Maalmahanews.com
Xubnihii Is-bahaysiga KULMIYE Oo Sii Dabar Go’aya Iyo Dr Cabdi Aw Daahir Oo Camal La’aantu Badday Inuu Ku Laabto Mihnaddiisii Dhakhtarnimo
February 29, 2016 - Written by admin

Burco:(Maalmaha News)-Wasiirkii hore ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir  Cali  kamid ahaa xubnihii dhammaadkii sanadkii hore xukuumadda sida wadarta ah iskaga casilay, ayaa  ka gilgilashay camal la’aanta uu gacantiisa ku samaystay, waxana uu magaalada Burco ka bilaabay inuu ku shaqaysto mihnaddiisii dhakhtarnimada.cabdi aw daahir

Cabdi Aw Daahir oo intii aanu siyaasadda soo gelin ahaan jirey dhakhtar caan ah, ayaa afar Bilood oo camal la’aan ah kadib go’aansaday inuu dib boodhka uga jafo mihnaddiisa hore loogu yaqaannay.

Dr Cabdi Aw Daahir oo niyad jab weyn ka qaaday jaahwareerka ku habsaday xubnihii uu xilkiisa u sadqeeyey ee Is-bahaysiga la baxay, ayaa door biday inuu quutal daruurigiisa lasoo baxo, isla-markaana ka dheeraado arrinta Is-bahaysiga oo hadal iyo hutello la fadhiisto muddooyinkii ugu dambeeyey dhaafi weyday.

Go’aanka uu Dr Cabdi Aw Daahir dib ugu bilaabay shaqadiisii Dhakhtarnimo, ayaa muujinaysa in xubnihii is-bahaysiga ee xilalka iska casilay dhadhamiyeen qadhaadhka camal la’aanta, iyadoo qaar badan oo kamid ahi xod-xodasho kula jiraan xukuumadda, halka qaarna tahriib  badda ku jeexeen.

Maalmaha News/Burco Somaliland

Info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News