Marxuun cumar saalax oo dhamaystiran
Maalmahanews
Info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News