Maalmahanews.com
Siyaasaddda Ucid, Bilow ilaa Dhamaad. Halkay Isla mari doonaan Faysal Cali Xuseen Iyo Jamaal Cali Xuseen
March 28, 2016 - Written by admin

Taariikhda Xisbiga UCID.

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID waa mid ka mid ah Saddexda Xisbi Qaran ee ka jira Dalka Somaliland, Waana Xisbiga ugu dada weyn marka la eego Labada xisbi ee kale.

 

Xisbiga waxa la aasaasay 18ka Bishii August sanadkii 2001, Waa wakhtigii la bilaabay Furashada Axsaabta Siyaasadda ee Somaliland, Ka dib Aftidii lagu ansixinayey Dastuurka. UCID waxa uu ku soo baxay Kaalinta saddexaad ee Dooroshadii Goleyaasha Deegaanada ee Somaliland ka dhacday Dabayaaqadii 2002dii. Xisbiga UCID waxa uu ka qayb galay 5 Doorosho oo ka dhacday Somaliland (2 Doorasho Madaxtooyada ah, 2 Goleyaasha Deegaanada ah, 1 Golaha Wakiilada ah). Xisbigan Ayaa ahaa mid mar walba ka galay Dooroshooyinka Kaalinta 3aad ama Kaalinta ugu dambaysa.

 

Marka la Eego Dooroshadii Goleyaasha Deegaanada 2001dii ka dhacday Dalka oo ahayd tii ugu horaysay ee Somaliland ka dhacday waxa lagu sifayn karaa in uu Loolan adag la galay Ururo Siyaasadeed mug iyo Miisaan lahaa marka xaga Siyaasadda la eegayo sida Urur Siyaasadeedkii ASAD oo uu hogaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadan (Guddoomiyaha Wakhtigan ee Golaha Guurtida), isla markaana ay ku wehelinayeen Siyaasiyiin Mug iyo Miisaan ku leh Saaxada Siyaasadda sida Muj. C/raxmaan Aw Cali Faarax (Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Somaliland), Muj. Maxamed Kaahin Axmed (Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbul xaakimka Kulmiye), Allaha u naxariisto ee Fuaad Aadan Cadde iyo Siyaasiyiin kale oo Miisaan leh, Urur Siyaasadeedkii SAHAN ee uu hogaaminayey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Kuna wehelinayeen Siyaasiyiin mug leh iyo Qaar kale. Urur Siyaasadeedkii UCID ayaa Wakhtigaasi Kuraas badan kala soo baxay Goleyaasha Deegaanada ee Somaliland kuna soo gaadhay Kaalinta 3aad, taasina sababtay in uu u soo wareego Darajada Xisbi Siyaasadeed, waxana Xisbinimada ku wehelinayey Xisbigii UDUB oo Kaalinta Koowaad Galay iyo Xisbiga KULMIYE oo Kaalinta Labaad galay.

 

Aasaaska Xisbiga UCID ayaa Waxa Guddoomiyaha Xisbiga UCID wakhtigaasi ilaa imika ahaa Eng. Faysal Cali Waraabe, Waxana uu ahaa Xisbigu mid soo maray Marxalado kala duwan.

 

Bishii January sanadkii 2003dii waxa qabsoomay Kal Fadhigii Koowaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Waxana lagu soo xulay Musharixiintii uga qayb gali lahayd Dooroshadii Madaxtinimada. Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe ayaa loo xulay Musharaxa Madaxweynaha Halka Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka loo soo xulay Allaha u Naxariisto Axmed Cabdi Siciid. Bishii April ee Sanadkii 2003dii Ayaa markii koowaad Somaliland looga dareeray Goobaha Codbixinta Dooroshadii Madaxtinimada oo ahayd midii ugu horaysay ee lagu doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, Surtagal ma noqon in uu Xisbiga UCID ku guulaysto Hanashada talada Dalka, iyadoo Dooroshadaasi uu ku guulaystay Xisbigii UDUB oo ay ka sharaxnaayeen Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku Xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin, Xisbiga UCID-na Doorashadaasi Wuxuu ka galay Kaalinta saddexaad. UCID ma noqon Xisbi ku niyad jaba Guusha laga helay balse Wuxuu adkaystay dhidibadiisa si uu ugu diyaar garoobo Dooroshadii Golaha Wakiilada ee 2005tii ka dhacday Dalka. Sanadkii 2004tii ayuu Xisbigu Shirkii labaad ee Golaha Dhexe ku qabsaday Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, halkaasi oo Xisbiga dib u habayn ugu diyaar garoobayo Dooroshada sameeyey.

 

Bishii September sanadkii 2005tii ayaa Xisbiga UCID mar kale ka qayb galay Dooroshadii saddexaad ee Dalka ka dhacday (Dooroshadii Golaha Wakiilada), waxana tartan adag oo uu la galay labada Xisbi ee UDUB iyo Kulmiye uu ka helay Golahaasi Wakiilada 21 Xildhibaan (21/82), xisaabta Boqolayda (Percentage) ku noqonaysa 25.6%. Xisbiga UCID.

 

Dooroshada Golaha Wakiilada oo Mucaaridku Aqlabiyada Kuraasta helay (59.75%) Ama 49 Kursi ayaa waxa Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee UCID iyo Kulmiye oo mucaarid ahaa ay samaysteen Isbahaysi Siyaasadeed (political coalition) iyagoo doonayey in ay Shir Guddoonka Golaha Wakiilada Gacanta ku dhigaan. Wada hadalo Siyaasadeed oo muddo socday ka dibna waxay isku af garteen in Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Loo Caleemo Saaro C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro (Guddoomiyaha wakhtigan ee Waddani isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada) kana soo baxay Xisbiga UCID, halka Labada Guddoomiye ku xigeen ay qaataan Xisbiga Kulmiye (C/Casiis Maxamed Samaale iyo Baashe Maxamed Faarax). Iyadoo Isbahaysiga Mucaaridnimo uu guulaystay.

 

26-June-2006dii Xisbiga UCID Wuxuu magaalada Hargeisa ku qabsaday Shirweynihii Labaad ee Xisbiga UCID waxana mar kale Guddoomiyenimada loo cumaamaday Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Axmed Cabdi Siciid(Allaha u Naxariisto), Iyadoo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga loo cumaamaday Dr. Maxamed Cismaan Fadal (Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Waddani wakhtigan), Xoghayaha Guud ee Xisbigana waxa loo doortay Maxamed Xasan Baashe (Talaata Codle), ku xigeenka Xoghayaha Guud Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro (Guddoomiyaha Golaha Wakiilada).

Xisbiga UCID oo Sidan u Dhisan Wuxuu isu diyaariyey Dooroshooyinkii Madaxtinimada in ay dalka ka qabsoomaan iyadoo uu Kuraas fiican ku leeyahay Golaha Wakiilada, Inkastoo La filayey in ay dhacdo Doorashadu sanadkii 2008dii hadana ma dhicin, Khilaafyo hor lehna ay sababtay, wallow heshiis markii ugu horaysay ay Beesha Caalamku qayb ka ahayd ka dib lagu heshiiyey qabsoomida Dooroshooyinka isla markaana muddo kordhin (extension) la siiyo Dawladii talada dalka haysay ee UDUB.

 

Muranka iyo khilaafka Dooroshooyinka ka sakow, Xisbiga UCID ayaa Wuxuu isku diyaariyey Qabsoomida shirkii Saddexaad ee Golaha Dhexe, sanadkii 2009kii ayaa Xisbiga UCID mar kale qabsaday Shirkii Golaha Dhexe Waxana lagu Doortay Musharixiinta ka qayb gali lahayd Dooroshada, Musharaxa Madaxweyne ayaa loo caleemo saaray Eng. Faysal Cali Waraabe xaga Musharaxa Madaxweyne ku xigeen loo caleemo saaray Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan. Halka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga oo banaanaatay loo caleemo saaray Wasiirkii Gaashaandhiga ee Dawladii UDUB AHN Aadan Maxamed Mire (Waqaf) .

 

Dooroshadii 2010kii Xisbiga UCID ma noqon mid mar kale ka midho dhaliya hankii uu ka lahaa ee uu ku rabay in uu Aqlabiyada shacabka hanto, taa bedelkeeda mar kale Wuxuu noqday xisbigii ugu hooseeyey. Guushii Xisbiga Kulmiye ku hantay Kursiga Madaxtinimada iyo Guul daradii Xisbiga UCID ka dib Musharixii Madaxweyne ku xigeenka ee UCID Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Wuxuu ku laabtay Xisbiga Kulmiye iyadoo loo magacaabay La taliyaha Madaxweynaha ee Ictiraaf raadinta, Markii Dambena Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada oo uu wakhtigan yahay. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Kooxdii Xisbiga ee kalena shirar hoose oo la isku weydiinayo sababta keentay guul darada ayaa u qabsoomay. Wallow Kala fikir duwanaashaha Siyaasadda, Muranka iyo khilaafku si hoose u socday, Badhtamihii sanadkii 2011kii ayuu si rasmi ah u qarxay Khilaaf mug leh oo soo kala dhex galay Xisbiga UCID oo ku Aadanaa Qabsoomida Kal Fadhigii Golaha dhexe ee Xisbiga UCID iyo Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga UCID. Hogaanka Xisbiga, Guddida Fulinta oo mar kali ah fadhistay waxay shaaciyeen in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, taasi waxay keentay in khilaaf mug leh ka dhex qarxo Asxaabtii UCID. Khilaafkii Xisbigu Wuxuu noqday mid maaro loo waayey, waxana uu sababay in loo gudbiyo Maxkamada Sare ee Somaliland (Supreme Court). Go’aan muddo loo dhag taagayey ka dib Maxkamada Sare waxay Go’aamisay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee sharciga ah uu yahay Eng. Faysal Cali Waraabe, Taasi Waxay si toos ah uga cadhaysiisay Garabkii kale ee Xisbiga oo uu hogaaminayey AHN Aadan Maxamed mire (waqaf) oo Hogaaminayey Garabka kale. Waxayna hal maalin ku dhawaaqeen in ay iska casileen Xisbiga UCID isla markaana aanay miis dambe la soo fadhiisan doonin Faysal cali Waraabe iyagoo dusha ka saaray Eedaymo badan. Wakhtigaasi Xisbiga Ragii iska casilay waxay ahaayeen tiir dhexaadka xisbiga UCID ku dhaqaaqayey, waxa ka mid ahaa Aadan Maxamed Mire (Waqaf) AHN, C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro, Maxamed C/laahi Uurcade, Dr. Maxamed Cismaan Fadal, C/laahi Daamur, Xuseen Xasan Codyare, Maxamed Xasan Baashe (Talaata Codle), C/laahi Siciid Dheere AHN, Fagfaagsh, Muuse Inji, Cismaan Afgaab iyo qaar kaloo badan.

 

Garabkii Xisbiga ka Goostay waxay heleen fursad Siyaasadeed (political opportunity), maadaama wakhtigaasi ahayd xilligii la furayey ururada Siyaasadda ee Somaliland waxayna intooda badan isugu biyo shubteen Urur Siyaasadeedkii WADDANI. Xisbiga UCID Wuxuu noqday Faysal Cali Waraabe oo bilaa wehel ah. waxa aad u tiro badatay Ururada Siyaasadda ee la furanayey wakhtigaasi iyadoo uu Faysal cali Waraabe aad uga soo horjeeday Ururada. Arimo badan oo is biirsaday ka dib, Khilaaf ayaa ka dhex qarxay Xisbigii UDUB waxana ay fursad siyaasadeed u noqotay Faysal Cali Waraabe oo Kaligii Siyaasi muuqda ka soo hadhay Xisbigii UCID, waxana uu wada hadalo siyaasadeed la galay Garab Uu hogaaminayo Musharax Wakhtigaasi lacag hayey Jamaal Cali Xuseen, kaasi oo Xisbigii UDUB isku qabtay in uu la wareego Musharaxnimada ka dib markii rag wax badan taariikhda UDUB ogaa oo miisaankooda lahaa ay isku dayeen in ay ku qabsadaan, ragaasi oo uu hogaaminayey Cali Maxamed Warancadde (Wasiirka Daakhiliga) oo hogaaminayey rag u badnaa Wasiiradii Dawladii Madaxweyne Rayaale, isla markaana Rayaale uu ku taageeray Hankooda, wallow uu markii dambe ka shaleeyey. Dabayaaqadii isla sanadkii 2011kii ayaa mar kale Xisbiga UCID qabsaday Shir Gole Dhexe iyadoo Guddoomiye Faysal cali Waraabe mar kale la caleemo saaray, Balse siyaasiyiin saaxada ku cusbaa loo caleemo saaray Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad kuwaasi oo ka soo kala jeeday Gobolada Awdal iyo Sool.

Wada hadalada Siyaasadeed ee u furmay Jamaal Cali Xuseen (UDUB) iyo Faysal Cali Waraabe (UCID) waxay ahaayeen qaar bilaabmay badhtamaha sanadkii 2012kii waxana wakhtigaasi soo dhawayd Dooroshadii Goleyaasha Deegaanada, Ururo badan oo Siyaasadeed way jireen oo loolan iyo tartan xoogan ku jiro, uuna ugu horeeyo Ururkii WADDANI oo ka mid ahaa Tarankii UCID, isla markaana Faysal cali Waraabe uu diyaar u ahaa in uu cir iyo dhulba ku fashiliyo. Wada hadalo bilowday ka dib waxa lagu gaadhay heshiis degdeg ahaa oo Dhawr qodob ka koobnaa. Afar Qodob oo Jamaal iyo Faysal ku heshiiyeen waxay ahaayeen.

 

  1. Labada dhinac waxay isla garteen, in tirada golaha dhexe la balaadhiyo oo la dhigo 251-xubnood. Tiradaas waxa loo kala yeelan doonaa: 100 xubnood oo Xisbiga UCID ah, 100 xubnood oo ay yeelan doonaan garabka cusub ee ka yimid UDUB iyo 51 kayd ahaan doona. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla meel dhigeen in dhammaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qeybsadaan.

 

  1. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen, iyada oo laga duulaayo xeerkii cusbaa ee lagu ansixiyey shirweynihii Xisbiga UCID ee sadexaad, kaas oo dhigayey in la kala saaro guddoomiyaha Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweynanimada ee xisbiga, sidaa daradeed waxa la isla gartey inuu Md. Jamaal Cali Xuseen uu yahay Musharaxa rasmiga ah ee Xisbiga UCID uga qeyb galaya doorashada madaxtooyada ee qorsheysan inay qabsoonto sanadkan 2015 Mudane Jamaal, isaga oo la tashanaya guddoomiyaha Xisbiga wuxuu dooran doona murashaxa u tartami doona xilka madaxweyne ku xigeenka.

 

  1. Labada dhinac waxay heshiiskan ku xaqiijinayaan, in hogaanka Xisbiga ee uu hormuudka uu yahay guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ee lagu doortey shirweynihii Xisbiga ee sadexaad ay sidooda ahaanayaan. Waxa ku soo kordhaaya hogaanka Xisbiga labada xubnood oo kala ah Xoghayaha guud ee Xsbiga iyo guddoomiye ku xigeenka sadexaad oo ka iman doona garabka cusub ee Jamaal Cali Xuseen.

 

  1. Labada dhinac waxxay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo hawlgeliyo, guddi qabanqaabo oo ka shaqeysa qabsoomida Kal-fadhiga Afraad ee Golaha dhexe ee Xisbiga UCID iyo shirweyne guud oo aan caadi ahayn. Shirka Golaha dhexe iyo shirweyanaha Xisbigu waxay ansixin doonaan dhamaan-ba qodobada heshiiskan, Sidoo kale waxay maal marinayaan wixii kaabis iyo wax ka bedel ah ee lagu sameeyey xeerka guud ee Xisbiga UCID

 

Muddo kooban ka dib, Xilalkii Banaanaday waa la soo buuxiyey. Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad Waxa loo magacaabay Afhayeenkii UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Xoghayaha Guud waxa loo caleemo saaray Axmed Ismaaciil Aadan (Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland). wada tashi ka dibna Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka UCID waxa loo caleemo saaray C/rashiid Xasan Mataan.

Dooroshadii Goleyaasha Deegaanada Somaliland ee 2012kii ayaa tartan uu Xisbiga UCID si dhakhso ah ugu diyaar garoobay ka dib, Wuxuu mar kale Xisbigu ku guulaystay in uu xejisto Kaalintiisii Xisbinimo iyadoo mar kale la siiyey shahaadadii Xisbinimada. Sanadkii 2013 baa bilowday, Siyaasadu aad uma kululayn intii hore, Madaxweyne Siilaanyo iyo Dawladiisa Kulmiye Mucaarid qabow bay heshay, haba dhacaan Eedaymo yaryar oo is weydaarsado ee, UCID wuu iska bad qabay, Musharixiinta la doortay waxay safaro tamashle u badan ugu baxayeen Dalalka Dibada, Guddoomiye ku xigeenadii 1aad iyo 2aad ee Xisbigu maqaar saar bay noqdeen, saaxada Siyaasadda laguma arag, Xisbigu Wuxuu noqday mid Faysal Cali Waraabe iyo Cali Guray uun ka soo muuqdaan, Maxaa Dambeeyey?

 

Badhtamihii sanadkii 2013 Dawladda Kulmiye waxay wajahday Mucaarid uu soo abaabulay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Waa kuwama? Waxa Kowdii bil Ramadaan ku dhawaaqay Gole Siyaasadeed Mucaarid ah Oo la magac baxay Golaha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Siyaasiyiin u badnaa kuwo ka cadhooday Shirkii Golaha dhexe ee Xisbul xaakimka Kulmiye oo iskaga baxay, qaarkood Ururo Siyaasadeed ay furteen, balse aan ku najixin in ay soo baxaan, Waa saaxiibadii ugu waaweynaa Madaxweyne Siilaanyo ee Xilligii Halganka, waa ragii Mujaahidiinta ahaa ee SNM. Ibraahim Dhagaweyne, Xasan Ciise, Xasan Guure, Maxamed Xaashi Cilmi, iyo rag kaloo badan baa saaxada ku soo noqday iyagoo Gole soo dhistay, waxana abaabulkooda lahaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo saluugsanaa wada hadaladii somaliland iyo Soomaaliya ee 2012kii lagu baaqay, oo laga saaray Guddidii wajahaysay, iyo sidoo kale habacsanaan maamul oo wakhtigaasi jirtay. Aan ku soo noqdo Mawduuca ee Musharaxii la caleemo saaray ee UCID Jamaal cali Xuseen ma noqon mid saamayn ku yeesha Xisbigii UCID, sababtu waxay ahayd Doorashada Madaxtooyadu ma dhawayn, wakhti badan baa ka hadhsanaa, Wakhtigiisii Ma ahayn.

 

Sanadkii 2014 baa bilowday, UCID waa Sidii, Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe Muran baa ku dhex maray qaabka Doorashada loo waajahayo, maadaama hal sanno hadhsanayd, Faysal Wuxuu soo jeediyey in Dooroshada Baarlamaanka la soo horaysiiyo, Jamaal wuu ka biyo diiday, Wuxuu codsaday in Madaxtinimada la soo horaysiiyo, ama mar la is wada raaciyo. Hada ogow sababta Muranka keentay waa Khilaafkii Xisbul xaakimka Kulmiye oo wakhtigaasi aad u shidnaa.

 

Ogow Sababaha uu Guddoomiye Faysal u watay in Dooroshada Golaha Wakiilada la soo horaysiiyo ayaa ahayd Khidad siyaasadeed oo uu ku jilaafaynayo Jamaal, kuna wareemayo Guddoomiye Ciro isagoo rabay in Uu dhisto Gole dhexe, Xubno u soo galaan baarlamaanka maadaama uusan xildhibaano ku filan ka haysan Golaha Wakiilada oo ay raaceen Guddoomiye Ciro, ka dibna si fudud ay ula khaarajiyaan Jamaal Cali Xuseen. Sidoo kale kala fikir duwanaansho ayaa dhawr jeer ka soo muuqatay Hay’adaha Warbaahinta taasi oo u dhaxaysay Guddoomiyaha iyo Musharaxa. Ka sakow Musharax Jamaal waxa saaxada marnaba aan ka soo muuqan Musharixii Madaxweyne ku xigeenka ee C/rashiid Xasan Mataan oo inta badan dalka dibadiisa ku maqnaa intii hawlahan dhacayeen. Isla sanadkan waxa Jamaal uu waayey Garbo muhiim u ahaa Hankiisa sida Xoghayihii Xisbiga Axmed Kayse, Afhayeenkii Muuse Ismaaciil Cabdi , Xoghayihii Arrimaha Dibada oo ay isu bedeleen Maxamed Haaruun Biixi iyo Yuusuf Budle, Xoghayihii Arrimaha Gudaha Cabdi Saleebaan Mingiste, Xoghayihii Maaliyadda Faadumo Siciid iyo qaar kale kuwaasi oo ahaa Halbawlihii Jamaal iyo C/rashiid isla markaana ku kala biiray labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE.

 

Sanadkii 2015 ayaa bilowday, Dooroshadii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada ayaa soo dhawaatay, wakhtigan waa wakhtigii ay shaqayn lahaayeen Musharixiinta Xisbiga UCID, wallow ay dib u dhacday Dooroshadu, Golaha Guurtiduna ku dhawaaqay Muddo Kordhin, hadana kaalintii Musharixiinta UCID ee 3 sanno ka hor Xilliga Dooroshada Madaxtooyada la caleemo saaray waxay noqotay mid ku kooban Dhaleecayn iyo Eedaymo ay u jeedinayeen Dawladda iyo Guurtida. Muran badan ka dib 27 May 2015, Waxaa dhacay heshiis weyn oo aan sharci ahayn saddexda xisbi ku soo afjareen khilaafkoodii siyaasiga ahaa ee muddada Dooroshada la xidhiidhay, waxa UCID u matalayay Faysal Cali waraabe, halka musharaxii xisbiga laga garbiyay dhacdooyinkan oo dhan.

 

Musharixiinta Xisbiga UCID oo inta badan arrimaha Hawlaha Xisbiga iyo Guud ahaan Dooroshooyinka ka ah maqaar saar, ayaa  12 August 2015  Maxkamada sare ee dastuuriga ahi u yeedhay saddexda xisbi qaran, UCID waxa u matalayay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, Suaalo Guddoomiyaha Maxkamada sare  weydiiyey, ayaa waxay mar labaad lurkii ku kicisay Faysal, isagoo si qayaxan ugu yidhi Guddoomiyaha  Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali, Dooroshada Baarlamaanka hala soo horaysiiyo oo hala kala qaado, ku darsoo Akhristoow, maanka Wuxuu ku hayaa inuu u far qaboojiyo Xukuumadda, isaguna uu fursadiisii hello..

 

Shirkii ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridka, waxa matalayay Jamaal cali Xuseen, fursad wayna waxay u soo baxday mucaaridkii, mar haddii uu Faysal cali Waraabe maqan yahay, jiibta iyo jaanta ayey isla heleen WADDANI iyo UCID, balse waxa meel halkeer ah ku dhakan, Guddoomiye ku xigeenka saddexaad Cali Guray, oo dareemaddiisu si togan ula shaqaynayaan Faysal, Wuxuu ganafka ku dhuftay, Shirkii xisbiyadu ku baaqeen, isagoo qiil ka dhiganaya in uu ahaa ku simaha Guddoomiyaha, Musharax Jamaal aanu waxba la socodsiin.

 

 

Suaalo badan baa la is weydiinayey kuwaasi oo ku saabsanaa Jamaal iyo C/rashiid Miisaanka ay xisbiga ku leeyihiin, Dadka Siyaasadda falanqeeyaa waxay tilmaamayeen in Xisbigu yahay Afar Qof oo kala fikir ah, inta muuqata. Faysal Cali Waraabe dhawr jeer arintaasi ganafka ayuu ku dhuftay, isagoo leh wakhtigan maaha wakhtigii Musharixiinta ee Nimankaasi ha sugaan wakhtigooda.

 

Wax ay socotaba Shirkii Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa lagu dhawaaqay, Xisbiga Kulmiye ayaa la kala shaandheeyey, Musharixiinta Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa meel cad la dhigay 10/11/015. Rag Badan oo Wasiiro ahaa baa is casilay shirka ka hor (26/10/015). UCID bay wada hadal la furayaan baa saaxada soo gashay, taasi waxay waran ku noqotay Jamaal Cali Xuseen iyo C/rashiid Xasan Mataan. Waxay sababtay hadalo kulul oo la is weydaarsado. C/rashiid Xasan Mataan Markuu Hawlahan u adkaysan waayey banaanka ayuu is dhigay, Wuxuuna meel cidlo ah kaga dhaqaaqay saaxiibkii Jamaal Cali Xuseen. Faysal Cali Waraabe waxa galay Han Siyaasi ah oo ah in uu mar saddexaad u tartamo Dooroshada, way u gashay, Wuxuu isku dayey in uu Xisbigiisa ku soo dhaweeyo Isbahaysiga Xisbul xaakimka Kulmiye ka Goostay ee shirkii Kulmiye ka hadhay. Arinkaasi ilaa iyo hada wuu u surtogeli la’yahay. Balse Arintii Jamaal iyo Faysal xal Dhaqan (Traditional resolution) ayaa laga soo saaray arinkaasi. Dhaqanka soomaaligu waa xumad jabin, inta badana uma kala cadgooyo labada shakhsi ee muransan, balse labaduba way guulaysteen ayuu yidhaa, sifo sharci iyo sifo dhaqanba, doorkan Jamaal way ku soo adag tahay, kuna soo fadhi xun tahay

 

Todobaadkii hada tagay ayuu mar kale soo laab kacay Khilaafkii xisbiga UCID, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo wefti uu hogaaminayo Burco ayey u ambabaxeen, Iyagoo Xisbiga ku soo dhawaynayey Taageerayaal cusub oo ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Buuhoodle. Arintaasi waxay firi ka nax ku noqotay Musharax Jamaal Cali Xuseen, isaguna isagoo aan dib isu eegin buu doraad kabo aan leekayn soo xidhay oo Wuxuu ku bilaabay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno Ganacsato ah oo uu eedaha Xisbigiisa dul saaray, Waxa ka raacay In Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Guddida Fulinta Xisbigu ay ka soo horjeesteen una sheegeen in Madashu aanay meel lagu caytamo ahayn.

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe hada laabta ayuu la soo kacay, sida muuqata Musharax Madaxweyne ayuu rabaa in uu noqdo, Musharax Madaxweyne ku xigeen Wuxuu u doontay Gobolada Bariga Somaliland, Hadaladiisa u dambeeyey waxay muujinayaan in Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID lagu qiimayn doono Musharixiinta Xisbiga, C/rashiid Xasan Mataan Garankii Xisbiga iska saar, oo Garankii WADDANI xidhay, Jamaal Wuu is adkaynayaa, waa kan bilaabay Shakhsi weerarka, waana astaan muujinaysaa bisayl la’aantiisa Siyaasiga ah.

 

Guddoomiyuhu Muxuu Aaminsan yahay?

Faysal Cali Waraabe dhawr jeer Wuxuu fagaare ka sheegay in Jamaal Cali Xuseen Musharax noqday xilli Xisbigu ahaa Urur Siyaasadeed, imikana loo gudbay wakhti xisbi oo dib u eegis siyaasadeed (Political reform) lagu samaynayo Xisbiga UCID si loo helo Musharixiin xul ah oo tartan la gala Musharixiinta Xisbiyada kale.

Musharax Jamaal Muxuu Aaminsan yahay?

Jamaal Cali Xuseen isagu Wuxuu qabaa in hantidiisa, caqligiisii, xininiyihiisii, iyo wakhtigiisii uu kaga baxay Xisbiga isla markaana uu afar sanno ku dhawaad ka hor uu Musharax noqday isla markaana Musharaxnimadiisu ay lama taabtaan tahay. Wallow aan la ogayn sida Hawlgalada Faysal Cali Waraabe uga hor tagi karo wakhtigan.

Maxaa Khaldan?

Dadka sida weyn u falanqeeya Siyaasadda isla markaana isha ku haya Xisbiga UCID waxay sheegayaan in Jamaal Cali Xuseen oo Siyaasadda ku cusbaa uu maray Wadooyin khaldan, taasi oo loo nisbaynayo waayo Aragnimo la’aan Siyaasi ah iyo la taliyayaasha Siyaasadda oo ahaa qaar aan wax badan ku dhaamin Marka la eego dhinaca hawl galada Siyaasadda. Dadka sida wacan isha ugu haya Xisbiga UCID waxay sheegayaan in taladu aanay maanta khaldamin ee ay qaloocatay markii wada hadalada xisbiga UCID ee u Dhexeeyey Jamaal iyo Faysal ay bilowdeen. Haddii maalinta Jamaal Cali Xuseen kula gorgortami lahaa Faysal Jagada Guddoomiyenimada intuu ku dedaalayey Musharaxnimada, waxa la aaminsan yahay in khilaafka xisbigu aanu halkan soo gaadheen. Taasina waxay laba daran mid dooro ku noqon lahayd Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

Dabeecada Faysal ee Siyaasadda.

Faysal Cali Waraabe oo sida aynu xusnay Mudadii Nidaamka Xisbiyada Badan Dalka ka socday ku soo dhex jiray, ayaa loo arkaa Mid balamaha Siyaasadu ku adag tahay in uu ka soo baxo, marka loo eego fursadaha hor yaala, waa sida ay qabaan fikradaha dhaliilayaa Siyaasi Faysal Cali Waraabe.

Jamaal Cali Xuseen.

Aqoonyahanka Da’da yar ee Siyaasadda ku soo galay Da’da 40 jirka ayaa looga baahnaa in uu saaxada meel hoose ka soo galo, waa sida ay qabaan fikradaha dhaliilsan siyaasadiisa, waxana ay ahayd bal in uu Wasiir, Xildhibaan Baarlamaan iyo meelaha ka soo bilaabo, laakiin sida dhakhsahaa leh ee isaga oo aan Dalka Nidaamkiisa si wacan u darsin uu ugu soo booday jaranjada Siyaasadda ayaa noqotay mid cajiib ah. Taageerayaasha Jamaal Cali Xuseen waxay u arkaa Faysal Cali Waraabe mid ka faaidaystay khibrad Jamaal, wallow dadka dhaliilayaa ay sheegeen in Jamaal Uusan lahayn Khibrad weyn oo laga faaidaysto.

Wakhtigan la joogo Maxaa Jamaal la gudboonaa?

Dooroshadii waxa ka hadhsan Muddo Hal sanno ah oo buuxda, Wallow ay abaaro baahsani dalka ka jiraan oo la filayo in ay saamayn ku yeeshaan Dooroshada loo balansan yahay sanadka 2017, laakiin siday doonto ha u dhacdee, Jamaal Cali Xuseen wakhtigan waxa la gudboonaa in uu is iib geeyo, Dadka iska dhaadhiciyo, Hanto Siyaasiyiin mug iyo Miisaan leh, Korodhsado La taliyayaasha (expert advisors) uuna raadsado qaar Miisaan leh, muddona ku soo jiray saaxada Siyaasadda. Laakiin taasi maaha mid hada muuqata.

 

Guntii Iyo Gabagabaddii

Jamaal Cali Xuseen Muu helin fursad wanaagsan, ama xisbi wanaagsan oo uu ku iib geeyo hogamintiisa iyo aqoonta lagu tuhmayo, is qabqabsiga hoose ee xisbiga iyo jawaabaha isku lidiga ah ee Faysal iyo Jamaal, iyo Siyaasadda Faysal ee hadba galinba nooc ah waxay xisbiga dhigtay gal galin madhan. marnaba kama soo kici karo kaalinta saddexaad iyo saamayn la’aantaas siyaasadeed ee xisbiga UCID, si kasta oo fursad siyaasadeed oo kasta u soo baxdo sida muuqata.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Zir Yacqub

Yacqubismial@gmail.com

Bristol

COMMENTS
Latest News