Maalmahanews.com
Musharrax U Taagan Doorashada Golaha Wakiillada Oo Gurmad Biyo Dhaamis Ah U Fidiyey Deegaanno Katirsan Degmada Faraweyne
March 17, 2016 - Written by admin

Siyaasi Maxamed Cabdikariim (M.Maarshaal) Oo Gargaar Ka Kooban 40 Booyadood Oo Biyo Ah Gaadhsiiyay Deegaanno Ka Tirsan Degmada Faraweyne

Aburiin (Maalmaha) Abaar aad u baahsan oo ka jirta guud ahaan dalka Somaliland, gaar ahaana gobolada Galbeedka ayaa waxa Deegaanka Aburiin oo katirsan Degmada Faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex isla markaana kamid ah deegaanada ay abaartu aadka u saamaysay, safar kooban oo gurmadka abaaraha dhinac socda ugu kicitimay siyaasi Maxamed Cabdikariim (Maxamed-maarshaal) oo ah Musharrax u taagan doorashada golaha wakiillada Somaliland ee 2017 la filayo inay dalka ka qabsoomaan, waxaana uu Maxamed-maarshaal gaadhsiiyay deegaanka Aburiin iyo deegaanada kale ee degmada Faraweyne Afartan booyadood oo biyo ah oo kamid ah gargaarka lagu gaadhsiinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Siyaasi Maxamed-maarshaal waxa uu ka hadlay wixii ay indhihiisu qabteen intii uu marayay deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku teedsan degmada Faraweyne, isaga oo ka waramaya abaarta saameysay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaasi waxa uu yidh;biyo dhaamis

“halkan aanu joogno oo ah deegaanka Aburiin oo ka tirsan degmada Faraweyne ee gobolka Maroodi-jeex, guud ahaan dalka waxa ka jirta abaar aad u daran, gaar ahaana gobolada Galbeedka, degmadani waxay kamid tahay deegaanada ay abuuruhu aadka u sameeyeen, iyadoo gurmado iyo baaqaq kala duwanba laga jeediyay ayaa waxaanu lasoo gaadhnay oo aanu wadnaa Afartan booyadood oo aanu u kala qaybinay deegaanadu siday u kala baahi badan yihiin. Waxay Alle ka baryaynaa inuu abaarta inaga soo jebiyo, inuu Alle SWT uu inaga soo qaboojiyo oo deegaanada qaar oo imika uu dhibicii ugu horeeyay ee roobku ka curtay, in deegaanada kalena Alle soo qaboojiyo, Afartan booyadood waxba ma gaadhayaan, deegaanadu way ka baahi badan yihiin, deegaankan wuu ka baahi badan yahay oo xoolihii waa ay ka baxeen, biyo la’aan daran ayaa ka jirta, markaa Alle waxaanu ka baryaynaa isagaa gacmihiisu lagu baahi baxaaye inuu nimcadiisa kusoo qaboojiyo.” Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed-maarshaal, intaasi kadibna waxa uu farriin kooban u diray ganacsatada iyo cid kasta oo ka qayb qaadan karta gurmadka gargaarka lagu gaadhsiinayo dadkeena ay abaaruhu saameeyeen, waxaana uu yidhi “waxaan halkan farriin uga dirayaa walaalaheena uu Alle siiyay maalka, xukuumadda Somaliland, ganacsatada iyo cid kasta oo ay damqayso abaaraha ka jira deegaanada dalka oo aanu manta ku sugannahay deegaanka Aburiin inay wixii ay ka geysan karaanba ka qaataan, intaasi tacabbay naga noqotay, oo insha Allah intan oo keliya nagaga eekaan mayso, waanu u maqannahay Illaahayna waxaanu ka rajeynaynaa inuu nagu soo asturo, asturaada Rabina waa Illaahay raxmaadkiisa” ayuu hadalkiisa kusoo afjaray

COMMENTS
Latest News