Maalmahanews.com
Sirdoonka Djibouti oo Indhaha ku haya Suurgalnimada Ciidamo Laga soo Dajiyo Somaliland.
March 8, 2016 - Written by admin

Xirsi X.Cali Xasan oo maalgalinaya Dekeda Macmalka ah ee Ceel-Gerde iyo qorshe ka Fashilmay.

Wasiir-Xirsi

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland

Djibouti-(Maalmaha):-Warbaahinta Africaintelligence oo shabakada Tooshnews soo xiganayso ayaa baahisay in wasiirkii hore ee madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan looga shakiyey in uu ciidan ka soo dajiyey dakada Maydh,taas oo xidhiidh la leh markii uu ku guul daraystay khalkhalgalintii Xukuumadda Axmed Siilaanyo uu la damacsanaa.

dji

Photo File:Axmed Siilaanyo iyo Ismaaciil Cumar Geelle

Agaasimaha Amniga Qaranka Jabbuuti Xasan Saciid Khayre, ayaa sheegay in Xasan Madoobe uu ka dhisay deked la horumarinayo aagga Maydh ee gobolka Sanaag , taas oo sida muuqata loo dhisay soo-dejinta saanad fudud. Bishii Diseenbar ayaa ay kooxo Iraan iyo Yemeni ahi soo dejiyeen hub,kayd rasaas ah oo kala duwan iyo miinooyin.

Agabkan, oo markii hore u socday kooxda mitidka ah ee Al-shabaab, ayaa sida oo kale waxa iminka ka faa’idaysta kooxo ku xidhan jihaad-doonayaasha Dawladda Islaamiga ah ee Daacish.xogtan oo Somalida walaac  galisay in ay kooxahani gabood ka raadsadaan dhulka aan la gali  karin ee buuraha Galgala,oo ah buuro laga dayriyay.

Markaykanka ayaa la filayaa inuu dhawaan baadhis ka sameeyo deegaannadaasi,waana dekedii labaad ee nooceeda ah,marka lagu daro Ceel-Gerde.Sida ilaha ay heshay warbaahinta Africaintelligence sheegayaan,waxa hawshan maalgalinaya wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ,waxaana arrintan looga shakiyay inuu ku doonayo inuu degganaanan la’aan galiyo caasimada Somaliland ee Hargeysa,wax kasta oo ay ku qaadanayso,tan iyo wixii ka dambeeyay  guuldaradii kala soo daristay isku daygisii uu ku doonayay in uu maamul ahaan afgembiyo xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Maalamaha News/Hargeisa Office

info@maalmahanews.com

Source: Africaintelligence

COMMENTS
Latest News