Maalmahanews.com
“Muuse Biixi wuxuu haystaa Dhaqaale iyo TOL, laakiin Ninka TOL waayey Waa C/raxmaan (Cirro)…” Dhageyso Cod Sir ah oo laga helay Haweenay ka mid ah Kaadiriinta Xisbiga WADDANI
March 17, 2016 - Written by admin

MuuseLondon(Maalmaha)-Sida warbaahinta badankeedu heshay cod sir ah oo ay duubtay Faa’isa Faarax Suusle oo ka tirsan xisbiga Waddani ,kana kooban 20 Daqiiqo isla markaana ka soo jeedda beesha guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa sheegtay in dhaqaalle darro iyo niyad jab soo food saaray guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) kadib markii uu beesha uu ka soo jeedo shir ugu qabtay magaalada Lodon oo uu ku sheegay inuu u baahan yahay dhaqaale.

“Niyad jab inuu Cabdiraxmaan Cirro ku joogay ,inuu waayay 20 kun uu diwaangalinta ku gallo waayay oo uu London meeraysanayo”ayay codkeeda sirta ah ee ay Beesha guddoomiye Cirro u dirtay ku tadhi.

Faa’isa Faarax Suusle oo sheegtay inay tahay guddoomiyaha haweenka ururka Talo iyo Tawfiiq ee ay ku midoobeen beesha uu ka soo jeedo guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegtay in shir lagu galay magaalada London oo laga soo wada qayb galay uu guddoomiye Cirro kala kulmay niyad jab xoogan oo dhinaca dhaqaalaha ,kadib markii ay dhammaatay lacag 20-Kun oo dollar oo amaah ah ay iska bixin kari waayeen ka xisbi ahaan ,kadibna qaadhaan u doontay dadka ay deegaanka ka soo wada jeedaan ee ku dhaqan dalka Ingriiska.

Sida Shabakada Hangool ku heshay codkan sirta ah oo aan warbaahinta loogu talo galin balse ceebo badan iyo burburka xisbiga Waddani dibada u soo saaray ayaa sheegay guud ahaanba beesha uu ka soo jeedo guddoomiyaha xisbiga Waddani niyad jab dhaqaale soo food saaray kadib markii gudahooda khilaaf ka dhex dhagay.

 

Faa’isa ayaa canaan kala dul dhacday raggii shirka London ka soo qayb galay kadib markii ay dhaqaalihii bixin kari waayeen

“Cabdiraxmaan Madaxwyanaha Mustaqbalka,inuu ahaa mooraal jab,inay wajigiisa ka muuqatay niyad jab,murugo iyo moroora dilaa ay ka muuqatay”ayay Faa’isa tidhi.

Faa’isa ayaa sheegtay in ay qasnada xisbiga Waddani ku jiraan toban kun oo kaliya taasina uu ka maroora dilaacay guddoomiye Cirro,waxaanay beesheeda ku canaanatay inaanay wax u qaban guddoomiye Cirro oo la tartamaya guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Jamaal Cali Xuseen.

Faa’isa Faarax waxay sheegtay beesha uu ka soo jeedo Guddoomiyaha xisbiga Waddani ay kala jabtay isla markaana aanay bixin dhaqaalihii lagu kabi lahaa xisbiga Waddani.

Faa’isa Faarax Suusle waxay sheegtay in guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo xisbiga Waddani uu u baahan yahay caawimo dhaqaale,isla markaana shirkii beeshiisa ee ka qabsoomay London uu ku sheegay inuu yaallo halka ay beeshiisu dhigaan dhaqaale ahaan.

Faa’isa Faarax Suusle ayaa tusaale soo qaadatay Heestii Boobe Yuusuf Ducaale ee ahayd “Miyay miyir beel aqsoobeen,maroora dilaac ma quusteen”

Codkan sirta ah ee Warbaahinta Hangool heshay ayaa badka soo dhigay burburka dhaqaale ee dambaska ka dhigay xisbiga Waddani oo uu dhawaan Boobe Yuusuf Ducaale si sarbeeb ah u sheegay inuu ugu tagay xafiisyo madhan iyo xilal madhan,taasi oo ku tusinaysa in xisbiga Waddani lugo adag ku taagnayn dhinac dhaqaalah.

“Maanta ninka uu la baratamayaa waa Muuse Biixi,Muuse Biixi Caqli ma leh oo Habaryoonis ma hoggaamin karo oo waa Dagaal ooge laakiin maanta dhaqaale iyo tol ayuu haystaa ,ninka tolka waayay waa Cabdiraxmaan Cirro” ayay tidhi Faaisa

Shirkaa ka dhacay London ee Beesha uu ka soo jeedo Guddoomiyaha  Xisbiga Cabdiraxmaan Cirro oo ay ka soo qayb galeen shan boqol oo nin ayay ka baxsadeen inay bixiyaan dhaqaalihii la ururinayay ee lagu taageerayay guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Si kastaba ha ahaatee codkan ayaa banaanka keenay habacsanaanta,hilowga reeraysa iyo rafaadka dhaqaale raadineed ee soo food saaray xisbiga Waddani oo uu guddoomiye ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo hayaanka ugu jira inuu tartan reeraysa la galo labada xisbi ee ka soo horjeeda.

Xisbiga Waddani oo lagu eedayn jiray inuu xisbi sooc u ah deegaanna uu guddoomiye Cirro ka soo jeedo ayaa wakhtigan saafi aan saxar laga tiray ah,kadib markii uu kulano qiiraysan qabiil ku dhisan oo qaadhaan raadisa ah kula duldhacay qoyska uu ka soo jeedo.

Maalmahanews/news Desk

info@maalmahanews.com

 

 

COMMENTS
Latest News