Maalmahanews.com
Mahad-naq ku socda Laanta xisbiga Kulmiye ee Magaalada Bristol, UK
March 9, 2016 - Written by admin

Anigoo ah Gudoomiye ku xigeenka xilka sii banaynaya ee xisbiga Kulmiye ee Laanta Birstol UK, isla markaana shir weynihii dhawaan UK ka dhacay loogu doortay inaan ahaado xubin Gudiga fulinta ee xisbiga Kulmiye UK ah, waxaan jecelahay inaan halkan farxad ugu muujiyo qabsoomidii shirwaynihii 6aad ee xisbiga Kulmiye UK ee kadhacay magaalada Bristol 5th March 2016, anagoo naloo doortay guddida fulinta cusub ee Xisbiga Kulmiye UK.

Waxaan aad ugu mahad naqayaa cidkastoo kashaqaysay  ka midnoqon shahaa aan ka mid noqday guddida fullinta cusub ee UK. Gaar ahaan waxaan umahad celinyaa guddidii qabanqaabada  oo aan ka mid ahaa oo runtiii qabatay hawl aad u wayn.

Waxaan halkan mahad celin kale ugu dirayaa laanta Bristol ee xisbiga kulmiye oo aan ka mid ahaa oo muda yaroo gaaban waxwalba ku diyaarisay gaar ahaan gudoomiye Mustafe xaashi, Nasir Carab, Siciid, Xasan Da’ud, Maxamed CaliXaydar, Faysal iyo dhamaan cidkastoo hawshaa wax kaqabatay

Waxaan halkan yagana kasalamaya gudoomiyahaga Xariir Xirsi Adar iyo dhamaan xubnaha cusub oo loo xoortay gudida fulinta. Waxaan leeyahay Alle ha inagu asturo xilkaas iyo masuuliyadaa aynu qaadnay Aamin.

Abdihakiin Qootaali

Gudida fulinta Kulmiye UK.

 

COMMENTS
Latest News