Maalmahanews.com
Xog-Warran Isbar-Bar-Dhigay Somaliland & Soomaaliya Oo Wasiir British Ahi Hor-Dhigay Baarlamaankiisa
February 28, 2016 - Written by admin

London(Maalmaha News)-Dawladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaaday in  jamhuuriyada Somaliland qeyb ka tahay dalal  iskaashi ka dhaxeeyo,  isla markaana si cad u muujiyey inay ka duwan tahay Soomaaliya. Fadhi baarlamaanka Ingiriisku yeeshay khamiistii toddobaadkii hore oo xildhibaan Nicholas Soames, ku weydiiyey haweenayda Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Penny Mordaunt, su’aal la xidhiidhay wadamadda kala qeyb-qaatay tababarrada maraakiibta dushooda ee Flag Officer.

Penny Mordaunt, oo ah  Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Ingiriiska ayaa sheegtay in sannad walba wadammo badan kala qeyb qaataan tababarrada badaha ee loo yaqaan Flag Officer. Dawladda-Ingiriiska

Mrs. Mordaunt ayaa sheegtay in sannadkii hore 58 wadan kala qeyb galeen oo Somaliland qeyb ka tahay, laakiin aan lagu darin magaca wadanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kana mid yihiin: Albania, Australia, Austria, Azerbaijan, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Belize, Brunei, Canada, Chile, Colombia, Denmark, Egypt, Estonia, France, Germany, Georgia, Ghana, India, Indonesia, Ireland, Italy, Jamaica, Jordan, Kenya, Korea, Kuwait, Lebanon, Libya, Malaysia, Malta, Morocco, Mozambique, Netherlands, New Zealand, Nigeria, Norway, Oman, Pakistan, Philippines, Poland, Portugal, Qatar, Saudi Arabia, Senegal, Seychelles, Singapore, Somaliland, South Africa, Trinidad, Tobago, Tunisia, Turkey, Ukraine, United Arab Emirates, Uruguay, Vietnam iyo Yemen.

Tababarkan xukuumadda Ingiriisku sheegtay in Somaliland la wadaagtay ayaa lagu sheegay inuu yahay mid sannad walba ciidamada baddu diyaariyo, oo loogu tallo-galay in lagu xaqiijiyo u diyaar ahaanshaha maraakiibta iyo ciidamadda saaran hawl-galada looga baahdo. Hadalkan ayaa si cad u muujinaya kala duwanaanshaha dalalka  Somaliland iyo Soomaaliya, iyo sida caalamku ula leeyahay xidhiidho kala duwan oo iskaashi wadanka Jamhuuriyadda  Somaliland, inkastoo aanu haysan ictiraaf caalami ah, balse dhinaca kale wadanka Soomaaliya oo dunnidu aqoonsan tahay aanu u haysan.

Maalamaha News/London

Info@maalmahanews.com

COMMENTS
Latest News