Maalmahanews.com
WADANI: Xisbi bahalo galeen noqday!!
March 9, 2016 - Written by admin

Ninka siyaasiga ah iyo xisbi siyaasadeedka guulaystaa waa ay ka duwanyihiin cidda aan siyaasadda aqoonta u lahayn iyo waliba guul daraystayaasha siyaasadeed.

siyaasiga dhabta ahi waxa uu hantiyaa quluubta iyo rabitaanka shacbiga uu wax ka doonayo halka uu intaasi ku fashilmo ka kali. marka aad xisbi siyaasi ah aad doonaysid inaad qiimaysid waxa la qiimyee laba shay oo kala ah : xubnaha hormoodka u ah xisbigaasi uu hogaanka u yahay iyo qaabka ay u qaabilaan deeganada uu booqashada ku tagaan hogaanka xisbigaasi isaga oon ahayn mid isa soo hormarinaya inta beeshaas ah ee u dhalatay deegaankaasi.

sidaasi daraadeed ilaa hadda xisbi siyaasadeedka kulmiye ayaa isagu noqday shamac iyo astaan ifaysa oo ku guulaystay labadaasi astaamood.

waa xisbi ay u dhanyihiin dhamaan inta wada dagta dalkani, dhanka kale intan uun maah ee waa xisbi ka duwanaaday xisbiyada dhigiisa ah oo waxa igu maqaalo ah inaanu ahyn hogaanka xisbigaasi nin wata suldaanka beesha uu ka soo jeedo halka ay labada xisbi ee kale waa wadani iyo ucide ay dabada ku hayaan odayashaa beeshooda kasoo jeeda( waa fariin cad oo yididiilo u ah dhallinyarta qabyaaladda ka fog).

kulmiye hogaanka hadda xadhiga u hayaa waxa ay kaga duwanaadeen xisbiyida kale inaanu wali marnaba shir gaar ahaaneed la qaadan dhallinyarta beesha uu ka soo jeedo, halka uu xisbiga wadani uu talaabadani ku kacay wiigii ina soo dhaafay. sidaasi aawadeed miyayna dadweynaw cadayn fariinta uu gudbinyao xisbiga wadani inay tahay mid cad oon ahayn maslaxad qaran iyo horumar waara?.

Dhanka kale, xisbiga kulmiye iyo hogaankiisa waxa ka muuqata bisayl siyaasadeed oo ka xarirsan kani wadani iyo ucidba kadib markii uu hogaanka xisbiga kulmiye kulan wada cashayn iyo iswaraysi ah uu ugu yaboohay hogaanka xisbiga wadani si uu ugu booriyo in nabada iyo xasiloonida awooda la saaro waqtiyada ololaha diwaan galinta loo baxo, intan uun maaha ee waxa isa soo taraysa in xisbiga wadani uu cagta saaray dhabada kala qoqobka iyo kala soo dhaweysiga isla xubnaha xisbigaasi ku jira oo ay ugu danbaysay kadib markii uu xisbigaasi iska casilay xoghayihii warfaafinta ee xisbigaasi(secretary of information) kaasi oo soo jeediya cabashooyin badan oo ay ugu horayso inuu xisbigu noqday xisbi leh xurmo fadhiida oo waraabe u taag ah, xafiisyo dhab ah oon lahayn awoomaamul oo xor ah, xarun madhan iyo xaajo siyaasadeed oo madhan.

 

Tani waxay banaanka keentay shakiyo badan iyo ka dayrin badan oo laga dayrinayay xisbiga.

Dhanka kale, waxa uu xisbigaasi wadani oon deegaan ahaan kasoo jeedo oo laga filayay inuu keeno isbadal dhab ah , siyaasad ka duwan ta kulmiye, hogaamin aan la mid ahayn ta kulmiye iyo waliba wajiyo cusub oo siyaasadda caqli iyo cududba kusoo kordhiyaa uu ku guul daraystay inuu intaa sameeyo aan ka ahayn inuu ahaado xisbi noqda meel intii fadhiidka ahayd ee kulmiye xajin wayday usoo goolaaftan doontan. Boobe oo dhamaanba xubanaha xisbigaasi ku jiraa warbaahinta ka qireen wanaagiisa iyo waxuu xisbiga u taray baa uu xisbigu haysan kari waayay waxaana uu damcasanyahay inuu wada hadal iyo gorgortan la galo xubno badan oo siyaasadda ku saaqiday, xubno badan oo dalkani afgambi iyo burbur la damcsanaa iyo waliba xubno mudadi ay siyaasadda kusoo jireen shaqooyinkay hayeen looga caydhiyay musuq maasuq iyo hanti shacab oo ay lunsadeen.

 

waxa dunida ceeb ka ah in xisbi isbadal doon u taagani uu soo dhaweysto xubnaha hore uga soo shaqeeyay dawladda ay mucaarqdka ku yihiin se wadani tani maa uu garan. xubnihii uu sida aadka ah u dhaliili jiray ee uu ku edayn jiray jabka iyo balanbalka ayaa uu maanta soo dhaweystay oo u wada hadakl la furyaa, tani waa fariin cad oo muujinysa ka aradnaanta hogaanka xisbigaasi ka aradanyahay siyaasadda iyo aragtida mucaarid lagu yaqaan. waxa ay tani meesha keensanaysaa inanau wadani ahayn xisbi isbadal doon ah ee uu yahay xisbi kursi doona. tani waa sababta ugu weyn een ilaa bilawgii aasaaska xisbiganba aan uga soo horjeeday.

intan uun maaha ee xisbigu waxa uu si dhab ah u nqoday meel kaliyaata ay taladu ka go’do inta u sarysay ee golaha kacaan xaafadeedka ah oo u badan jifada guddoomiyaha. waxa aan marag ma dooon ahayn kulankii u danbeeyay ee dhallinyarada beesha uu waddani kaah hotel kula qaatay oo ka mid ahaa waxyaabihii xoghaya warfaafinta sii fogeeyay inay kaliyaata ka qayb galeen: cirro xuseen xoog, duur iyo faadumo siciid, waa xaqiiq sheekadani oo maaha been waxa aanad ka waraysan kartaa boobe cidda kullankaas kasoo qaybgashay aan loo sheegin.

intan uun maaha ee waxa ceeb ah in guddoonka xisbigaasi uu markii ololaha diwaangalintu ka socotay gobolka awdal inuu wasiirka xidhiidhka goloyashaa ku yidhi “madaxaan kaa toogan” inuu haddana isla isaga laftiisu eedayn ka keeno xisbiga ucid waa fashilkana iyo isma ogtada wadani.( arrintani waa arrin leh markhaatiaydeeda oo lix ah ayna ugu waaweyn yihii faysal cali waraabe iyo wasiirku) hogaanka aynu feedhka uga soo joognay ma garan karnop waxa hadda looga fadhiyo doono

 

gabogabadii wali waxa cad in xisbiga wadani aanu ka korin 1993 wixii dalkani ka koray. xisbi aragtidiisu caynkaas tahay ma ahaan karo xisbi matali kara UMMADDA SOMALILAND IYO DEEGAANADA UU KASOO JEEDO GUDDOOMIYUHU SABABTA OO AH MUSTAQBALKA SIYAASIGA AH EEN LEENAHAY BUU INBADAN MUGDI GALIN KARTAA TAARIIKH XUMADA KASOO SOCOTAA.

 

zakarie cabdilaahi dhabarloo

singapore

 

COMMENTS
Latest News