Maalmahanews.com
War Degdega: Dawladda Ethiopia oo Xidhay Xuduudka ay La Leedahay Deegaanada Teedsan Baligubadle ilaa Wajaale ee Somaliland
March 11, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Maalmaha News):- Dawladda Ethiopia ayaa xidhatay xuduudka magaaladda Baligubadle ilaa wajaale ee Somaliland iyadoo la filayay in maalinta barri ah dinwaangalintu ka bilaabanto goboladda Hawd, Gabiley iyo saaxil

Lama garanayo ilaa hadda sababta dawladda Ethiopia ay u xidhay xuduudka balse ilowareedyo Maalmahannews helayso ayaa sheegaya in arinkani yahay mid siyaasadeed maadaama oo lagu soo beegay xilli deegaankaas laga bilaabayo dinwaangalinta doorashooyinka

Dadka reer guuraaga ah ee abaaruhu saameeyeen ayaa inta badan u hayaamay dhanka Ethiopia si ay daaq iyo biyo ugu helaan xoolahooda iyadoo sidoo kale baddi bulshadda deegaankaas ka soo jeedaa ay deganyihiin dhanka Ethiopia taasoo caqabad ku noqonaysa inay dhanka Somaliland u soo talaabaan maadaama oo uu xidhanyahay xuduudka magaaladda baligubadle la leedahay Ethiopia

Inkastoo wararka qaar sheegayaan in xadka barri la furi doona hadana xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin arinkan wixii war ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe

 

 

Maalmaha News/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News