Maalmahanews.com
Mujaahid Axmed Maxamed XAsan (Axmed-Japan) Oo Ku Geeriyooday Hargeysa, Taariikh Kooban oo aanu idiinka Diyaariney
February 28, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Maalmaha News)- Alla ha unaxariistee waxaa xalay cawayskii magaallada HArgeysa ku geeriyooday Muj. Axmed Maxamed XAsan (Axmed-Japan) oo kamid ahaan jiray Hoggaamiyeyaashii hawl-gallada Sahanka u qaabilsanaan jiray jabhaddii SNM. Mujaahid Axmed Japan oo muddooyinkii u dembeeyey xaallad caafimaad u jiifay ayaa xalay cawayskii oofsaday, sida ay noo xaqiijiyeen xalay qaar kamid ah ehellada marxuumka oo aanu xidhiidh la samayney.

Kuma Ayuu Ahaa Muj. Axmed-Japan

Alla ha u naxariistee Marxuum AXmed Maxamed Xasan oo loo yaqaannay Axmed Japan ama Awoowo oo muddooyinkii u dembeeyey degennaa magaallada HArgeysa, gaar ahaanna xaafadda Jigjiga yar waxaa lagu xasuustaa qoyskiisa dhacdo  ay ciidammada ammaanku ku gelelefeen gurigiisa dabayaaqadii sannadkii inna dhaafay halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ugu geysteen caruurtii uu dhalay Mujaahidku kadib markii muran meel uu ku dembeeyey la garan waayay ka dhashay dhulka uu degennaa oo la damcay in khasab lagaga raro.  Marxuumka oo   ka sheekeeyey dhacdadaas waxaa uu  si  naxdin leh uga warramay xilligaas qaabkii loo galay iyo dhimashadii iyo dhaawacii loo geystay caruurtiisa.

Dhacdadii sannadkii inna dhaafay kadib Mar aanu ku booqanay marxuumka gurigiisa ayaanu wax ka weydiinay su’aal ahayd doorkii uu Ku lahaa halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM hormoodka ka ahayd ee lagula soo noqday sidigtii [xornimadii] fool hallowday 1960-kii, isaga oo ka jawaabay weydiin nuxurkeedu taariikhdaas ku dherernaa waxaa uu yidhi “ taariikhda aan ku lahaa markii uu halkanku bilaabmay, waxaan ahaa madaxa qaybtinta shidaalka ee  wakaalladii Bartoolka, gaar ahaanna waxaan ku jiray guddida tashiilka shidaalka ee gobolka, markaa rag badan oo saraakiil ah oo ay kamid ahaayeen Maxamed Xaashi Lixle, Axmed Maxamed Halac, Ibraahim Koodbuur baanu saaxiib ahayn  oo  isku mejlis ahayn. Markaa 1983-kii bilowgiisii ayaa anigoo wakaaladda Bartoolka ah kamid noqday xidhiidhka gudaha ee SNM.

Markaas hay’ad walba SNM cid bay kulahayd, aniguna qaybtii shidaalka ayaan ahaa. Tabobarkaygii rasaastana wallow hore u qabay tabobar oo aan 1966-kii qaatay tabobarkii u horreeyey ciidamadda, oo  Ibraahim Koodbuur baa iigu Macalin Ahaa, Xalane  iyo  Ceel-jaallayaashiiba. Markii aan baxay ee aan SNM galayna waxaan noqday  qaybtii galbeed ee SAHANKA ee xaruntoodu Dibiile ahayd, illaa waqtigaas ilaa markii dalka lasoo galayna sahankii baan ahaa,  oo markii Hargeysa ay ciidammada SNM soo galaysay waxaan ahaa sahankii kasoo horreeyey  oo lix iyo toban nin oo lix ka mid ahi Hargeysa ku qornaayeen baan ahayn, lixdaasna waxaa maanta ka nool [Isaga], Cali Gurey, Khadar Cali Sabayse, Ina Awr-liqe (Cismaan), nin Maxamed-dhako la yidhaahdo oo immika naafo ah oo dibada ku maqan.   Nin Yuusuf Gadhle la odhan Jiray iyo Gacmo-dheere-na way dhinteen, Lixdaas baanu Hargeysa ku qaabilsanayn. Toban-na waxa ay qaabilsanaayeen Waqooyiga, sida Agabar, Laas-dhuurre, Geed-deeble iyo Hora- haadley oo Cadawga laga hubiyo. Tobankaas waqooyigana waxaan filayaa in maanta ay afar ka nool yihiin.

Taariikhda marxuumka laguma soo koobi karo qoraal halkan ah, wixii nooga suurtogala taariikhda marxuumka qaybahayaga dambe ayaanu idiinku soo gudbin doonaan, haddii Allaha awooda leh yidhaa.

Alle haw u nuuro qabriga e’, dhamaan hawlwadeenada bahda wargeyska Hubaal waxay tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaan qoyskii, qaraabadii, Mujaahidiinta iyo dhammaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay marxuum Muj. Axmed Maxamed XAsan (Axmed-Japan) oo Xalay ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.

INNAA LILLAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

COMMENTS
Latest News