Maalmahanews.com
Madaxweyne SIILAANYO: Talaabo Noocee ah Ayuu ka Qaadi Doonaa Duqeyda iyo Madax-dhaqameedka Beeshiisa ah ee Iclaamiyey Dagaalka Qabiil?
March 5, 2016 - Written by admin

Hargeisa-(Maalmaha):- Tan iyo intii ka danbaysay dilkii taliyaha qaybta ciidanka booliska Gobolka Saaxil Marxuun Cabdirisaq Yuusuf (Casayr), oo maanta lagu aasay xarunta gobolka Saaxil ee Magaalada Berbera waxa socday weeraro qaawan oo beesha Madaxweyne siilaanyo ka soo jeedaa si badheedh ah ugu waajaheen Maareeyaha Dekada wayn ee Somaliland Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor), oo marka si dhab ah loo eego kaliya lagu weerar kalmad uu hore warbaahinta uga gudbiyey taas oo ahayd ‘’Reer Dakad ma samaysan karo, Dawlad baa jirta oo arrimahaa masuul ka ah’’.

axmedsiilaanyo1

 

Inkastoo taliya la dilay aanu ahayn sarkaalkii ugu horeeyey ee ka tirsan ciidamada Qaranka oo dil loo gaysto hada waxa uu noqonayaa marxuumkii ugu horeeyey ee Madaxweyne siilaanyo ka hadlo dilkiisa, isla markaana wuu amaro adag ka soo saaro in talaabo laga qaado.

Guud ahaanba shacbiga Somaliland ayaa raali ka ah in Madaxwaynaha Qaranku ka hadlo saaraakiisha ka tirsan ciidamada ee dilka loo gaysto oo uu dhinaciisa ka lahaado qiimo culus, sidoo kalena wuu si isku mid ah uga hadlo ugana dareen celiyo dhamaantood, waxa kale oo shacbigu raali ka yahay in gacanta lagu soo dhigo oo xukuumadu talaabo dawladeed iyo hawl-galo culus kaga falceliso dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Laakiin waxay su’aali ka taagan tahay sababaha uu Madaxweyne siilaanyo dhab ahaan uga aamusay dilalka saraakiishii hore ee ka baxaya Ciidamada qaranka, iyadoo dilalka saraakiishu ku kooban tahay intii uu siilaanyo hogaaminayay Somaliland oo kaliya.

Hadana waxa is weydiini ka taagan tahay in Madaxweynaha Beeshiisu Masuul xil u haya Qaranka oo aanay kaba suurtoobi karin falalka dilka Masuulyiinta dhigiisa ah loo gaysto waxa uu raali uga noqday in cuqaal, Madax-dhaqameed iyo Odayaal ka soo jeeda beeshiisu si Qaawan u weeraraan Masuuliyiin uu xillal u Igmaday, hadaanay dhicinba in Madaxweynuhu qaato hadalada ay ku weerareen oo uu xilka uga qaado sidii horeba uga dhacday magaalada Berbera ee xarunta gobolka saaxil xiligii xilka loo dhaarinayay Maayirka oo xukuumada iyo Beesha Madaxweynuhuba olale adag ugu jireen in awood lagu meel mariyo Maayor ku xigeen ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha, taasoo ay xilkoodii ku waayeen masuuliyiin talaabadaasi ka hor yimid oo uu ka mid ahaa Godoomiyihii gobolka saaxil ee wakhtigaasi Mudane Ramaax inkastoo mudo ka bacdi dib loogu magcaabay badhasaabka gobolka Awdal.

Si kasta oo ay tahay Ilaahay Naxariistii jano ha ka waraabiyo dhamaanba saraakiishii ka baxday Ciidamada kala duwan ee Qaranka jamhuuriyada Somaliland, Balse  isweydiintu waxay tahay, Odayaasha, Cuqaasha iyo dhaqameedkii baaqa colaadeed ka jeediyey shalay magaalada ceerigaabo xukuumadu ma qaadi doontaa talaabada laga qaaday Salaadiinta Woqooyinga iyo Galbeedka Hargeisa ee la taxaabay Mise arrintoodu way ka duwaan doontaa.

Daawo

COMMENTS
Latest News