Maalmahanews.com
Digtoor Xasan Al-Turaabi:Mufakar aan lahayn afkaar diimeen
March 6, 2016 - Written by admin

W/Q: Ilyaas C. Carte

Digtoor xasan Cabdulaahi Al Turaabi ma ahayn oo kali aha aqoonyahan;wuxuu ahaa mutacalin caalim ah. wuxuu ka sii ahaa Mufakar cilmigu ku xasilay oo awood u leh aqoonta rabi ku galladay in uu muquuno ka bixin karo. Waa habeen dhallad tallo iyo aqoon looga aayay. Waa curad mudan in loogu heeso waa geesi oo hooyadii baa nin dhashay! Alle ha ka fogeeyo haydaarta naareede, wuxuu ahaa hanad aqoon-ruug ah oo ka run-sheegay qallinka iyo buuga. Wuxuu ahaa Suufi dhashay sanadii 1932; kuna dhashay magaalada Kassala ee waqooyiga Dalwaynihii Suudaan.  Kadib aqoontiisii hoose, sheikh digtoor Xasan wuxuu aqoonta sare ka bilaabay u horayn jaamacada la yidhaa Kharduum University ee wadanka Suudaan. Isagoo markaa bartay culuunta qaanuunka. Kadib aqoontiisi sare ee digtoornimo wuxuu ku soo qatay wadamada Faransiiska iyo ingiriiska.

Kasakow in uu ahaa tallo-yaqaan si cilmiyaysan u hagi jiray kacdoonkii Islaamiga ahaa ee Suudaan oo ahaa kacdoonka kali ah ee Islaami ah ee si xirfad iyo xarago leh u guulaystay, wuxuu ahaa mufakar u damqadda dunida islaamka ah guud ahaan oo ay ka dhab ahayd. Xasan intaan ka bawsaday kartidiisii aqooneed ee uu u baddallay waxqabadka, wuxuu ahaa nin ay aad ugu waynayd oo ay ka go’anayd sidii mar uun loo heli lahaa xarakaad islaami ah oo ku dhisan farsamo iyo xadaarad ka shiidaalqaadanaya caqiiddada islaamka ee xeesha dheer. Hanaan siyaasi ah oo is-xukun oo ku dhisan caqiidada islaamka oo badhax la’a ayaa ahaa dhugta yoolkiisa Dr Xasan. Digtoor Xasan Al-Turaabi waa sheekha qudha ah ee waayoaragnimadiisii kacdoon jeclaysatay ee ka dhabeeyay in uu la wadaago kacdoon ku sheega sita magaca islaamka ee ka higleeya dunida islaamka.

Waxaa ka mid ahaa kacdoonadda tallada digtoorka gees maray ee dabadeed guuldaraystay kacdoonkii Islaamiga ahaa ee Saqiiray ee Daalibaan. Xasan wuxuu aaminsanaa goljilicda kacdoonadda islaamka in ay ka mid tahay hadba sida loo basriyo nidaamka siyaasada ee ku aadan saddex jiho. 1. Dumarka 2. Ciyaaraha (Sports) iyo 3. Fanka masraxa. Mufakar Al-turaabi wuxuu ahaa ruux ka fakaray inta ugu fog oo la dareen noqday dhibaatooyinka hagaasiyay in la helo duni islaam ah oo leh nidaam siyaasadeed oo islaam ah. hayeeshee marna lama fikir noqon kacdoonadan dhagarta badan ee sidii maayadaha oo kale ugu soo rogmaday dunida islaamka. Wuu ka rayi iyo aragti duwanaa.Wuxuu qabay in tallo laga soo baaraandagay oo ku dhisan xadaarada guunka ah ee Islaamka lagu baadidoono kacdoon islaami ah oo si isku mid ah u maasheeya dunid halawga ah ee islaamka.

Dr Xasan raximahullah, waa mufakarka sida geesinada leh ugu dhiiraday in uu hogatusaaleeyo kacdoonkii islaamiga ahaa ee Maxaakiimta islaamka ee Soomaaliya. Waxaan xusuusnahay in uu digtoorku siiyay Maxaakiimta tallo la mid ah talladii uu siiyay xarakadii Daalibaan. Ku darsoo, maalintaa digtoorka waxaa laga guntay in uu si adag u daafacay in guushooda iyo guuldarada kacdoonka Maxaakiimtu ku xidhantahay si toos ah hadba sida ay u nidaamiyaan siyaasadooda ku wajahan haweenka, Sports iyo Fanka. Nasiib xumo, ma ay qaadan talladii digtoorka; waana kuwii si fudud sallaanka uga dhacay ee utunta baas reebay.

Raximahulaah Al-Turaabi, marka la eego qoraaladiisa, doodihiisa iyo hadalkiisiiba, aragti ahaan waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa qunyar socod horusocod ah oo aragti horleh ku gaashaaman. Afkaar ahaan wuu ka duwanaa dhigiisii kale ee badnaa ee mashaa’iqda islaamka. Waayo qof ahaan wuxuu aaminsanaa aragtidiisii caanka noqotay ee hirgelinta mabda’a ‘’ulima’’. Maadaama uu ku dooday in aqoontu tahay laba mid uun; mid rabaani ah iyo mid diini ah! Wuxuu qabay in aqoonyahanku dhamaantood sida injineerka, kimistariistaha ama dhaqaaleyahanku ay yihiin Culimo; oo ay ku dhisan yihiin aragtida islaamiga ah ee Culima. Sidaa daradeed marjiciisu ma uu ahayn mid ku salaysan aqoonyahanka xirfad laha ah ee wuxuu ahaa mid ku dhisan nidaamka Culima ee Islamka.  Mambaadiidiisii dhinaca hanaaka siyaasada ee dawladnimo oo ahayd meelaha afkaartii sheekhu jilbaha dhigatay waxay ahayd in hirgelinta iyo qaadashada nidaam dumuquraadiya iyo xaqiijinta xuquuqda haweenka eek u dhisan qaanuunka islaamka. Fikir ahaan mufakarku wuxuu aaminsanaa in la helo hanaan xaliiban oo furfuran oo ku dabqaadanaya habka shareecada islaamka ee saxda ah. Waxaana la rumaysan yahay in uu ahaa faylasuuf ku xeeldheer qaybta falsafadda aqoonta ee la yidhaa (Progressivism) ama horusocodnimada ku dhisan aragtidda ah in tayaynta farsamada sanaacada ama technology ga, sayniska iyo xidhiidhka qofka iyo kooxaha si loo hurumarin karo nolosha aadamaha. Waxaana sidaa ku dhashay mabaadiidii islaamiga ahaa ee Xasan Al-turaabi.

wax-soo-saarka dhinaca cilmiga ma uu yaraysa intii uu noolaa. si firfircooni leh ayuu had iiyo goor u qaadan jiray afkaar markaa ugu muuqatay sida kali ah ee liibaantu ku jirto.  Ceelashii aqooneed ee uu sida baacadheer uga war doonay ayaa qof ahaan u badashay sheekh mufakar ah oo leh aragti caqiido oo fikir ah. Ma seegin in uu garaadkiisa iyo garashadiisa kaashado oo ma ahayn mid garashada gaardka aadamaha xooray. Tani waxay sababtay in uu noqdo ama lagu suntaddo  mid ka mid ah culimada ugu saamaynta badan wadanka Suudaan. Saamayntiisu run ahaan way u tallawday dunida islaamka guud ahaan iyo aduunka intiisa kale ba. Intii uu ahaa hogaamiyaha jabhadii islaamiga ahayd ee National Islamic front  ama (NIF) waxaa lagu xusuustaa afkaartii nidaam siyaasadeed uu u habeeyay nidaamka is-xukun iyo amni ee wadanka Suudaan. Inkasta oo dalalka reer galbeedku ku  qoonsadeen hindisihiisaa haddana kuwo hanaqaaday ayay ahaayeen.

Dhab ahaan muu ahayn sheikh Xasan  sheikh ku go’adoomay wacdi diini ah oo qudha sida badi sheekhda soomaalida ee wuxuu ahaa sheikh fikir ahaan lafaguray , rog rogay oo ku talaxagay aqoonta diinta Islaamka. Wuxuu isku dayay in oo uu ku guulaystay in uu naf u yeelo afkaarta diiniga ah si ay si dhab ah u hurumarinkaraan nolosha aadamaha. Waxaa nool oo maanta yaala buugaagtii uu ku faaqiday afkaarta diiniga ah iyo siday isula jaanqaadi karayaan higsiga nolol san oo u aadamuhu gaadho.

Digtoor Xasan Al-Turaabi, waxaa lagu xusuustaa go’aankii saamaynta wayn ku yeeshay nolosha siyaasada xarakadiisii guulaysatay ee uu ka qaatay dagaalkii iyo xulafadii gacanka khaliijka. Cadaw badan buu go’aankaa dabadii ku yeeshay  wadamada reer galbeedka. Sidoo kale waxaa iyana lagu xasuusan karayaa dardartii cusbayd ee hanaanka siyaasadeed ee Islaamiga ah ee aan cunfiga ku dhisnayn ee uu dunida inteeda kale ugu faanay iyo saamayntii ay ku yeesheen caalamka islaamka iyo dunida inteeda kaleba.

Mufakar /Caalim Xasan Al-turaabi wuxuu ku geeriyooday  maanta oo sabti ah 5 bisha march, 2016 lixdii  habeenimo saacada magaalada kharduum ee suudaan. Alle ha u naxariisto  oo cawil-naq ha ka siiyo dunida Islamka .

Ilyaas C. Carte.

amiircarte@gmail.com

COMMENTS
Latest News