Maalmahanews.com
Somaliland:Komishanka iyo Xisbiyada oo Ka Wada-Hadlay Dacwad xisbiga UCID ka Gudbiyay KULMIYE iyo WADDANI.
March 8, 2016 - Written by admin

Hargeisa-(Maalmaha):-Saddexda xisbi qaran ayaa ka dareen celiyay dacwad ka dhan ah xisbiyada Kulmiye iyo Waddani uu ka gudbiyay guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo uu kaga dacwoonayay olole uu sheegay inay u bedeleen hawlihii diwaangalinta ee gobolada Togdheer iyo Awdal.

Kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta komishanka doorashooyinka Somaliland iyo saddexda xisbi qaran ayaa lagaga hadlay arintaasi,waxaana loo saaray guddi anshax oo dib u eegis lagu sameeyo qaabka oo waajahayo gobolada kale.

Eng Faysal Cali Waraabe,guddoomiyaha xisbiga Ucid oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ka hortagay si aan gobolka Saaxil xisbiyada Kulmiye iyo Waddani uga samayn ololihi ay ka sameeyeen labada gobol ee Togdheer iyo Awdal.

”Doorkan waxa dhacday inaanu annagu dacwad keenay,labada xisbi ee kale(WADDANI iyo KULMIYE) waxay u rogeen olole,taasi oo aad moodo inay diwaangalintii qarisay oo isku bedeshay kaambay,taasi ayaanu maanta u nimid dacwadaasi.Gobolka Saaxil oo dhawaan rabshado ka dheceen oo aan rabshado kale u baahnayn ayaanu doonaynaa inaanay ka dhicin wixii ka dhacay gobolka Awdal.Waxaanu is afgaranay ciddii qaldanna waa inay qaladkeeda joojiso” ayuu yidhi Eng Faysal Cali.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye,Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xarunta komishanka doorashooyinka looga yeedhay kadib markii uu dacwad ka dhac ah soo gudbiyay xisbiga Ucid .

”Iimaatinkayagu waxa uu ahaa dacwad uu soo gudbiyay Eng Faysal Cali Waraabe oo uu leeyahay waxa lagu xad gudbay xeerkii anshaxa.Annagu Kulmiye ahaan labadii gobol ee ay diwaangalintu ka bilaabantahay waxaanu awooda saarnay in la is diwaangaliyo oo dadku ka qayb galaan”ayuu yidhi Muuse Biixi,Guddoomiye Kulmiye.

Waxaa uu ka dareen celiyay safaradii ay ku tageen gobolada Awdal iyo Togdheer oo uu sheegay inay wacyigalin ka sameeyeen balse uu xisbiga Ucid soo gudbiyay dacwad uu kaga cabanayo Kulmiye iyo Waddani.

”Waxaanu awooda saarnay inaanu dadka goob walba ugu tagno si ay isku diwaangalinayaa,umaanaan badheedhin inaanu ku kacno wax anshaxa baalmarasan,komishankuna waxay saaka nagu yidhaahdeen dacwadaasi ayaa timid,waanu ogolahay haddii nalagu yidhaahdo wax qalad ah ayaad samayseen ,komishankaana gacanta ku haya iyagaana laga sugayaa waxay soo saaraan” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muunin Seed ayaa sheegay inay komishanka ka wada hadleen dacwada uu soo gudbiyay xisbiga Ucid oo sheegay inay anshaxa baalmareen.

”Qolada UCID ayaa dacwad keentay,malaha labadayda Xisbi ee kale (KULMIYE iyo WADDANI)waanu yara dheeraynay oo sidaasi ayay dacwada u keeneen,waxaanu isla qaadanay komishanka iyo guddigii loo saaray anshaxu ka soo saarto qoraal,waxaanu diyaar u nahay ka Waddani ahaan wixii ka soo baxa komishanka inaanu sideeda u fulin doono,inay si nabad galyo ah wax noogu dhacaanna diyaar ayaynu u nahay”ayuu yidhi Axmed Muunin Seed.

Bilihii ugu dambeeyay Somaliland waxa ka bilaabantahay diwaangalinta codbixinta,taasi oo laga bilaabay gobolada Awdal iyo Togdheer,iyadoo  xisbiyada qaranku kormeer ku tagayeen kolba deegaanka ay diwaangalintu ka bilaabanto iyagoo sheegay inay dadka wacyigalin u samaynaay.

Maalmaha News/Hargeisa office

info@maalmahanews.com

 

COMMENTS
Latest News