Maalmahanews.com
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Aqoonyahan Ka Baxay
March 6, 2016 - Written by admin

Hargeisa(Maalmaha News):-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda dhallinyarada, bahda aqoonyahanka iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuun Siciid Maxamed Daahir Dhawal oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa (05/03/2016).KULMIYE

Marxuum Siciid Maxamed Daahir Dhawal waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonyahanka u soo kacay Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka muuqatay inuu aqoontiisa uga faa’iideeyo dadkiisa iyo dalkiisa, waxna ku taro, isagoo ka mid ahaa barayaasha hawlgala jaamacadaha Somaliland qaarkood, isla markaana xubin ka ahaa Komishanka Tacliinta sare ee dawladda. Haseyeeshee, waxa uu si degdeg ah ugu geeriyooday xannuun ku soo booday.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa ku tilmaamay in Marxuum aqoonyahan Siciid Maxamed Daahir uu ahaa shakhsi xariir ah oo ku dayasho mudnaa, waxaannu geeridiisa ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, dhallinyarada, bahda aqoonta iyo guud ahaan shacabka Somaliland, si gaar ahna waxa uu tacsi ugu dirayaa Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo qoyska reer Abwaan Maxamed Yuusuf Cabdi in Alle samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka, isagana uu ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

COMMENTS
Latest News