Maalmahanews.com
Jaaliyadda Reer Bristol Uk, oo Deeq Lacageed oo Taakulaynta Abaaraha ah Ku wareejisay Guddida Horumarinta Hoodaale
March 15, 2016 - Written by admin

London(Maalmaha):- Jaaliyada Beesha Hoodaale ee ku dhaqan Magaalada Bristol ee wadanka Ingiriiska ayaa maanta Guddida horumarinta Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale ku wareejiyey deeq lacageed oo dhan $7060, taas loogu talo galay in wax lagaga qabto gurmadka taakulaynta abaaraha sida ba’an u saameeyey qaybo ka mid ah Somaliland.

Sida uu shabakada Maalmaha news u xaqiijiyey Yuusuf Ismail Warmahaye oo ah Khasnajiga Jaaliyada reer Bristol waxa shalay lagu shubay Accounta Abaaraha ee Guddiga Hoodaale lacag dhan $7060, oo ah qaadhaan abaaraha loogu talo galay isla markaana ay Jaaliyada reer Bristol iska soo ururisay,

Dhinac kale ururka haweenka Hoodaale ee Bristol ayaa sidoo kale todobaadkii ina  dhaafayna lacag dhan $10356  ku wareejiyey Guddiga Hormarinta Hoodaale taas ay si gaar ahaan haweenku iskaga soo ururiyeen si ay ugaga qayb qaataan dhinacoo taakulaynta gurmadka abaaraha ee saameyey deegaanada Hoodaale.

Yuusuf Warmahaye oo ka mid ah Jaaliyada Gurmadka Abaaraha ee Magaalada Bristol, ayaa si wayn ugu mahadceliyey dadka reer Bristol ee kaalinta wayn ka qaatay taakulada dadaalka lagu doonayo in mucaawano lagu gaadhsiiyo dadka ay saamaysay abaartu.

waxa uu xusay  in iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran dadaalka dadka iyo duunyada tabaalaysan ee abaartu waxyeelaysay lagu gaadhsiiyo gurmad, isla markaana loo baahanyahay in qofkasta oo reer Somaliland ahi uu halkiisa ku hawlgalo.

Waxa kaloo ay ugu baaqeen dadka yar iyo waynba inay sii laban-laabaan dadaalka taageerida mucaawano la gaadhsiiyo dadka dhibaataysan ayuu ku soo afjaray hadalkiisa.

Maalmaha news/London

Info@maalmahanews.com

 

 

COMMENTS
Latest News