Maalmahanews.com
Isbahaysiga oo Xiisadii Kulmiye U Soo Tahriibiyay Waddani, In Kabadan Toboneeyo Masuul oo La Filayo Inay Iscasilaan Iyo Cabdiraxmaan Cirro oo Wajahaya Labadda Daran Mid Dooro
March 11, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Maalmaha) ismaandhaafka dooda wadahadalka isbahaysiga kulmiye ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay hogaanka sarre ee xisbiga waddani iyadoo taasi ay sabab u noqonayso in maalmaha soo socda in ka badan toboneeyo masuul ay iska casilaan xisbiga waddani
doodan ayaa ka dhalatay kadib markii xubno xisbiga ka tirsan oo wasiirkii hore ee madaxtooyadda uga soo yaacay xukuumadda uu kaga daba yimi xisbiga iyadoo taasi keentay inay xubnahani ka biyo diidaan shirqool qarsoon oo ay sheegeen inuu u maleegay gudoomiye cirro oo isaga kursiga wax ka sokeeyaa aanay u muuqan waxaanat taasi keentay in cirrolaba jeer laba dhinac oo kala gadisan u balanqaado gudoomiyaha xisbiga
cabdi haybe


inkastoo hore cabdiraxmaan cirro siyaasiga cabdiqaadir jirde ugu balanqaaday gudoomiyaha xisbiga hadana waxa imika soo baxaya heshiis cabdiraxmaan cirro mar kale la galay isbahaysiga kulmiye kaasoo qeexaya in gudoomiyaha xisbiga lagu wareejinayo wasiirkii hore ee madaxtooyadda mudane xirsi xaaji cali xasan
waxaana ilowareedyadda baligubadlemedia ka helayso xisbiga waddani sheegayaan in xubno ka badan toboneeyo ay arrimaha kala gadisan ee aynu kor ku soo xusnay awgeed uga huleelayaan xisbiga

labadda dhinac ee xisbiga ka dareeraya ayaa kala ah xubno diidan heshiiska xisbigu la galay isbahaysiga iyagoo masiibo wayn u haysta in xisbiga uu kaga daba yimaadoo xrisi cali xaaji xasan oo ay hore ugaga soo yaaceen kulmiye iyo xukuumadiisa halka xubno kale ku andacoonayaan inay iyaguna cabdiraxmaan Cirro  khiyaameeyay islamarkaana heshiiskii rasmiga ahaa ee uu la galay labba sanno kahior uu kaga baxay xubnahan oo intooda badani ka soo jeedaan beelaha deegaanka hargeysa iyo hawd ayaa gabi ahaanba la filayaa in arinkaas awgii ay uga huleelaan xisbiga waddani
waxaana xubnaha ilaa hadda aad loo hadal hayo inay is casilaan kamida
badhasaabkii hore ee Gobolka maroodijeex axmed (Xamarje), wasiirkii hore ee arrimaha gudaha somaliland maxamed nuur caraale (Duur) wasiirkii hore ee caafimaadka dawladii riyaale cabdi haybe maxamed, xildhibaan cabdiqaadir jirde, faadumo siciid,Gudoomiye ku xigeenka xisbiga axmed muumin seed, waxaana xusid mudan in todobaadkii hore uu is casilay xoghayihii warfaafinta xisbiga waddani kaas oo kamida ahaa  kooxda diidan  wasiirkii hore ee madaxtooyadda

si kastaba ha ahaatee wasiirkii hore ee madaxtooyadda somaliland ayaa u eg inuu xisbiyada kulmiye iyo waddaniba ku noqday laf dhuun gashay waxaanay u egtay in xiisadii iyo khilaafkii kulmiye haystay lixdii sanno ee xukuumadda siilaanyo jirtay loo soo tahriibiyay xisbiga waddani taasoo u eg caqabad wayn oo la soo daristay cbadiraxmaan cirro oo marka madaxwayne siilaanyo loo eego aan lahayn  maskax siyaasadeed oo kula tacaalo khilaaf hor leh oo xisbigiisa ka dhex qarxa sidii kulmiye caadada u ahaan jirtay
isku soo wada duuboo cabdiraxmaan cirro ayaa wajahaya laba darran mid dooro maadaama xisbigiisu waji cusub oo siyaasadeed wajahayo

Maalmahanews/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

xigasho Baligubadlenews

COMMENTS
Latest News