Maalmahanews.com
“XISBIGA WADANI WUXUU U XUUB SIIBTAY XERO LAGU KALA FOGEEYO SIYAASIYIIN IYO BEELAHA SOMALILAND”.
March 16, 2016 - Written by admin
marka hore illaahay baa mahad oo dhan iska leh, marka xiga waxa aan aad u salaamayaa dhamaan bahda ama hawl wadeenada shabakada maalmaha news intaa ka dib soomaalidu waxay ku maahmaahdaa haduu durdur iyo dabaal galo doofaar abidkii ma daahiro, bimacna kalima waxaan uga socdaa xisbiga wadani hogaankiisa sare waa gudoomiyaha e iyadoo mahadhooyinkiisa foosha xun ee is daba jooga ah ay bulsho weynta somaliland ka dharag santahay gudo iyo dibadba.
Ayaa Waxa aynu hore u ogayn gudoomiyaha xisbagaa wadani cabdiraxmaan ciro abaal darida in uu faysal cali waraabe oo dabcan aynu odhan karno waa ninkii ugu soo dagaalamay gursiga parliament ka ee uu maanta mudo dhaafka ugu fadhiyo, ayuu ugu badalay inuu ku qabsado faysal cali warabe xisbigii uu isagu sameeyay oo uu illaa heer maxkamadeed la tiigsaday oo akhriste sida aynu wada ogaynba fasal loo xumay cabdiraxmaan cirona xisbaga ucid laga caydhiyey ta labaad ee dhabar jabinta ah ee uu ku sameeyeyna ahayd isagoo xubnihii ugu shislaa ee gudida fulintana been iyo munaafaqad ku kaxaystay inkastoo markii dambe ay ku fahmeen iskagana hadheen.
Waxa kale oo aynu ogayn khilaafka parliament ka oo mudooyinkii u danbaysay gilgilay qaranka iyo nabad gelyada guudba wax yeeli gaadhay garoon lagu feedhtamana ka dhigay golihii sharci dejinta somaliland ee uu isagu dirawalka ka ahaa kuna soo afjaray feedh iyo gacan ka hadal uu isagu kula kaco ku xigeenkiisii baashe faarah.
Akhriste Iyadoo taariikhdaa aynu soo sheegnay la wada og yahay ayaa waxa u dambeysay dhacdadii berbera oo aan lagu arag aaskii alle ha u naxariistee sarkaalkii lagu dilay magaalo madaxda gobolka saaxil, hadaba si kastaba ha ahaatee tan iyo maalintii la aasaasay xisbiga wadani waxa si isdaba jooga ugu biiray xubno cadhaysan oo cadaawadi u hayso labada xisbi qaran ee kale waa ucid iyo kulmiyee oo markiiba xilal waaweyn uu u magacaabayo gudoomiyuhu.
Isku soo wada duuboo sida aad ku arkay warbaahinta kala duwan ee dalka usbuucii u dambeeyey wuxuu fooda isku galiyey laba nin oo deegaan ka soo wada jeeda, xisbiga wadani isagoon taladii dalka hayn buu isku garaacayaa siyaasiyiintii e marka uu awood helo maxaynu ka filan karnaa? Waxaynu ka filan karna sida uu maanta wax u wado si ka liidata.
Cumar aadan dhako.
e-mail: Cumaridh@gmail.com
London, UK

COMMENTS
Latest News