Maalmahanews.com
Qodobbo Lagu soo Afjarayo Khilaafka Degaanka Ceel-garde iyo Dilka Taliyihii Gobolka Saaxil
March 6, 2016 - Written by admin

Berbera (Maalmahanews)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbigeeda KULMIYE, ayaa ku guulaystay inay soo afjaraan khilaafkii ka taagnaa Berbera ee ku sallaysnaa xiisaddii ka dhalatay dilka Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo dablay dhul-jiif ah toogasho ku dileen maalintii Salaasada, halka sidoo kale lagaga wadahadlay khilaafkii degaanka xeebta Ceel-garde oo ka tirsan gobolkaas.
Dilka Taliyihii Booliska Gobolka Saaxil, ayaa sababay sababay mudaharaadyo rabshado wata oo ka kala dhacay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Berbera iyo xiisad kacsanaan ah oo lagaga soo horjeedo falkaas, balse markii dambe aas qaran loogu sameeyey magaalada Berbera maalinimadii Jimciha, halka gelinkii dambe ee Khamiistiina ciidammada ammaanku gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdii weerarka gaysatay.
Hasa yeeshee, wefti ballaadhan oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbigeeda oo ay horkacayaan lMadaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddoomiyaha KULMIYE – Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xubno wasiirro dhawr ah iyo masuuliyiinta hay’adaha amniga, kuwaas oo kadib falkii lagu dilay Taliyaha Booliska u tagay Gobolka Saaxil daminta xiisadaha ka taagnaa halkaasi iyo soo qabashada dablaydii fulisay weerarka, ayaa dedaallo badan oo ay sameeyeen ku guulaystay in la qaboojiyo cadhadii ka dhalatay dilka marxuumka iyo kala qaybsanaan soo kala dhexgashay qaybo bulshada ka mid ah.
Masuuliyiinta KULMIYE iyo xukuumadda oo kulamo joogto ah la yeelanayey madax-dhaqameedka iyo odayaasha degaannada is khilaafay iyo hay’adaha arrintani khusayso, kuwaas oo lagaga wadahadlay arrimaha dilka marxuum Casayr, soo qabashada iyo maxkamadaynta gacan-ku-dhiiglayaashii toogtay iyo xal-u-helidda muranka dekedda Ceel-garde iyo wixii kale ee la xidhiidha khilaafyadaasi.


Sida ay wargeyska Jamhuuriya u xaqiijiyeen xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, kulamo si gooni-gooni ah ay Madaxweyne-ku-xigeenka, Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigoodu la kala yeesheen madax-dhaqameedka, odayaasha iyo masuuliyiinta labada dhinac iyo sidoo kale kulan guud oo wadajir ahaa, ayaa lagu gaadhay heshiisyo isafgarad ah oo damiyey xiisadda, isla markaana horseed u noqda xal buuxa oo laga gaadho waxyaabaha la isku hayo, waxaanna arrimaha lagu heshiiyey ka mid ah;
•Waxa la isla qaatay oo xukuumaddu ballanqaaday inay sharciga horgayso dablayda dilka gaysatay oo ay bilaabayso maxkamaddayntooda iyo nidaamka baadhista dambigaasiba
•Iyo in dawladda oo keliya leedahay go’aaminta waxa laga dhigayo deegaanka Ceel-garde haddii ay deked noqonayso iyo haddii aanay noqonaynba.

Dhinaca kale, madax-dhaqameedka, odayaasha iyo masuuliyiinta labada dhinac ee ay dhalasho ahaan ka soo kala jeedaan kooxda weerarka gaystay iyo marxuumkii dhintay, ayaa si buuxda u aqbalay inay qaabka dhaqanka iyo wadahadalka reer Somaliland ku caano-maaleen u maraan arrintan iyo wixii kale ee dhexyaal dadka walaalaha ee isku deegaanka ah.
Waxa kaloo odayaasha labada dhinac ka mahadceliyeen dedaallada xukuumadda KULMIYE ka gashay dhacdadan, gaar ahaan gurmadka masuuliyiintani sameeyeen iyo tallaabooyinka amniga lagu sugay.
Xigasho: Jamhuuriya

 

COMMENTS
Latest News