Maalmahanews.com
Xoghayihii WADDANI Ee Gobolka Gabiley Oo Ka Baxay Xisbiga, Kuna Biiray KULMIYE
February 28, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Maalmaha News)- Xoghayihii Xisbiga WADDANI ee Gobolka Gabiley Mursal Maxamed Odawaa, ayaa sheegay in uu shalay galab iska casilay xilkii xubinimadda Golaha Dhexe iyo Xoghayenimadii gobolkaba. casilaaadXoghaye Mursal Maxamed Odawaa, oo shir jaraa’id  ku qabtay Magaaladda Gabiley, ayaa sidoo kale sheegay inuu ka baxay xubinimadii xisbiga mucaaridka ah ee  WADDANI, waxaanu ku eedeeyay in xisbigaasi iskugu biyo shubtay beel isla markaana dhaqan siyaasadeedkiisu uu noqday mid ku tiirsan reernimo iyo qabyaallad.  “Waxaan gartay inaan iska casilo xubinimadii Golaha dhexe iyo xoghayihii gobolka labadaba, isla markaana aan ka baxay WADDANI oo aan ku biirayo xisbiga tallada haya ee KULMIYE,”Ayuu yidhi Xoghayihii xisbiga WADDANI ee gobolka Gabiley. “Guddoomiye Cirro wuxuu soo dhaafi la’yahay ilmaadeeradii oo ku xeeran, xisbiguna waxa uu noqday xisbi wax ku qeybsada oo ku dhaqma reernimo iyo qabyaalad,”ayuu ku dooday sarkaalkaas iska casilay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.  Sidoo kale, xubno caadiya oo ka tirsanaa xafiiska xisbiga WADDANI ee Gabiley ayaa sheegay inay iyaguna raaceen xoghayahan ka baxay WADDANI, waxaanay sheegeen in gobolka Gabiley aanu wax dani ugu jirin bulshadda xisbigaas.

Maalmaha News/Gabiley

Info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News