Maalmahanews.com
Tacsi hoggaanka KULMIYE dirayo
March 11, 2016 - Written by admin

XISBIGA MIDNIMADA& HORUMARINTA SOMALILANS (KULMIYE)

                                                                                                                       Date: 10/03/2016

Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxay tasi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Mujaahid Maxamed Xasan Xayd (Carmiye) oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta (10/03/2016).

Mujaahid Maxamed Xasan Xayd (Carmiye) waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii u soo halgamay dalkan ee ururkii SNM, isla markaana markii dambena ka soo qaybqaatay dib-u-dhiskii iyo nabadayntii Somaliland.

Mudane Muuse Biixi iyo masuuliyiinta KULMIYE waxay Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

COMMENTS
Latest News