Maalmahanews.com
Madax Dhaqameed Ka Hadlay Mihiimada uu Leeyahay Qorshaha Dib U Soo Nooleynta Seeraha Qool-caday
March 14, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Maalmaha)- Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad ka soo Jeeda Degmada Sallaxley ayaa Sheegay inay Taageersan Yihiin Qorshaha Xukuumaddu ku samaynayso Seeraha Banka Qool-caday oo faa’iido balaadhan u leh bulshada iyo Xoolo dhaqatada Degmadda Sallaxley.

 

Hargeysa (Hubaal)- Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad ka soo Jeeda Degmada Sallaxley ayaa Sheegay inay Taageersan Yihiin Qorshaha Xukuumaddu ku samaynayso Seeraha Banka Qool-caday oo faa’iido balaadhan u leh bulshada iyo Xoolo dhaqatada Degmadda Sallaxley.banka qool cadde

Xubnahan Madax dhaqameedka ah oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa sheegay in Seeraha banka qoolcaday aanay Jirin Cid keli ahaan sheegan karta,Waxaanay Xuseen inay Xukuumada ku garab joogaan horumarinta banka qool-caday iyo hirgalinta seerahaasi.

“Dadku markay Horumar ka hadlayaan oo shayga Horumarka ah loo soo bandhigo oo Madaxdooda iyo Waxgaradkoodu u soo bandhigayaan Isla markaana dadka wada tashi loogu yeedho Wax ka wanaagsani ma Jirto,Banka Qool caday iyo Seeraha laga samaynayo waa mid Manaafacaad u leh   deegaanka iyo dadka intiisa kale” Sidaa waxaa hadalka ku furay Caaqil Liibaan Maxamed Cabdi Fadhfadhle oo ka mid ahaa Xubnihii Madax dhaqameedka ahaa ee  Kulankaasi ka hadlay.

Caaqil Cali Xuseen ayaa Cadeeyay in hirgalinta Seeraha banka Qoolcaday uu Waxtar badan ku soo kordhin doono deegaankaasi maadaama uu noqon doono marinka ay Xooluhu soo Mari doonaan “Waxaan ka hadlayaa Faa’iidooyinka banku leeyahay Waxaan idiin sheegayaa Khayraadka ka soo baxa ama shaqaalaha ka shaqayn doona Xoolaha dalkoo dhami meeshay soo mari doonaan weeyi,Sidaa darted faa’iidooyin badan ayaa inoogu Jira.”

Caaqilka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Tan iyo intii ka horeysay intii uu Baarlamaanka Xildhibaanka ka noqday intii ka horeysay iyo intii ka dambeysayba magaciisa dadku way yaqaanaan camalkiisa hoose dadku mayaqaanaan, waxa weeye Cabdiraxmaan dheere Cuqaasha meel ayuu kaga dhacay oo hadii aanu isagu ka xaal bixina Maxkamad ayaanu saari doona Ishaalaah. Waxaan ka hadlayaa Banku Faa’iidooyinka uu leeyahay oo hadii ay horta su’aashu tahay faa’iido ma inoo leeyahay mise inoo ma laha, waxaan leeyahay haa faa’iido waa uu innoo leeyahay ?, oo Khayraadka ka soo baxa ama shaqaalaha ka shaqeyn doona ama Kastamka Ina Guuxa oo furmi doona anagu hadii aanu nahay deegaanka Salaxlley , waxaanu ku faana waxa weeye waa Xoolaha, sharuucana Xoolihii iyo bulshaddiiba waa u dan oo waa faa’iido iyo shaqaale noo soo kordhay mana ogolin cid kasta oo ka hor imaneysa” sida waxa yidhi Garaad Mahad oo ka tirsan Madax dhaqameedkii halka ka hadlay

Caaqil Mustafe Maxamed Gaaxnuug oo ka mid ah Cuqaashii Kulankaasi ka hadlay ayaa  Sheegay in Hirgalinta Seeraha Banka Qoolcaday Xukuumada loo daba fadhiisto maadaama ay Ka Mid Tahay Mas’uuliyadaha loo igmaday  “Horta Dhulka dawlad baa ka dhisan,Dhulkeeda iyo baddeedana dawladaa Xukunta oo loo doortay Sidaa awgeed khayraadka dhulkeena ku jira beel iyo cid kale mas’uul kama ahee Xukuumadda Xilkaas leh”

Sidoo kale Xubnihii Kulan Saxaafadeedkaas ka hadlay ayaa dhamaantoodba iska daba maray Sida ay Waajibka u tahay in  Xukuumadda lagu garab galo Hirgalinta Seeraha banka qool caday oo Kaalin mug leh ka qaadan doona Horumarka deegaankaasi.

Maalmaha News/Hargeisa

info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News