Maalmahanews.com
“Anigu Haddii Aan Hore U Dhaliili Jiray Madaxweynaha, Maanta Xag-xagasho Xagayga Kaga Timaadaa Xaasha’ Weeye”
February 28, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Maalmaha News)– Xildhibbaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Aw-xoog) oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland sida ayaa si adag u dhalliilay heerka ay marayso siyaasadda arrimaha  dibadda Somaliland, waxaana uu sheegay in guud ahaan hoos u dhac aad u weyn uu ku yimi siyaasadda Somaliland isla mar ahaantaana aanay haba-yaraatee jirin wax-dhaqdhaqaaqyo oo ay xukuumadda Kulmiye ku raadinayso siddii ay Somaliland beesha caalamka uga heli lahayd Ictiraaf buuxa.

Xildhibbaan Cabdiraxmaan Aw-xoog oo muddooyinkii dambe socdaalo ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaana wadamo ka mid ah dalalka Yurub iyo sida oo kale waqooyiga Ameerika,  oo ugu horreyn ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa  sheegay in xukuumaddii hore ee Daahir Ra’yaale ay xukuumadda Siilaanyo kaga dhaqdhaqaaq badnayd raadinta Ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caalamka waxaana uu yidhi “Siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland maanta waxa ay maraysaa heerkii ugu hooseeyey, waxaana aanu soo xaqiijinay in aanay haba-yaraatee xukuumaddan Kulmiye wax dhaq-dhaqaaq ah u samaynin raadinta Ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caalamka, muddadii aanu joognay dibadda waxa aanu la kulannay ururo matela wadamada aan dunida Ictiraaf ka helin, waxaana ay noo sheegeen in xilliggii Daahir Ra’yaale ay jirtay xidhiidho ay la lahaayeen Somaliland balse waxa ay runtii si cad nooggu sheegeen in aanay muddo Lix sanno ah aragba maamulka xukuumadda Kulmiye iyada oo raadinaysa wax Ictiraaf ah oo Somaliland hesho, annaguna waxa aanu ka xisbi ahaan diyaar u nahay in aanu soo xaqiijiyo oo aanu shacabka u keeno Ictiraaf dhabba, waana sababta aanu buuggayaga tiirka 1aad uga dhignay raadinta Ictiraafka oo aanu maanta ku kalsoonahay in aanu god walba oo loo geli karto soo salaxnay. Ururadaas laftooduna waxa ay noo balan-qaadeen in ay wax badan nagala qaban doonaan raadinta Ictiraafka.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

Xildhibbaan Cabdiraxmaan Aw-xoog oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa ka hadlay guddidii dhawaan uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay qaddiyada aqoonsi raadinta “Nimanka hadda  loo magacaabay Ictiraafka, welibana kala jooga cad-ceed ka soo bax iyo cad ee ka dhaca ee aan isba soo gaadhayna, waxa aan u arkaa  arrin wakhtigii looggu tallo-galay ee munaasibka ku ahayd dib uga soo dhacday, waa arrin aan xilli habboon lagu soo beegin oo xukuumaddii oo sannad wax ka yar u hadhsan tahay ayaa rabta in ay maanta tidha tallaabadaas ayaan qaadaynaa, waxa aanu lee nahay waa ciyi waa ka beryey, annagana wakhtigayaga nimanka la magacaabay laftooda wax noo diidaya in aanu la kaashanno raadinta Ictiraafka ma jirto.

Ugu dambeyntiina xildhibbaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog)   ayaa sheegay wakhti xaadirkan in aanu mar dambe wax xag-xagasho iyo dhalliilo ah toona u soo jeedinayn madaxweynaha Somaliland. “Anigu ma doonaayo, dalkana ugumaan soo noqon in aan xag-xagasho iyo dhalliilo badan   u geysto Madaxweynaha Somaliland, haddii aan hore u dhalliili jiray, mucaaradna iskugu soo ahayn wakhtiyo kala gedisan, maanta madaxweyne Axmed Siilaanyo maaha murashax, waa uu tanaasulay, wakhtigiisa yar ee u hadhayna wax xag-gagasho ah oo xagayga ugaga imanaya ma jirto haddii aan hore ugu soo jeedin jiray dhalliilo iyo arrimo kaleba. Siilaanyo waa nin da’ ah wakhti daayacna waa uu jooggaa marka in maanta xagayaga wax kaga yimaadaan xaasha weeye, waxaana aanu kaliya uga fadhinaa uun in uu taariikh ka tago oo uu si cadaalad ah oo dhexnimo ah nooggu kala xaq sooro xisbiyada kale ee aanu tartanka kula jirno. Annagu waxa aanu tartan la gelaynaa ninka xisbiga Kulmiye hoggaanka u haya [Muuse Biixi Cabdi]” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku soo xidhay.

Maalmaha News/Hargeisa office

Info@maalmahanews.com

 

COMMENTS
Latest News